Xarunta Barbaarinta Carruurta Boliiska

Call Directions Contact the organization

Xarunta Barbaarinta Carruurta Boliiska ku soo dhawoow boga rasmiga ah ee Xarunta Agoonta Boliiska Soomaaliyeed

22/09/2026

Muuqaal soo koobaayo Maalintada nabadda ee adduunka oo lagu xusey muqdisho

Taliyaha Xarunta Barbaarinta Agoonta Boliiska Dhamme: Xaliimo-Sacdiyo Yuusuf, ayaa ka qeyb gashay munaasabadda xuska Maa...
22/09/2026

Taliyaha Xarunta Barbaarinta Agoonta Boliiska Dhamme: Xaliimo-Sacdiyo Yuusuf, ayaa ka qeyb gashay munaasabadda xuska Maalinta Caalamiga ah ee Nabadda.

Munaasabadda waxaa lagu xusay muhiimadda ay nabaddu u leedahay bulshada, gaar ahaan carruurta iyo dhalinyarada oo ah jiilka mustaqbalka.

Taliyaha ayaa khudbad ay ka jeedisay munaasabadda xoogga ku saartay in nabaddu aysan ahayn oo keliya dagaal la’aan, balse ay tahay amni, waxbarasho, is-ixtiraam, wada noolaansho iyo fursad loo abuuro jiilka soo koraya.

Waxay sidoo kale tilmaantay doorka waxbarashada iyo tarbiyadda carruurta ee dhismaha jiil nabadeed, iyadoo ku boorrisay dhalinyarada Soomaaliyeed inay aqoontooda, xirfadahooda iyo hal-abuurkooda uga faa’iideystaan dhismaha nabadda iyo horumarka dalka.

"Haddii aan rabno Soomaaliya nabad ah berri, waa inaan carruurteena nabad ku barbaarrinaa maanta" ayuu ahaa hadalka Taliyaha.

Taliyaha Xarunta Barbaarinta Agoonta Boliiska Soomaaliyeed, Dhamme Xaliimo-Sacdiyo Yuusuf, ayaa maanta xafiiskeeda ku so...
17/09/2026

Taliyaha Xarunta Barbaarinta Agoonta Boliiska Soomaaliyeed, Dhamme Xaliimo-Sacdiyo Yuusuf, ayaa maanta xafiiskeeda ku soo dhaweysey Xubno ka socda Naadiga Dhalinyarada Nabadda Ee Muqdisho oo hogaaminaayo Guddoomiyaha Naadiga.

Taliyaha ayaa uga mahadcelisay xubnaha Naadiga booqashadooda iyo dadaalkooda ku aaddan xoojinta nabadda, wadajirka iyo horumarka bulshada.

Waxay sidoo kale muujisay sida ay ugu faraxsan tahay booqashada Naadiga, iyadoo carrabka ku adkaysay muhiimadda ay leedahay in dhalinyaradu door muuqda ka qaataan nabadeynta iyo dhismaha mustaqbal wanaagsan.

"Ku soo dhowaada Xarunta Barbaarinta Agoonta Boliiska Soomaaliyeed. Mahadsanidiin booqashada iyo dadaalka wanaagsan ee aad bulshada u haysaan." Ayuu ahaa hadalka taliyaha.

Hambalyo 1-da LuulyoWaxaan dhammaan shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeynayaa munaasabadda 1-da Luulyo, oo ah maalin asta...
01/07/2026

Hambalyo 1-da Luulyo
Waxaan dhammaan shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeynayaa munaasabadda 1-da Luulyo, oo ah maalin astaan u ah midnimada iyo madax-bannaanida Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Maanta waxay ina xusuusinaysaa dadaalkii iyo naf-hurnimadii halyeeyadii u soo halgamay xorriyadda iyo mideynta ummadda Soomaaliyeed. Waa maalin mudan in laga barto qiimaha wadajirka, jacaylka dalkeenna, iyo ilaalinta qarannimada.

Alle waxaan ka baryayaa inuu Soomaaliya ku mannaysto nabad, xasillooni, horumar iyo barwaaqo, shacabka Soomaaliyeedna uu ku mideeyo walaaltinimo iyo is-ixtiraam.

Hambalyo 1-da Luulyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed. Soomaaliya ha noolaato, midnimo iyo horumarna ha gaarto.

Ubax dhigga Taallada Dhagaxtuur oo ka mid ah astaamaha lagu xusuusto halgankii ay shacabka Soomaaliyeed isaga dulqaadeen...
26/06/2026

Ubax dhigga Taallada Dhagaxtuur oo ka mid ah astaamaha lagu xusuusto halgankii ay shacabka Soomaaliyeed isaga dulqaadeen heeryadii gumeysiga.

Hambalyo 26-ka juun.

Hambalyo 26-ka Juun Taliyaha Xarunta Barbaarinta Agoonta Boliiska Soomaaliyeed, Dhamme: Xaliimo Sacdiyo Yuusuf, ayaa dha...
26/06/2026

Hambalyo 26-ka Juun

Taliyaha Xarunta Barbaarinta Agoonta Boliiska Soomaaliyeed, Dhamme: Xaliimo Sacdiyo Yuusuf, ayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeysey munaasabadda qiimaha badan ee 26-ka Juun oo ah maalin xusuus iyo sharaf u leh halgankii iyo geesinnimadii ay muujiyeen halyeeyadii u soo hooyay gobannimada.

Hadalka taliyaha ayaa ahaa "Ilaahay ha u naxariisto dhammaan intii naftooda u huray xorriyadda dalkeenna, kuwa noolna ha siiyo caafimaad iyo barwaaqo"

"Waxaan Alle ka baryayaa inuu Soomaaliya ku mannaysto nabad waarta, midnimo, horumar iyo barwaaqo."

Hambalyo 26-ka Juun dhammaan shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.

14/06/2026

Xarunta Barbaarinta agoonta Boliiska Soomaaliyeed oo abaal marin qaali ah oo isku jirta Dahab, taleefano(Mobile) iyo Lacago la Guddoonsiiyey Ardey ku guulaysatey Tartarka xifdinta Quraanka Kariimka.

Taliyaha Xarunta Barbaarinta agoonta Boliiska iyo saraakiil ka tirsan ciidanka boliiska ayaa si wadajir ah u guddoonsiiyey abaalmarinahaas.

Inta xafladda socotey waxaa loo mahadceliyey xaaska taliyaha ciidanka boliiska marwo mako oo door weyn ku laheed qaban qaabada xafladda.

Mahadsanidiin.

Taliyaha Xarunta Barbaarinta agoonta Boliiska dhamme: Xaliimo-Sacdiyo Yuusuf ayaa hambalyo la wadaagtey dhamaan umadda s...
26/05/2026

Taliyaha Xarunta Barbaarinta agoonta Boliiska dhamme: Xaliimo-Sacdiyo Yuusuf ayaa hambalyo la wadaagtey dhamaan umadda soomaaliyeed gaar ahaan carruurta agoonta boliiska.

Waxeyna tiri "Waxaan hambalyo udiraya dhamaan umadda Soomaaliyeed gaar ahaan carruurta agoonta boliiska munaasabada Ciid Al-adxa waxaana idin leeyahay cafimaad ku ciida."

Taliyaha Xarunta Barbaarinta Agoonta Boliiska Dhamme: Xaliimo-sacdiyo yuusuf iyo Qaar kamid ah Saraakiisha Ciidanka Boli...
18/05/2026

Taliyaha Xarunta Barbaarinta Agoonta Boliiska Dhamme: Xaliimo-sacdiyo yuusuf iyo Qaar kamid ah Saraakiisha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa kulan dhiiragelin iyo qado sharaf u sameeyay ciyaartoyda Naadiga Heegan, iyadoo ujeeddadu ahayd garab istaag iyo taageero buuxda oo loo muujinayo kooxda si ay guulo uga gaaraan tartamada kubadda cagta dalka.

Saraakiisha ayaa ciyaartoyda ku dhiirageliyay inay sii laba jibbaaraan dadaalkooda, maadaama Naadiga Heegan uu haatan hoggaanka u hayo horyaalka dalka, iyagoo rajo weyn ka muujiyay in kooxdu ku guuleysan doonto horyaalka Soomaaliyeed.

Address

Mogadishu

Telephone

+252615128666

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Xarunta Barbaarinta Carruurta Boliiska posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Xarunta Barbaarinta Carruurta Boliiska:

Shortcuts

Share