13/01/2026
Cilmi-Kaab Foundation
Ururka CIlmi-Kaab Foundation, ayaa si rasmi ah ugu deeqday qalab waxbarasho iskuulka santarka Gaxandhaale ee degmada Gallaadi ee gobolka Doollo. Qalabkaas oo ka boobnaa solar System, printing iyo Computer. Kuwaas oo wax weyn ka tari doona horumarinta iyo tayeynta waxbarashada iskuulka.
Deeqdan ayaa ujeeddadeedu tahay in la fududeeyo helitaanka adeegyada waxbarasho, lana xoojiyo kaabayaasha aasaasiga ah ee iskuulka, sidii ay ardaydu u helaan goobo waxbarasho oo casri ah.
Madasha Cilmi-Kaab Foundation, waxay mar walba u taagan tahay taageeridda waxbarashada, horumarinta bulshada, iyo ka qayb qaadashada mashaariicda wax-ku-oolka ah ee kor u qaadaya mustaqbalka jiilka soo koraya.
Ugu dambayn, Ebbe haka ajarsiiyo dhammaan dadkii ka qayb qaatay hirgelinta mashruucan, kana dhigo mid kheyr iyo horumar u horseeda iskuulka, ardayda iyo guud ahaan bulshada.