Hormuud Salaam Foundation

Hormuud Salaam Foundation HSF is a non-profit & fully funded by Hormuud Telecom & Salaam Bank to provide charitable contributio

Deeqda Waxbarashada ee Hormuud Salaam Foundation, oo la bilaabay sannad-dugsiyeedkii 2019–2020, waxay fursad waxbarasho ...
14/09/2026

Deeqda Waxbarashada ee Hormuud Salaam Foundation, oo la bilaabay sannad-dugsiyeedkii 2019–2020, waxay fursad waxbarasho siisay toddobo dufcadood, kuwaas oo afar ka mid ah qalin-jebiyeen.

Maanta, ardaydii ka aflaxday waxay aqoontooda iyo xirfaddooda kaga qayb qaadanayaan horumarka dalka, waxayna laf-dhabar u noqdeen noloshooda iyo tan qoysaskooda.

Alle (SWT) wuxuu aayaddan Nebigiisa suuban (NNKH) ku farayaa inuu addoomihiisa ugu bishaareeyo in Alle yahay naxariis ba...
11/09/2026

Alle (SWT) wuxuu aayaddan Nebigiisa suuban (NNKH) ku farayaa inuu addoomihiisa ugu bishaareeyo in Alle yahay naxariis badane iyo dambi-dhaafe. Haddaba, marna ha ka quusan naxariista iyo dambi-dhaafka Alle, si kasta oo dunuubtaadu u badan tahay.

10/09/2026

Sheekada Cabdifataax Yuusuf Cabdi waxay ka mid tahay guulaha laga gaaray Deeqda Waxbarasho ee Hormuud Salaam Foundation. Wuxuu ka mid ahaa ardaydii deeqdan wax ku baratay, maantana waa garyaqaan u taagan difaaca xuquuqda dadka, isla markaana laf-dhabar u ah nolosha qoyskiisa.

Waxaan sannad walba deeq waxbarasho oo dhammaystiran siinnaa ardayda Soomaaliyeed, taas oo ay si daahfuran ugu tartamaan...
08/09/2026

Waxaan sannad walba deeq waxbarasho oo dhammaystiran siinnaa ardayda Soomaaliyeed, taas oo ay si daahfuran ugu tartamaan, si aysan waxbarashada uga harin dhaqaale la’aan awgeed.

Sannadkan, dufcaddii 8ᵃᵃᵈ ayaa ka faa’iideysanaysa deeqdan ay bixiso Hormuud Salaam Foundation. Ardayda waxaa laga bixiyaa kharashaadka jaamacadda, waxaana la siiyaa qalabka ay wax ku baranayaan.

Haddii Alle ku siiyay kheyr, adiguna kheyrkaas dadka la wadaag. Haddii uu ku siiyo maal, aqoon, awood ama fursad, uga fa...
04/09/2026

Haddii Alle ku siiyay kheyr, adiguna kheyrkaas dadka la wadaag. Haddii uu ku siiyo maal, aqoon, awood ama fursad, uga faa’iidee naftaada iyo dadka kaleba.

Wanaag u samee, sida Alle kuugu wanaag falay.

03/09/2026

“Waxaa dadkeenna maskaxdooda la geliyey in qofku haybta uu ka dhashay, cidda uu qaraabada la yahay iyo cidda garabka u ah uu u maleeyo inay yihiin fursadda keliya ee uu haysto. Waxaa laga baabi’iyey kalsoonidii, laakiin maanta, nasiib wanaag, Hormuud Salaam Foundation waxay awood badan gelisay waxbaridda, si kalsoonidaas loogu soo celiyo qofka Soomaaliyeed.”

Faarax Sheekh Cabdulqaadir, Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare.

Maanta waxaan si rasmi ah u daahfurnay imtixaanka sannadkii 8ᵃᵃᵈ ee Deeqda Waxbarasho ee Hormuud Salaam Foundation, kaas...
02/09/2026

Maanta waxaan si rasmi ah u daahfurnay imtixaanka sannadkii 8ᵃᵃᵈ ee Deeqda Waxbarasho ee Hormuud Salaam Foundation, kaas oo ay ku tartamayaan ardayda Soomaaliyeed ee ka soo qalin-jebisay dugsiyada sare ee dalka. Imtixaanka ayaa socon doona muddo laba maalmood ah, waxaa u fariisanaya ardaydii h**e isu diiwaangelisay.

Waxaan dhammaan ardayda ka qaybgalaysa u rajaynaynaa guul iyo nasiib wacan.

Ardayda waxaa la ogeysiinayaa in imtixaanku yahay berri. Fadlan si wanaagsan isu diyaariya, waqtigana ilaaliya.Waxaan id...
01/09/2026

Ardayda waxaa la ogeysiinayaa in imtixaanku yahay berri. Fadlan si wanaagsan isu diyaariya, waqtigana ilaaliya.

Waxaan idiin rajaynaynaa guul iyo natiijo wanaagsan.

Maalmaha Arbacada iyo Khamiista soo socda kuna beegan 2ᵈᵃ iyo 3ᵈᵃ Sebteembar waxaa la gali doonaa imtixaanka qabuulka ah...
31/08/2026

Maalmaha Arbacada iyo Khamiista soo socda kuna beegan 2ᵈᵃ iyo 3ᵈᵃ Sebteembar waxaa la gali doonaa imtixaanka qabuulka ah ee Deeqda Waxbarasho Hormuud Salaam Foundation, kana dhici doona xarunta Jaamacadda Hormuud oo ku taalla agagaarka isbitaalka Banaadir.

Haddaba, ardayda gelaysa imtixaanka waxaa lagu wargelinayaa inay ilaaliyaan habraacyada iyo shuruucda imtixaanka ee hoos ku xusan.

Nasiib wacan

Imtixaanka Deeqda Waxbarasho ee Hormuud Salaam Foundation waxaa la geli doonaa maalmaha Arbacada, September 2, iyo Khami...
31/08/2026

Imtixaanka Deeqda Waxbarasho ee Hormuud Salaam Foundation waxaa la geli doonaa maalmaha Arbacada, September 2, iyo Khamiista, September 3, 2026, saacadaha 7:00AM subaxnimo ilaa 1:00PM duhurnimo.

Diyaar garow iyo nasiib wacan

Address

Taleh
Mogadishu

Opening Hours

Monday 09:00 - 17:00
Tuesday 09:00 - 17:00
Wednesday 09:00 - 17:00
Thursday 09:00 - 13:00
Saturday 10:00 - 14:00
Sunday 09:00 - 17:00

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Hormuud Salaam Foundation posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share