Center for Crisis and Disaster Management

Center for Crisis and Disaster Management Xarunta Mareeynta Musiibooyinka Jaamacadda Muqdishu waxa ay ka shaqaysaa kahortaga, kajawaabidda iyo ka soo kabashada musiibooyinka

10/11/2024

Prof. Dr. Sharif Osman Agaasimaha Machadka Nabadda, Biyaha, iyo Deegaanka ee Jaamacadda Muqdisho, ayaa si qoto dheer u falanqeynaya muhiimadda ay leedahay in laga gudbo marxaladda ka jawaabista aafooyinka, oo loo gudbo marxaladda u diyaargarowga.

Shirweynahaan waxaa siwadajir ah usoo agaasimay Hay’adda SoDMA iyo Xarunta Maareynta Musiibooyinka ee Jaamacadda Muqdishu.

https://fb.watch/vMqnEaG36Z/

Dr. Sharif Cusman, Agaasimaha Machadka Nabadda, Biyaha, iyo Deegaanka ee Jaamacadda Muqdisho, ayaa soo jeedin doona dara...
10/11/2024

Dr. Sharif Cusman, Agaasimaha Machadka Nabadda, Biyaha, iyo Deegaanka ee Jaamacadda Muqdisho, ayaa soo jeedin doona daraasad uu ka sameeyay sidii loo horumarin karo adkeysiga abaaraha iyo fatahaadaha iyo soo-kabashada Soomaaliya iyadoo la adeegsanayo qorsheynta iyo diyaargarowga degdegga ah.

Shirweynahaan waxaa siwadajir ah usoo agaasimay Hay’adda SoDMA iyo Xarunta Maareynta Musiibooyinka ee Jaamacadda Muqdishu.

Dr. Maxamed Naasir, Kaaliyaha Guddoomiyaha Jaamacadda Muqdisho iyo bare sare oo ka tirsan Kulliyadda Shareecada iyo Qaan...
10/11/2024

Dr. Maxamed Naasir, Kaaliyaha Guddoomiyaha Jaamacadda Muqdisho iyo bare sare oo ka tirsan Kulliyadda Shareecada iyo Qaanuunka, ayaa ka soo jeedin doona Shirweynaha U Adkaysiga Aafooyinka ee Soomaaliya daraasad cinwaankeedu yahay "Doorka xoojinta sharciga iyo kala dambaynta ay ku leeyihiin ka hortagga masiibooyinka"

Shirweynahaan waxaa siwadajir ah usoo agaasimay Hay’adda SoDMA iyo Xarunta Maareynta Musiibooyinka ee Jaamacadda Muqdishu.

Wasiirka Horumarinta Miyiga iyo Adkeysiga ee Koonfur-galbeed Soomaaliya, ahna dhaqaaleyahan Soomaaliyeed oo ku takhasusa...
10/11/2024

Wasiirka Horumarinta Miyiga iyo Adkeysiga ee Koonfur-galbeed Soomaaliya, ahna dhaqaaleyahan Soomaaliyeed oo ku takhasusay maaliyadda islamarkaana haysta Ph.D. cilmiga Maaliyadda Caalamiga ah, Dr Maxamed Ibrahim Nuur ayaa ka soo jeedin doona Shirweynaha U Adkaysiga Aafooyinka ee Soomaaliya daraasad cinwaankeedu yahay "Ka Hortagga Barakaca ay Sababto Cimilada iyo Maareynta Masiibooyinka - Xaddidaadaha Maaliyadeed ee Istiraatiijiga ah ee Hey'adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliya."

Shirweynahaan waxaa siwadajir ah usoo agaasimay Hay’adda SoDMA iyo Xarunta Maareynta Musiibooyinka ee Jaamacadda Muqdishu.

Dr. Abdirahman Ismail Dhaqane, oo haysta PhD cilmiga Injineernimada Khayraadka Biyaha ah, isla markaana ah Hormuudka Kul...
10/11/2024

Dr. Abdirahman Ismail Dhaqane, oo haysta PhD cilmiga Injineernimada Khayraadka Biyaha ah, isla markaana ah Hormuudka Kulliyadda Injineerinka ee Jaamacadda Muqdisho, ayaa ka soo jeedin doona daraasad cinwaankeedu yahay "Qiimeyn ku Saleysan Saameynta Roobabka Xilliyeed ee Abaaraha"

Shirweynahaan waxaa siwadajir ah usoo agaasimay Hay’adda SoDMA iyo Xarunta Maareynta Musiibooyinka ee Jaamacadda Muqdishu.

Nasima Abukar, oo leh khibrad ku aaddan gargaarka bini'aadantinimo, ka-hortagga khilaafaadka, iyo u qareemidda dadka loo...
10/11/2024

Nasima Abukar, oo leh khibrad ku aaddan gargaarka bini'aadantinimo, ka-hortagga khilaafaadka, iyo u qareemidda dadka loo geysto tacaddiyada, ayaa ka soo jeedin doonta Shirweynaha U Adkaysiga Aafooyinka ee Soomaaliya daraasad cinwaankeedu yahay "Barakaca ay Sababaan Masiibooyinka: Hirgelinta Istaraatiijiyado lagu Maareeyo Khataraha iyo Tacaddiyada ka Dhasha Masiibooyinka."

Shirweynahaan waxaa siwadajir ah usoo agaasimay Hay’adda SoDMA iyo Xarunta Maareynta Musiibooyinka ee Jaamacadda Muqdishu.

Injineer Amir Xassan Cabdullaahi, oo ah khabiir ku takhasusay cilmiga dhulka iyo injineernimada deegaanka, ayaa ka soo j...
10/11/2024

Injineer Amir Xassan Cabdullaahi, oo ah khabiir ku takhasusay cilmiga dhulka iyo injineernimada deegaanka, ayaa ka soo jeedin doona Shirweynaha U Adkaysiga Aafooyinka ee Soomaaliya daraasad cinwaankeedu yahay "Doorka GIS ee Maareynta Barakacayaasha: Caqabadaha iyo Xaddidaadaha: Tusaale Cilmiyeed oo ku Saabsan qaar ka mid ah Degmooyinka Gobolka Banaadir, Soomaaliya."

Shirweynahaan waxaa siwadajir ah usoo agaasimay Hay’adda SoDMA iyo Xarunta Maareynta Musiibooyinka ee Jaamacadda Muqdishu.

Hormuudka Kulliyadda Daaweynta iyo Qalliinka ee Jaamacadda Muqdisho, Dr. Maxamed Axmed, oo ah dhakhtar ku takhasusay cud...
10/11/2024

Hormuudka Kulliyadda Daaweynta iyo Qalliinka ee Jaamacadda Muqdisho, Dr. Maxamed Axmed, oo ah dhakhtar ku takhasusay cudurrada wadnaha ee carruurta, ayaa ka soo jeedin doona Shirweynaha U Adkaysiga Aafooyinka ee Soomaaliya daraasad cinwaankeedu yahay "Dhisidda Nidaamka Caafimaadka ee Adkaysi u Leh Masiibooyinka ka Dhaca Soomaaliya.

Shirweynahaan waxaa siwadajir ah usoo agaasimay Hay’adda SoDMA iyo Xarunta Maareynta Musiibooyinka ee Jaamacadda Muqdishu.

Mumin Rage Ahmed ayaa Shirweynaha U Adkaysiga Aafooyinka ee Soomaaliya ka soo jeedin doonaa daraasad cinwaankeedu yahay ...
10/11/2024

Mumin Rage Ahmed ayaa Shirweynaha U Adkaysiga Aafooyinka ee Soomaaliya ka soo jeedin doonaa daraasad cinwaankeedu yahay "Saameynta Abaaraha ee Wax-soo-saarka Beeraha ee Jowhar, Soomaaliya."

Shirweynahaan waxaa siwadajir ah usoo agaasimay Hay’adda SoDMA iyo Xarunta Maareynta Musiibooyinka ee Jaamacadda Muqdishu.

Dr. Abas Omar Mohamed, khabiir ku takhasusay dhaqaalaha, ayaa soo jeedin doona daraasad cinwaankeedu yahay "Saameynta Nu...
10/11/2024

Dr. Abas Omar Mohamed, khabiir ku takhasusay dhaqaalaha, ayaa soo jeedin doona daraasad cinwaankeedu yahay "Saameynta Nuglaanshaha Dhaqaale ee Ka Dhashay Masiibooyinka iyo Amniga Cuntada ee Soomaaliya: Istaraatiijiyado Waara oo Lagu Dhisayo Adkeysiga Masiibooyinka"

Shirweynahaan waxaa siwadajir ah usoo agaasimay Hay’adda SoDMA iyo Xarunta Maareynta Musiibooyinka ee Jaamacadda Muqdishu.

Address

Km4, Benadir
Mogadishu
252

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Center for Crisis and Disaster Management posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share