Naadiga Akhriska & Qoraalka Banaadir

Naadiga Akhriska & Qoraalka Banaadir Naadiga Akhriska iyo Qoraalka Banaadir waxa uu u taaganyahay xoojinta iyo kobcinta dhaqanka Akhriska iyo Qoraalka.

03/08/2026

Bugga Aamusnaan oo ay qortey Muna-Maandeeq ahna saxafiyad Soomaaliyeed oo leh khibrad ka badan 10 sano oo ay ka soo shaqeysay warbaahinta dalka, Waxay haysataa shahaadooyinka Journalism iyo ITS (Information Technology Systems).

Maandeeq waxay si gaar ah u jeceshahay qoraalka suugaanta, curinta sheekooyinka iyo hal-abuurka afka Soomaaliga. Ha moogan bugga aamusnaan.

  BUUG IYO SALOOL.  {2}:Shala waxaa si guul leh noogu qabsoomay Barnaamijka Buug iyo Salool oo ay soo qabanqaabiyeen Naa...
01/08/2026

BUUG IYO SALOOL.

{2}:Shala waxaa si guul leh noogu qabsoomay Barnaamijka Buug iyo Salool oo ay soo qabanqaabiyeen Naadiga Akhriska iyo Qoraalka Banaadir, kaas oo lagu falanqeeyey mowduuca "Dhaqanka Akhriska Maxaa Hortaagan, Maxaase Lagu Horumarin Karaa?"
Barnaamijku wuxuu noqday madal ay ka qaybgalayaashu ku soo bandhigeen fikrado, aragtiyo iyo doodo wax-ku-ool ah oo ku saabsan caqabadaha hortaagan kobaca dhaqanka akhriska iyo xalalka lagu horumarin karo.

Waxaan u mahadcelinaynaa dhammaan ka soo qaybgalayaasha, waxaana rajaynaynaa in kulammadan ay sii xoojin doonaan jacaylka akhriska, isweydaarsiga aqoonta iyo horumarinta bulshada.

iyo Salool — Buug, Fikir iyo Wadaag Aqooneed.

  BUUG IYO SALOOL.  {1}:Maanta waxaa si guul leh noogu qabsoomay Barnaamijka Buug iyo Salool oo ay soo qabanqaabiyeen Na...
01/08/2026

BUUG IYO SALOOL.

{1}:Maanta waxaa si guul leh noogu qabsoomay Barnaamijka Buug iyo Salool oo ay soo qabanqaabiyeen Naadiga Akhriska iyo Qoraalka Banaadir, kaas oo lagu falanqeeyey mowduuca "Dhaqanka Akhriska Maxaa Hortaagan, Maxaase Lagu Horumarin Karaa?"
Barnaamijku wuxuu noqday madal ay ka qaybgalayaashu ku soo bandhigeen fikrado, aragtiyo iyo doodo wax-ku-ool ah oo ku saabsan caqabadaha hortaagan kobaca dhaqanka akhriska iyo xalalka lagu horumarin karo.

Waxaan u mahadcelinaynaa dhammaan ka soo qaybgalayaasha, waxaana rajaynaynaa in kulammadan ay sii xoojin doonaan jacaylka akhriska, isweydaarsiga aqoonta iyo horumarinta bulshada.

iyo Salool — Buug, Fikir iyo Wadaag Aqooneed.

BARNAAMIJKA BUUG IYO SALOOL.Naadiga Akhriska iyo Qoraalka Banaadir wuxuu si sharaf leh ugu casuumayaa dhammaan daneeyaya...
29/07/2026

BARNAAMIJKA BUUG IYO SALOOL.

Naadiga Akhriska iyo Qoraalka Banaadir wuxuu si sharaf leh ugu casuumayaa dhammaan daneeyayaasha akhriska iyo bulshada jecel aqoonta inay ka soo qaybgalaan Barnaamijka Buug iyo Salool, oo ah madal lagu kulmo, laguna is dhaafsado aqoon, doodo miro-dhal ah iyo cilmi wax-ku-ool ah.

Sidoo kale, barnaamijka waxaa looga doodi doonaa mowduuca:
"Dhaqanka Akhriska Maxaa Hortaagan, Maxaase Lagu Horumarin Karaa?"

Su'aasha Doodda:
Maxay tahay caqabadaha ugu waaweyn ee maanta hortaagan kobaca dhaqanka akhriska ee bulshada Soomaaliyeed?

Ka soo qaybgalayaasha waxaa lagu dhiirrigelinayaa inay ka qayb qaataan Ololaha Deeqda Buugaagta ee loogu talagalay Maktabadda Dadweynaha ee Muqdisho, si loo kobciyo dhaqanka akhriska loona taageero bulshada aqoonta jecel.

Taariikhda: 31 Julaay 2026
Waqtiga: 3:40 Galabnimo
Goobta: Maktabadda Dadweynaha ee Muqdisho, Degmada Shingaani (Saddexda Geed).

Noo kaalay Mudane/ Marwo adigoo wata buug iyo fikrad, si aynu u dhisno bulsho aqoondeedu tahay iftiinkeeda.

29/07/2026

Siciid Maxamed Axmed (Carfat), Madaxa Barnaamijyada Naadiga Akhriska iyo Qoraalka Banaadir, waa aqoonyahan dhallinyaro ah oo lagu tilmaamo haldoor u heellan horumarinta bulshada iyo faafinta aqoonta.

Bandhiggii buugga Maamul & Maareyn ee ka qabsoomay Green Paradise Hotel ee Muqdisho, wuxuu bulshada si qoto dheer ula wadaagay dulucda iyo casharrada muhiimka ah ee buuggu xambaarsan yahay, isaga oo muujiyey kaalinta aqoontu ku leedahay kobcinta maamulka, maareynta, iyo horumarka bulshada.

28/07/2026

Guddoomiyaha Golaha Sare Ee Naadiga Akhriska iyo Qoraalka Bari, Cali Cabdullaahi Mukhtaar (Haider), waa aqoonyahan da'yar oo ku suntan jacaylka aqoonta, qoraalka iyo horumarinta bulshada.

Muddooyinkii u dambeeyay waxa uu si joogto ah uga shaqeynayay kobcinta dhaqanka akhriska iyo curinta buugaag faa'iido u leh bulshada Soomaaliyeed.

Buuggiisa "Maamul & Maareyn" waxa uu ka tarjumayaa waayo-aragnimadiisa iyo aragtidiisa ku aaddan maamulka iyo maareynta casriga ah.

Dadaalkiisa iyo waxqabadkiisu waxa ay dhiirrigelin u yihiin dhalinyarada iyo bulshada inteeda kale.

Waa hoggaamiye rumeysan in aqoontu tahay furaha horumarka iyo dhismaha bulsho xooggan.

28/07/2026

Daawo: Muuqalka Guud Ee Bandhigga Buugga Maamul & Maareyn Oo Xalay Ka Dhacay Magaalada Muqdisho.

Sawiro: Bandhigga BUUGGA MAAMUL & MAAREYN.
27/07/2026

Sawiro: Bandhigga BUUGGA MAAMUL & MAAREYN.

27/07/2026

Mudane / Marwo, kasoo qaybgalkaagu waa muhiim.

Address

Mogadishu

Telephone

+252616650282

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Naadiga Akhriska & Qoraalka Banaadir posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share