10/09/2026
Sawiro qaybta "3":-Magaalada Muqdisho ayaa xalay martigelisay bandhigga buugga “Ambaqaad”, kaas oo ay ka qaybgaleen masuuliyiin aqoonyahanno, qoraayaal, dhalinyaro iyo marti sharaf kala duwan.
Munaasabadda ayaa lagu soo bandhigay buugga Ambaqaad, iyadoo ay kasoo qaybgalayaashu ka faa’iidaysteen kulan aqooneed xambaarsanaa dhiirrigelin, waayo-aragnimo iyo fariimo qiimo leh.
Bandhiggu wuxuu fursad u ahaa bulshada, gaar ahaan dhalinyarada iyo dadka xiiseeya akhriska, inay ka faa’iidaystaan aqoon iyo waayo-aragnimo la xiriirta muhiimadda buugaagta iyo akhriska.
.