Hiigsi Youth Volunteers and Development Organization

Hiigsi Youth Volunteers and Development Organization Waxaan u taaganahay Horumarinta dhalinyarada iyo isxilqaanka

Coming soon
15/08/2026

Coming soon

✅️ Xarunta Tababarka Xirfadaha " Hiigso vocational skills  ✅️ Hooyga Xirfadaha dhalinta da"a yar✅️ Xafladda qalin-jabint...
15/11/2025

✅️ Xarunta Tababarka Xirfadaha " Hiigso vocational skills
✅️ Hooyga Xirfadaha dhalinta da"a yar
✅️ Xafladda qalin-jabinta Dufcaddii 3aad.



☑️ Waa maxay xirfadaha xarunta ka baxa❓️
✅️Kubaro si bilash ah (Free Courses)
1. Cilan Saar & Make up
2. Caafimaad
3. Kumbuyuutar

☑️ Waa goorma waqtiga waxbarashadu?
✅️ Full time Axad iyo isniin ⏲️ afternoon 4:00 - 6:00 pm
✅️ Part time khamiis iyo jimco ⏲️ afternoon 4:00 Am - 6:00 pm

☑️ Waa meeqa Xarumaha Wax laga barto?
✅️ GUBADLEY compass Hq🧭

Hiigso vocational skills GUBADLEYXAFLAD ARADAY KA  QALIN JABISAY XIRFADO KALA DUWANMudanane Dr cumar cali [ Dr abati]Wax...
14/11/2025

Hiigso vocational skills GUBADLEY
XAFLAD ARADAY KA QALIN JABISAY XIRFADO KALA DUWAN
Mudanane Dr cumar cali [ Dr abati]
Waxaan kugu casuumnay inaad nagala soo qeyb gasho xaflada qalin jabinta dufcadii 3aad .
Fadlan isku day inaad ka soo qayb gasho Waa inoo muhiim.

Hiigso vocational skills GUBADLEYXAFLAD ARADAY KA  QALIN JABISAY XIRFADO KALA DUWANMudanane Cali cabdullahi Beere [ cali...
13/11/2025

Hiigso vocational skills GUBADLEY
XAFLAD ARADAY KA QALIN JABISAY XIRFADO KALA DUWAN
Mudanane Cali cabdullahi Beere [ cali Tagey]
Waxaan kugu casuumnay inaad nagala soo qeyb gasho xaflada qalin jabinta dufcadii 3aad .
Fadlan isku day inaad ka soo qayb gasho Waa inoo muhiim.

Hambalyo
12/11/2025

Hambalyo

Talooyinka uu inooga tagay Allah ha u naxariistee filosafkii iyo caalamkii waynaa ee ree Masar, Dr Ibrahim Al Fiqi, waxa...
14/09/2025

Talooyinka uu inooga tagay Allah ha u naxariistee filosafkii iyo caalamkii waynaa ee ree Masar, Dr Ibrahim Al Fiqi, waxaa kamid ah.

1. Hurdo kugu filan seexo
2. Saacada ku buuxso oo salaada subax u kac kuna celceli digriga subaxdii
3. Qofka ugu horreeya ee aad aragto qoyskaaga kelmad wanaagsan ku dheh oo sabab u noqo dhoollo cadeyntiisa
4. Qofna waxba ha ka sugin.
5. Istaaqfurulayso 1000 jeer
6. Haddii uu qof kaa dalbado in aad caawiso caawi xataa haddii aanad garaneyn.
7. Marka aad guriga ka baxayso xidho dharka aad ugu jeceshahay.
8. Daawo muuqaal kaa qosliya.
9. La xidhiidh qof aanad la hadal mudo oo u sheeg in aad u xiistay.
10. Daawo sawiradii adiga oo yar aad gashay.
11. Isku day in aad wax uun qabato maalintii haba yaraadaane.
12. Shanta salaadood wakhtigooda ku ilaali.

Akhriste following nasoo dheh!
Muxammad Maxamed Xaashi Maxamuud

Jimco mubarak
12/09/2025

Jimco mubarak

 #1 wacyegelin Bulsho𝗪𝗮𝗿𝗲𝗲𝗿 𝗶𝘆𝗼 𝗺𝗮𝗱𝗮𝘅 𝘅𝗮𝗻𝘂𝘂𝗻 𝗺𝗮 𝗸𝗮 𝗾𝗮𝗮𝗱𝗮𝗮 𝗶𝘀𝘁𝗶𝗰𝗺𝗮𝗮𝗹𝗸𝗮 𝗯𝗮𝗱𝗮𝗻 𝗲𝗲 𝘁𝗮𝗹𝗲𝗲𝗳𝗮𝗻𝗸𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗯𝗮𝗿𝗮𝗵𝗮 𝗯𝘂𝗹𝘀𝗵𝗮𝗱𝗮, 𝗶𝘀𝗹𝗮 𝗺𝗮𝗿𝗸...
10/09/2025

#1 wacyegelin Bulsho
𝗪𝗮𝗿𝗲𝗲𝗿 𝗶𝘆𝗼 𝗺𝗮𝗱𝗮𝘅 𝘅𝗮𝗻𝘂𝘂𝗻 𝗺𝗮 𝗸𝗮 𝗾𝗮𝗮𝗱𝗮𝗮 𝗶𝘀𝘁𝗶𝗰𝗺𝗮𝗮𝗹𝗸𝗮 𝗯𝗮𝗱𝗮𝗻 𝗲𝗲 𝘁𝗮𝗹𝗲𝗲𝗳𝗮𝗻𝗸𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗯𝗮𝗿𝗮𝗵𝗮 𝗯𝘂𝗹𝘀𝗵𝗮𝗱𝗮, 𝗶𝘀𝗹𝗮 𝗺𝗮𝗿𝗸𝗮𝗮𝗻𝗮 𝗺𝗮 𝗹𝘂𝗺𝗶𝘀𝗮𝗮 𝗱𝗶𝗶𝗿𝗮𝗱𝗮𝗮𝗱𝗮❓️

Haddii jawaabtaadu tahay "𝗛𝗔𝗔," waxaan kuu hayaa xal aad arrintaa kaga bixi karto. Ugu horreyntii, soo dhawow, waxaadna daqiiqado kooban ii amaahisaa dareenkaaga. Mahadsanid.

Sannadkii h**e ee 2024, waxaa qaamuuska Oxford lagu soo daray erayga "brain rot," brain rot-ku waxaa sababa isticmaalka badan ee baraha bulshada. Wuxuuna qofka ku keenaa walaac, isku dhexyaac, iyo in diiraddu ka lunto qofka, taasoo ka dhigaysa mid aan waxba joogtayn karin.

Haddaba, halkan waxaan kuugu hayaa talooyin dhawr ah oo la tijaabiyay, kuwaas oo haddii aad raacdo, Alle idinkii kaa caawin doono inaad dareento isbeddel, oo aadan taleefanka ku noqon qof qamatima oo aan ka maarmi karin:

1. 𝗪𝗮𝘅 𝗔𝗸𝗵𝗿𝗶:

Halkii aad baraha bulshada ka isticmaali jirtay, isku day inaad wax akhrido, sida Quraanka, kitaab ama buug faa'iido leh. Tan waxay noqon kartaa arrin adag bilowga, laakiin muddo ka dib waxay noqon doontaa mid aad agtaada uga fudud. Waxaad dib u soo ceshan doontaa diirad saaridaadii.

2. 𝗗𝗮𝗱𝗸𝗮 𝗞𝗮𝗹𝗲 𝗪𝗮𝘅 𝗨 𝗙𝗮𝗮'𝗶𝗶𝗱𝗲𝗲:

Halkii aad waqtigaaga ku lumin jirtay baraha bulshada, waxaad ka caawin kartaa carruurta iyo dadka waaweyn ee xaafadaada in ay wax bartaan. Arrinkaas naftaadu waxay ku dareemi doontaa daganaan iyo xasilooni nafsi ah. Waxayna kaa fogayn kartaa rabshada internaydka iyo baraha bulshada.

3. 𝗞𝗮 𝗙𝗼𝗴𝗼𝘄 𝗧𝗮𝗹𝗲𝗲𝗳𝗮𝗻𝗸𝗮:

Mararka aad firaaqada tahay, ka fogow taleefanka iyo dhammaan shaashadaha. Halkii aad waqtigaaga ku lumin lahayd internaydka, waxaad daawan kartaa fiyuuga iyo daruuraha xaafadaada. Taasoo ka caawinaysa maskaxdaada inay soo ceshato hab fikirkeedii.

4. 𝗕𝗼𝗼𝗾𝗼 𝗠𝗲𝗲𝗹 𝗖𝘂𝘀𝘂𝗯:

Waxaad booqan kartaa meelaha magaalkaaga ku yaal ee aadan wali tagin si aad uga fogaato isticmaalka badan ee baraha bulshada iyo internetka.

5. 𝗗𝗮𝗿𝘆𝗲𝗲𝗹𝗸𝗮 𝗡𝗮𝗳𝘁𝗮𝗮𝗱𝗮:

Waqti gali daryeelka naftaada, sida in aad waqti h**e seexato habeenkii, waqti h**e soo kacdo, isla markaana joogtee cibaadooyinka iyo jimicsiga jirka. Sidoo kale waxaad ku dadaashaa joogtaynta adkaarta iyo xuska Alle sida in aad soo gadato tusbax yar oo aad hadba ku soo xasuusato xuska Alle.

6. 𝗡𝗮𝗱𝗶𝗶𝗳𝗶𝗻𝘁𝗮:

Samee shaqooyin yar yar sida nadiifinta taleefankaaga, ookiyaalahaaga, kabahaaga ama kumbuyuutarkaaga, mararka aad firaaqada tahay. Si aad uga fogaato isticmaalka baraha bulshada iyo taleefanka.

7. 𝗥𝗮𝗮𝗱𝗶 𝗧𝗮𝗮𝗿𝗶𝗶𝗸𝗵𝗱𝗮:

Isku day inaad booqoto oo aad raadiso taariikhihii h**e ee degmadaada ama deegaankaaga, mararka aad firaaqada tahay ama wax kale oo aad xiisayso sida ciyaaraha aad xiisayso ciyaaristooda.

8. 𝗪𝗮𝗾𝘁𝗶 𝗟𝗮 𝗤𝗮𝗮𝗱𝗼 𝗔𝘀𝘅𝗮𝗮𝗯𝘁𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗤𝗮𝗿𝗮𝗮𝗯𝗮𝗱𝗮.

Waqti la qaado asxaabtaada, sida in aad kafateeri tagtaan oo aad ka sheekaysataan waayihiinii h**e ee iskuulka, jaamacadda ama shaqada. Sidoo kale waxaad booqan kartaa qaraabada iyo ehelada.

9. 𝗟𝗶𝗶𝘀 𝗚𝗮𝗿𝗮𝘆𝘀𝗼 𝗚𝘂𝘂𝗹𝗮𝗵𝗮 𝗬𝗮𝗿 𝗬𝗮𝗿:

Qor guulaha yar yar ee aad gaartay si ay dhiirigalin kuu noqdaan. Haddii aad joogtayso talooyinkaan kor ku xusan, xaqiiqdii waxaad noqon doontaa qof ka badalan qofkii h**e ee aad ahayn. Guul badan baan idin rajaynayaa.

𝐔𝐠𝐮 𝐝𝐚𝐧𝐛𝐚𝐲𝐧; Halkaan waa Baraarujin, waxaan u taaganahay, baraarujinta iyo kobcinta bulshadeena, nagu soo biir oo qayb ka noqo safarkeena. Mahadsanidiin.

Youtube:
https://youtu.be/h4eDNd7XFuk?feature=shared

Tiktok-geena:
https://www.tiktok.com/?_t=
bulsho

 # kulan qiimo badan
31/08/2025

# kulan qiimo badan

𝐒𝐇𝐈𝐑𝐖𝐄𝐘𝐍𝐀𝐇𝐀 𝐔𝐑𝐔𝐑𝐀𝐃𝐀 𝐁𝐔𝐋𝐒𝐇𝐀𝐃𝐀Maanta waxaa si guul iyo sharaf inaan qeybb ka nahay Hiigsi Youth Volunteers and Development...
31/08/2025

𝐒𝐇𝐈𝐑𝐖𝐄𝐘𝐍𝐀𝐇𝐀 𝐔𝐑𝐔𝐑𝐀𝐃𝐀 𝐁𝐔𝐋𝐒𝐇𝐀𝐃𝐀

Maanta waxaa si guul iyo sharaf inaan qeybb ka nahay Hiigsi Youth Volunteers and Development Organization shirweynaha ururada Bulshada ee ka qabsoomay magaalada Muqdisho ee ay soo qabanqaabisay .
Shirka waxaa inooga qeyb galay Gudoomiye samafale Ahmed Hussein Baana
𝐒𝐇𝐈𝐑𝐖𝐄𝐘𝐍𝐀𝐇𝐀 𝐔𝐑𝐔𝐑𝐀𝐃𝐀 𝐁𝐔𝐋𝐒𝐇𝐀𝐃𝐀

Maanta waxaa si guul iyo sharaf leh inoogu qabsoomay magaalada Muqdisho shirweynihii ururada bulshada ee ay soo qabanqaabisay .

Shirka waxaa ka soo qeyb galay 25 urur bulshada ka shaqeeya, kuwaas oo ay hoggaaminayaan masuuliyiin iyo hoggaamiyeyaal kala duwan oo door muhiim ah ku leh horumarinta bulshada Soomaaliyeed.

𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚𝐧 𝐰𝐮𝐱𝐮𝐮 𝐧𝐨𝐪𝐝𝐚𝐲:

✅ Madal lagu xoojiyey iskaashiga ururada bulshada
✅ Goob lagu falanqeeyay doorka dhalinyarada iyo ururada bulshada ee horumarinta bulshada
✅ Fursad lagu wadaago khibradaha iyo qorshayaasha mustaqbalka

waxay ka mahadcelinaysaa dhammaan ururada ka qeyb galay iyo marti sharaftii kale ee ka soo qeyb gashay, waxaana rajeyneynaa in iskaashigan uu noqdo mid miro dhal ah oo bulshada Soomaaliyeed wax weyn ku soo kordhiya.

𝐇𝐚𝐥-𝐤𝐮-𝐝𝐡𝐞𝐠𝐠𝐚 𝐬𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚:

"Wadajir Bulsho, Wadajir Horumar"





30/08/2025
Shirka waxaa ka soo qeyb galay 25 urur bulshada ka shaqeeya, kuwaas oo ay hoggaaminayaan masuuliyiin iyo hoggaamiyeyaal kala duwan oo door muhiim ah ku leh horumarinta bulshada Soomaaliyeed.

𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚𝐧 𝐰𝐮𝐱𝐮𝐮 𝐧𝐨𝐪𝐝𝐚𝐲:

✅ Madal lagu xoojiyey iskaashiga ururada bulshada
✅ Goob lagu falanqeeyay doorka dhalinyarada iyo ururada bulshada ee horumarinta bulshada
✅ Fursad lagu wadaago khibradaha

𝐇𝐚𝐥-𝐤𝐮-𝐝𝐡𝐞𝐠𝐠𝐚 𝐬𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚:

"Wadajir Bulsho, Wadajir Horumar"





30/08/2025

Address

Mogadishu

Telephone

+252614442721

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Hiigsi Youth Volunteers and Development Organization posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share