Naadiga Ardayda Jaamacadda Al Hilal - NAJAH

Naadiga Ardayda Jaamacadda Al Hilal - NAJAH Naadiga NAJAH Waa madal ay ku midaysan yihiin ardayda Jaamacadda Al Hilal ee Muqdisho.

FINAL โ€“ NAJAH CUP 2026 ๐Ÿ† โšฝWaxaa la gaaray kulankii k**a dambaysta ahaa ee NAJAH CUP 2026, iyadoo ay isku wajahayaan laba...
13/08/2026

FINAL โ€“ NAJAH CUP 2026 ๐Ÿ† โšฝ

Waxaa la gaaray kulankii k**a dambaysta ahaa ee NAJAH CUP 2026, iyadoo ay isku wajahayaan labada kulliyadood:

COMPUTER SCIENCE ๐Ÿ†š EDUCATION

๐Ÿ“… FINAL
โฐ 4:00 PM
๐Ÿ“ Beerta Banadir

Labada kooxood waxay u dagaallami doonaan hanashada koobka NAJAH CUP 2026. ๐Ÿ†

Yaa qaadi doona koobka?
Ha moogaan kulanka k**a dambaysta ah!

NAJAH โ€“ Naadiga Ardayda Jaamacadda Al-Hilal

Hambalyo Class of 2026! ๐ŸŽ“Naadiga Ardayda Jaamacadda Al-Hilal (NAJAH) wuxuu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhammaan arda...
12/08/2026

Hambalyo Class of 2026! ๐ŸŽ“

Naadiga Ardayda Jaamacadda Al-Hilal (NAJAH) wuxuu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhammaan ardayda Class of 2026 ee maanta si rasmi ah u soo gabagabeeyey difaacashada buugaagta qalin-jabinta.

Waxaan idiin rajaynaynaa mustaqbal ifaya, guul iyo horumar joogto ah. Hambalyo mar kale dhammaantiin! ๐ŸŽ‰๐ŸŽ“

NAJAH โ€“ Naadiga Ardayda Jaamacadda Al-Hilal






๐ŸŽ“Hambalyo Class of 2026Maalintii labaad ee Toddobaadka Difaacashada Buugga Qalin-jabinta ayaa si habsami leh uga socota ...
11/08/2026

๐ŸŽ“Hambalyo Class of 2026

Maalintii labaad ee Toddobaadka Difaacashada Buugga Qalin-jabinta ayaa si habsami leh uga socota xarunta Jaamacadda Al-Hilal.

Maanta, ardayda ka tirsan General Nursing, Nutrition iyo Education ayaa si rasmi ah u difaacay buugaagtooda qalin-jabinta.

NAJAH โ€“ Naadiga Ardayda Jaamacadda Al-Hilal waxay hambalyo iyo bogaadin u diraysaa dhammaan ardayda Class of 2026 ee maanta difaacashada ku guuleystay. ๐ŸŽ“๐Ÿ‘

Waxaan idiin rajaynaynaa mustaqbal ifaya iyo guulo waaweyn. Hambalyo mar kale! ๐ŸŒŸ






Naadiga Ardayda Jaamacadda Al-Hilal (NAJAH) wuxuu hambalyo iyo dhiirrigelin u dirayaa dhammaan ardayda Class of 2026 ee ...
10/08/2026

Naadiga Ardayda Jaamacadda Al-Hilal (NAJAH) wuxuu hambalyo iyo dhiirrigelin u dirayaa dhammaan ardayda Class of 2026 ee maanta si rasmi ah u bilaabay difaaca buugaagta qalin-jabintooda.

Waxaan dhammaan ardayda u rajaynaynaa guul, kalsooni iyo natiijo wanaagsan inta ay ku guda jiraan bandhigga iyo difaaca cilmi-baaristooda.

Guul ayaan idiin rajaynaynaa, Class of 2026! ๐ŸŽ“๐Ÿ’š




Naadiga Ardeyda Jaamacadda Al-Hilal (NAJAH) waxay hambalyo iyo bogaadin u diraysaa Mudane Omar Abdullahi Abdi, oo loo do...
09/08/2026

Naadiga Ardeyda Jaamacadda Al-Hilal (NAJAH) waxay hambalyo iyo bogaadin u diraysaa Mudane Omar Abdullahi Abdi, oo loo doortay Guddoomiyaha Midowga Guddoomiyeyaasha Ardayda Jaamacadaha Gobolka Banaadir.

Waxaan kuu rajaynaynaa guul, hoggaan wanaagsan iyo masuuliyad miro-dhal ah. Waxaan ku kalsoonahay in aqoontaada, kartidaada iyo dadaalkaaga aad si hufan ugu adeegidoonto ardayda jaamacadaha Gobolka Banaadir.

DHAMMAAD

Agaasimaha warbaahinta ๐€๐›๐๐ข๐ซ๐š๐ก๐ฆ๐š๐ง ๐‡๐ฎ๐ฌ๐ฌ๐ž๐ข๐ง ๐‡๐š๐ฌ๐ฌ๐š๐ง
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Naadiga ardeyda jamacada Al hilal (NAJAH)

Guddoomiyaha Naadiga Ardayda Jaamacadda Al-Hilal (NAJAH), Mudane Yusuf Hassan Muhumed, ayaa ka qayb galay xafladda sagoo...
31/07/2026

Guddoomiyaha Naadiga Ardayda Jaamacadda Al-Hilal (NAJAH), Mudane Yusuf Hassan Muhumed, ayaa ka qayb galay xafladda sagootinta qalin-jabiyeyaasha Dufcaddii Lixaad ee Jaamacadda Al-Carabiya.

Ka qaybgalka munaasabaddan wuxuu muujinayaa xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya ururrada ardayda ee jaamacadaha, iyo taageerada guulaha waxbarasho ee ardayda Soomaaliyeed.

Naadiga Ardayda Jaamacadda Al-Hilal (NAJAH) wuxuu hambalyo u dirayaa dhammaan qalin-jabiyeyaasha Dufcaddii Lixaad, isagoo u rajeynaya mustaqbal ifaya, guulo freqkeuf, iyo inay aqoontooda ugu adeegaan bulshada iyo dalkooda.

Hambalyo Qalin-jabiyeyaasha Dufcaddii Lixaad โ€“ 2026. ๐ŸŽ‰๐ŸŽ“




27/07/2026

Naadiga Ardayda Jaamacadda Al-Hilal (NAJAH) ayaa si habsami leh u soo gabagabeeyay booqasho iyo kulan miro-dhal ah oo ay la yeesheen Midowga Ardayda Jaamacadda Gedo.

Booqashadan waxay noqotay tallaabo muhiim ah oo lagu adkeeyay xiriirka labada urur, iyadoo lagu heshiiyay in la mideeyo dadaallada lagu horumarinayo aqoonta, hoggaaminta ardayda, cilmi-baarista, iyo adeegga bulshada.

Kulanka waxaa lagu soo afmeeray ansixinta Heshiiska Is-afgaradka (MOU), kaas oo saldhig u noqonaya iskaashi waara, isdhaafsi khibradeed, iyo hirgelinta barnaamijyo wadajir ah oo dan u ah ardayda iyo bulshada Soomaaliyeed.

Waxaan uga mahadcelinaynaa Midowga Ardayda Jaamacadda Gedo booqashadooda qiimaha badan, waxaana rajaynaynaa in iskaashigan uu noqdo mid miro-dhal ah oo sii kobca sannadaha soo socda.

โ€œWadajirkeennu waa saldhigga horumarka ardayda Soomaaliyeed.โ€

DHAMMAAD

Agaasimaha Warbaahinta
Cabdirahman Hussein Hassan

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir:
Naadiga Ardayda Jaamacadda Al-Hilal (NAJAH)

Naadiga Ardayda Jaamacadda Al-Hilal (NAJAH) iyo Midowga Ardayda Jaamacadda Gedo ayaa si wadajir ah u ansixiyey heshiis i...
26/07/2026

Naadiga Ardayda Jaamacadda Al-Hilal (NAJAH) iyo Midowga Ardayda Jaamacadda Gedo ayaa si wadajir ah u ansixiyey heshiis is-afgarad (MOU), kaas oo lagu xoojinayo xiriirka iyo wada-shaqeynta ka dhaxaysa labada urur.

Heshiiskan wuxuu gogol-xaar u yahay isdhaafsiga aqoonta iyo waayo-aragnimada, horumarinta kartida ardayda, iyo hirgelinta barnaamijyo wadajir ah oo ka jawaabaya baahiyaha ardayda, isla markaana wax ku biirinaya horumarka bulshada.

Labada dhinac waxay muujiyeen sida ay uga goโ€™an tahay in heshiiskan loo beddelo iskaashi wax-ku-ool ah oo mira-dhala, kana qayb qaata kobcinta doorka ururrada ardayda ee horumarinta waxbarashada iyo adeegga bulshada.

DHAMMAAD

Agaasimaha warbaahinta ๐€๐›๐๐ข๐ซ๐š๐ก๐ฆ๐š๐ง ๐‡๐ฎ๐ฌ๐ฌ๐ž๐ข๐ง ๐‡๐š๐ฌ๐ฌ๐š๐ง
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Naadiga ardeyda jamacada Al hilal (NAJAH)

Naadiga Ardayda Jaamacadda Al-Hilal (NAJAH) ayaa si diirran ugu soo dhaweeyay xarunta weyn ee Jaamacadda Guddoomiyaha Mi...
25/07/2026

Naadiga Ardayda Jaamacadda Al-Hilal (NAJAH) ayaa si diirran ugu soo dhaweeyay xarunta weyn ee Jaamacadda Guddoomiyaha Midowga Ardayda Jaamacadda Gedo, Mudane Cabdiqafaar Cumar Bulle, iyo marti sharaf kale.

Booqashadu waxay ahayd fursad lagu xoojiyay xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya labada dhinac, iyadoo martidana lagu soo wareejiyay qaybaha kala duwan ee Jaamacadda si ay u arkaan adeegyada ay bixiso.

NAJAH waxay uga mahadcelinaysaa martida booqashadan qiimaha leh, iyadoo rajaynaysa in ay sii xoojiso xiriirka iyo wada-shaqeynta u dhexeysa ururrada ardayda.

Agaasimaha warbaahinta ๐€๐›๐๐ข๐ซ๐š๐ก๐ฆ๐š๐ง ๐‡๐ฎ๐ฌ๐ฌ๐ž๐ข๐ง ๐‡๐š๐ฌ๐ฌ๐š๐ง
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Naadiga ardeyda jamacada Al hilal (NAJAH)

Guddoomiyaha Naadiga Ardayda Jaamacadda Al-Hilal (NAJAH), Mudane Yusuf Hassan Muhumed, ayaa ka qeyb galay Shirweynaha Ca...
21/07/2026

Guddoomiyaha Naadiga Ardayda Jaamacadda Al-Hilal (NAJAH), Mudane Yusuf Hassan Muhumed, ayaa ka qeyb galay Shirweynaha Caalamiga ah ee Hormuud University International Hybrid Multidisciplinary Conference (HUMC 2026).

Shirkan oo soconaya muddo laba maalmood ah ayaa isugu keenay cilmi-baarayaal, aqoonyahanno, hoggaamiyeyaal, siyaasad-dejiyeyaal, xirfadlayaal iyo arday ka kala yimid dalal kala duwan, si ay u wadaagaan aqoon, cilmi-baaris iyo hal-abuur ku aaddan xal u helidda caqabadaha dunida.

Ka qeybgalka Guddoomiyaha NAJAH ee madashan wuxuu muujinayaa sida Naadigu uga goโ€™an tahay dhiirrigelinta cilmi-baarista, horumarinta aqoonta iyo ka qeybqaadashada fursadaha aqooneed ee heer qaran iyo caalami.

Address

Hodan/Yaqshid
Mogadishu

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Naadiga Ardayda Jaamacadda Al Hilal - NAJAH posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Naadiga Ardayda Jaamacadda Al Hilal - NAJAH:

Shortcuts

Share