15/03/2025
Som-India Association Waxaa si wanaagsan inoogu soo qabsoomay kulanka afur wadareedka Ururka Som-India Association ee Bisha Ramadaan ee 1446.
Waxay mahadi usugnaatay Allaah Subxaanahu watacaalaa oo inoo suurtageliyay inaa haleelno qabashada kulanka iftaarka.
Waxaa sidoo kale u mahad celinaynaa Xubnaha kala duwan ee ka qeyb qaatay juhdina ku bixiyay in si qurux badan inoogu qabsoomo afur wadareedka oo ah kulamada inta badan ay isku arkaan akhiyaarta.
Waxaa sidoo kale, uga mahadcelinaynaa Ganacsiyada xubnaha Som-India Association oo taabagalinta afurka qayb weyn ka qaatay.
Kulamada nuucan oo kale waxay sare u qaadayaan xiriirka xubnaha iyo kala warqabka bulshaweynta Som-India Association.
Ramadan Mubarak,