25/08/2026
Xubno ka Socday Soswa ayaa maalintii Shalay ahayd magalada Mogadishu kaga Qeyb Galleen siminaar muhiim ah oo looga hadlayay xoojinta haweenka iyada oo loo marayo waxbarashada iyo xirfadaha, si loo dhiso mustaqbal wanaagsan oo Soomaaliya ah.
waxaa ka qaybgalay siminaarkan xubna ka mod ah Soswa kuwaaso kala aha Sumaya Muqtar, Ruqiya Yusuf Adan, iyo Iqra Farah Hussein, oo ah Madaxa Warbaahinta ee Somalia Social Workers Association (SOSWA).
Siminaarka waxaa soo qabanqaabisay hay’adda EmpowerRise Hub, waxaana diiradda lagu saaray sidii haweenka loogu awood siin lahaa waxbarasho, xirfado iyo fursado horumarineed.
Waxaan aaminsanahay in waxbarashada iyo xirfaduhu ay yihiin furaha awood-siinta haweenka, isla markaana haweenka aqoonta iyo xirfadaha leh ay door muhiim ah ka qaadan karaan horumarka bulshada iyo dalka.
Ka qaybgalka munaasabaddan wuxuu noo ahaa fursad aan ku baranno fikrado cusub, ku wadaagno khibradaha, isla markaana aan kaga shaqeyno sidii loo xoojin lahaa doorka haweenka ee bulshada Soomaaliyeed.
Waxbarasho, xirfad iyo awood-siinta haweenka waa jidka loo maro Soomaaliya mustaqbal wanaagsan leh.