11/07/2026
Hay’adda Qatar Charity oo Daah-furtay 48 Mashruuc oo Caafimaad oo Lagu Taageerayo Bulshada ugu Baahida Badan Soomaaliya Inta u Dhaxaysa 2026–2027
Hay’adda Qatar Charity ayaa si rasmi ah u daah-furtay qorshaheeda mashaariicda iyo hindiseyaasha caafimaadka ee sannadaha 2026–2027, kuwaas oo ka kooban 48 mashruuc caafimaad oo hoos imanaya 9 barnaamij oo waaweyn, isla markaana laga hirgelinayo gobollo kala duwan oo dalka Soomaaliya ah.
Mashaariicdan ayaa loogu talagalay in lagu xoojiyo adeegyada caafimaadka laguna gaarsiiyo daryeel caafimaad oo tayo leh bulshada ugu nugul, iyadoo la filayo inay ka faa’iideystaan 49,834 qof oo ka tirsan qoysaska danta yar iyo dadka aadka ugu baahan adeegyada caafimaad.
Munaasabadda daah-furka waxaa ka qeyb galay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada, Dr. Maryam Mohamed Hussein, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka, Mudane Yuusuf Xasan Isxaaq, Agaasimaha Qatar Charity ee Soomaaliya, Mudane Cabdifataax Aadan Macallin, iyo Agaasimaha Hawlgallada Horumarineed ee Caalamiga ah ee Qatar Charity, Mudane Ibrahim Al-Janahi, iyadoo halkaasi lagu soo bandhigay qorshaha mashaariicda caafimaadka iyo saameynta la filayo inay ku yeeshaan bulshada Soomaaliyeed.
Barnaamijyada la daah-furay waxay diiradda saarayaan la dagaallanka nafaqo-darrada, dib-u-soo-celinta aragga iyo ka hortagga indho la’aanta, bixinta dawooyinka iyo agabka caafimaadka, daaweynta cudurrada daba-dheeraada, qalliinnada wadnaha carruurta, taageeridda bukaannada sifeynta kelyaha, iyo badbaadinta dadka qaba xaaladaha caafimaad ee halista ku ah noloshooda.
Mashruuca ugu weyn ayaa ah barnaamijka la dagaallanka nafaqo-darrada, kaas oo gaari doona 21,672 qof, halka barnaamijka Ibsaar ee dib-u-soo-celinta aragga uu ka faa’iideysan doono 10,000 qof. Sidoo kale, kumannaan kale ayaa heli doona dawooyin, qalab caafimaad iyo adeegyo takhasus leh oo gacan ka geysanaya hagaajinta caafimaadkooda iyo tayada noloshooda.
Mashaariicdan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee Qatar Charity ay ku taageerto horumarinta adeegyada caafimaadka ee Soomaaliya, iyadoo la kaashaneysa Wasaaradda Caafimaadka iyo hay’adaha kale ee la shaqeeya si loo gaaro saameyn waarta oo wax ku ool ah.
Daah-furka 48-kan mashruuc caafimaad wuxuu muujinayaa sida ay Qatar Charity uga go’an tahay horumarinta caafimaadka bulshada Soomaaliyeed iyo badbaadinta nolosha in ka badan 49 kun oo qof inta lagu guda jiro sannadaha 2026–2027.
— Dhammaad —
Xafiiska Xiriirka Iyo Warfaafinta
Email: [email protected]