Golaha Midnimada Dhallinyarada Beesha Tunni Gobolka Banaadir

Golaha Midnimada Dhallinyarada Beesha Tunni Gobolka Banaadir Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Golaha Midnimada Dhallinyarada Beesha Tunni Gobolka Banaadir, Youth Organization, Mogadishu.

π‘΄π’–π’’π’…π’Šπ’”π’‰π’, πƒπ’π¬πžπžπ¦π›πšπ« 20, πŸπŸŽπŸπŸ“: kusimaha Guddoomiyaha Golaha Midnimada Dhallinyarada Beesha Tunni Gobolka Banaadir  .Moham...
20/12/2025

π‘΄π’–π’’π’…π’Šπ’”π’‰π’, πƒπ’π¬πžπžπ¦π›πšπ« 20, πŸπŸŽπŸπŸ“: kusimaha Guddoomiyaha Golaha Midnimada Dhallinyarada Beesha Tunni Gobolka Banaadir .Mohamed Zaki. ayaa maanta magacaabay Gudi Doorasho dhamaystiran:

1. Mohamed Mohudiin Omer - Guddoomiye

2. Abdifitah Abukar Nuur - Afhayeen

3. Firdowsa Mohamed Yusuf - Guddoomiye Ku-xigeen

4. Abdulkadir Hussein Omer (Qoslaaye) - Xogheye

5. Mohamed Mukhtar Abdulkadir (Zaaza) - Xubin

Kusimaha Guddoomiyaha Golaha Midnimada Dhallinyarada Beesha Tunni Mudane.Mohmed Zaki ayaa kula dardaarmay Gudiga Doorashada in uu hor-tebin siiyo Harumarinta Hubinta hufnaanta, cadaaladda iyo daahfurnaanta geeddi-socodka, Ilaalinta midnimada iyo wadajirka dhallinyarada Beesha Tunni, Soo gudbinta warbixin dhammeystiran marka

β€”πƒπ‡π€πŒπŒπ€π€πƒβ€”

Muqdisho.13-Dec-2025WARQAD DIGNIIN & FARAGELIN-DIIDMO AHKu: Odayaasha Dhaqanka Beesha TunniOg: Bulshada Beesha TunniUjee...
13/12/2025

Muqdisho.13-Dec-2025

WARQAD DIGNIIN & FARAGELIN-DIIDMO AH

Ku: Odayaasha Dhaqanka Beesha Tunni
Og: Bulshada Beesha Tunni

Ujeeddo: Ka fogaanshaha Faragelinta Arrimaha Dhalinyarada

Gollaha Midnimada Dhalinyarada Beesha Tunni wuxuu si xushmad iyo ixtiraam leh ugu baaqayaa Odayaasha Dhaqanka in ay joojiyaan kala qeybinta iyo faragelinta arrimaha u gaarka ah dhalinyarada.

Waxaan si cad u caddaynaynaa in magacaabista iyo doorashada hoggaanka dhalinyarada (hoggaan ku-meel-gaar ah ama hoggaan rasmi ah) aysan ahayn shaqada odayaasha, balse ay tahay go’aan iyo xuquuq ay leeyihiin dhalinyarada laftooda.

Dhalinyaradu iyagaa si xor ah iskaga dhex dooranaya hoggaan ku-meel-gaar ah iyo hoggaan rasmi ah, iyagoo raacaya nidaamka iyo habraaca u degsan.

Shaqada Odayaasha Dhaqanka waa:

In ay talo iyo tusaale suuban bixiyaan

In ay ilaaliyaan midnimada iyo wadajirka beesha

In ay ka fogaadaan faragelin keeni karta khilaaf iyo kala qeybsanaan

Golluhu wuxuu mar kale ku baaqayaa midnimo, wadatashi iyo is-ixtiraam si loo dhiso mustaqbal wanaagsan oo dhalinyarada u horseeda horumar iyo wadajir.

-DHAMAAD-

Kusimaha Guddoomiyaha
Mudane: MOHAMED ZAKI
Gollaha Midnimada Dhalinyarada Beesha Tunni

Muqdisho – Soomaaliya, 22 November 2025:Kusimaha Guddoomiyaha Golaha Midnimada Dhallinyarada Beesha Tunni, Mudane Maxame...
22/11/2025

Muqdisho – Soomaaliya, 22 November 2025:
Kusimaha Guddoomiyaha Golaha Midnimada Dhallinyarada Beesha Tunni, Mudane Maxamed Axmed Aweys (M. Zaki), ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray dhammaan macallimiinta Soomaaliyeed, munaasabadda 21-ka November oo ku beegan Maalinta Macallinka Soomaaliyeed.

Guddoomiye Maxamed Zaki ayaa sheegay in macallimiinta Soomaaliyeed ay dalka iyo dadka Soomaaliyeed ku leeyihiin abaal aad u weyn, maadaama ay xilliyo adag iyo duruufo culus kusoo shaqeeyeen, ilaa haddana ay weli ku gudanayaan waajibaadkooda diiradda lagu saarayo waxbaridda iyo horumarinta jiilka soo koraya.

Sidoo kale, wuxuu ku bogaadiyey macallimiinta dadaalka ay u hayaan kor u qaadista waxbarashada dalka, isagoo ku dhiirri-geliyey in ay sii laba-laabaan hawlahooda hagar la’aanta ah ee ku aaddan mustaqbalka ardayda Soomaaliyeed.

Golaha Midnimada Dhallinyarada Beesha TUNNI Waxay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan Mr. Abdullahi Malele iyo Ms. Samiira ...
31/10/2025

Golaha Midnimada Dhallinyarada Beesha TUNNI
Waxay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan
Mr. Abdullahi Malele iyo Ms. Samiira Hussein,
kuwaas oo maanta meherkoodu ka dhacay magaalada Muqdisho.

Goluhu wuxuu leeyahay:

> "Barako iyo bashbash ha idinla joogto,
Eebbe ha idin siiyo ubad kheyr qaba,
Noloshiinna cusubna ha ka dhigo mid raaxo, raxmad iyo kalgacal ku dhisan."

Hambalyo meherkiinna, guurkiinna ha noqdo mid lagu nasto oo lagu nagaado. πŸ’βœ¨

13/10/2025

πŸ“œ Khudbadda Taliyihii H**e ee Saldhigga Degmada Baraawe – Taliye Qaldaan
Khudbad qiimo badan ayaa waxaa ka jeediyey munaasabadda 10-ka October
Taliye Qaldaan ayaa hadalkiisa ku bilaabay bogaadin uu u jeediyey gudiga qaban-qaabada munaasabadda iyo dhammaan shacabka kasoo qeyb galay, isagoo xusay in munaasabaddani ay tahay mid xusuus gaar ah leh maadaama ay astaan u tahay midnimo, wadajir iyo horumar bulsho.
Wuxuu intaas ku daray in dhalinyarada ay yihiin laf-dhabarka horumarka, loona baahan yahay in lagu dhiirrigeliyo doorka ay ka qaadan karaan xoojinta nabadda iyo horumarinta deegaanka.

Ugu dambeyn, Taliyaha h**e wuxuu ku baaqay in la sii wado is-kaashiga bulshada, lana ilaaliyo wadajirka, si loo gaaro bulsho mideysan oo nabad ku wada noolaata.

πŸ“Έ Siwiirrada Munaasabadda 10-ka OctoberXalay waxaa si weyn dal iyo dibad loogu dabaal degay Munaasabadda 10-ka October, ...
12/10/2025

πŸ“Έ Siwiirrada Munaasabadda 10-ka October
Xalay waxaa si weyn dal iyo dibad loogu dabaal degay Munaasabadda 10-ka October, taas oo ah maalin taariikhi ah oo ay si wadajir ah u xusaan Beesha meel kasta oo ay dunida ka joogaan.

Munaasabadda ayaa lagu muujiyay:
✨ Midnimo & Wadajir
πŸŽ‰ Farxad & Dabaaldeg heer sare ah
🀝 Xasuus & Maamuus

10/10/2025
Tunni Night πŸŒ™
10/10/2025

Tunni Night πŸŒ™

08/10/2025

WAR–SAXAAFADEED

Gudiga Qaban-qaabada Munaasabadda 10-ka October ayaa Caawa warbixin rasmi ah ka bixiyey u diyaar garowga xafladda weyn ee 10-ka October, iyadoo ay ka harsan yihiin kaliya 2 maalmood.

Gudiga ayaa xaqiijiyey in dhammaan qaban-qaabadii muhiimka ahayd la soo gaba gabeeyey, laguna jiro diyaar garowgii ugu dambeeyay ee soo dhoweynta martida iyo dhammeystirka goobta munaasabadda.

Xafladdan ayaa lagu qaban doonaa:
πŸ“ Goobta: Yamal Alsham
πŸ•” Waqtiga: 05:00 Galabnimo
πŸ“… Maalinta: Jimco, 10-ka October

Gudiga ayaa bulshada iyo martida lagu casuumay ugu baaqay inay si habsami leh uga soo qeyb galaan munaasabadda, iyadoo loo diyaariyey soo dhoweyn heer sare ah iyo nidaam habaysan.

✨ β€œXafladdan waa mid mideyneysa bulshada, dhiirrigelineysana wadajirka iyo horumarka.”

Gudiga Qaban-qaabada Munaasabadda 10-ka October

2 maalmood ayaa ka hartay Xafladda Sanad Guurada 4-aad ee Aas-aaska Calanka Beesha Tunni.
08/10/2025

2 maalmood ayaa ka hartay Xafladda Sanad Guurada 4-aad ee Aas-aaska Calanka Beesha Tunni.

01/10/2025

Warbixin Kooban

Gudiga qaban-qaabada munaasabadda 10-ka October ayaa maanta ka warbixiyey howlaha ugu dambeeya ee diyaarinta xafladda weyn ee la filaayo in ay ka dhacdo magaalada Muqdisho.

Gudigu waxay sheegeen in dhammaan diyaar garowgii ugu muhiimsanaa meel fiican marayo, iyadoo la soo geba-gebeeyey arrimaha farsamada, amniga, marti-qaadka iyo soo dhaweynta ka qeybgalayaasha.

Waxaa lagu wargeliyey shacabka iyo taageerayaasha in xafladdu ku dhici doonto si heer sare ah, isla markaana lagu soo bandhigi doono barnaamijyo kala duwan oo xambaarsan taariikhda, dhaqanka iyo midnimada bulshada.
DHAMMAAD

Address

Mogadishu

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Golaha Midnimada Dhallinyarada Beesha Tunni Gobolka Banaadir posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share