Somali Dental Association

Call Directions Website Contact the organization

Somali Dental Association Waa Bogga Rasmiga ah ee Ururka Dhakhaatiirta Afka iyo Ilkaha Soomaaliyeed , Ururka waxa uu ka shaqeya isku xirka dhakhatirta ilkaha ku shaqeysa somaliya...

Matalaada SDA Shirka EDSIC ee Dalka Masar! 📸🇪🇬Waxaan halkan idinku la wadaagaynaa sawirrada dhakhaatiirta Ururka Dhakhaa...
05/09/2026

Matalaada SDA Shirka EDSIC ee Dalka Masar! 📸🇪🇬
Waxaan halkan idinku la wadaagaynaa sawirrada dhakhaatiirta Ururka Dhakhaatiirta Ilkaha Soomaaliyeed (SDA) oo si heer sare ah uga qaybgalay Shirka Caalamiga ah ee EDSIC oo ka dhacay magaalada Qaahira.
Wafdiga SDA oo uu hoggaaminayay Dr. Hussein, oo ay xubno ka ahaayeen Dr. Aisha iyo Dr. Isra, waxay fagaarahaas ka muujiyeen matalaad sharaf leh. Dr. Hussein wuxuu shirka ka ololeeye qorshayaasha SDA ee ku saabsan horumarinta aqoonta, raadinta fursado waxbarasho sare, dhiirrigelinta cilmi-baarista caafimaadka afka iyo ilkaha iyo hormarinta caafimaadka afka iyo ilkaha Somalia 🇸🇴
Ka qaybgalka Dr. Aisha iyo Dr. Isra wuxuu sidoo kale muujinayaa doorka muhiimka ah ee dhakhaatiirtu ku leeyihiin dhisidda iskaashi caalami ah iyo kor u qaadista magaca Soomaaliya.
U hambalyeeya dhakhaatiirta matalaadda sharafta leh! 👏👏


Somali Dental Representation at EDSIC 2026! 📸🇪🇬
We are proud to share highlights from the Egyptian Dental Syndicate International Congress (EDSIC) in Cairo, Egypt!
Our delegation, led by Dr. Hussein alongside Dr. Aisha and Dr. Isra, honorably represented the Somali Dental Association (SDA) on the international stage.
Following strategic alignment with SDA leadership, Dr. Hussein led our delegation in advancing critical conversations around post-graduate pathways, joint research initiatives, and preventive public health programs. The active presence of Dr. Aisha and Dr. Isra further reinforced SDA’s mission to strengthen regional ties and create expanded opportunities for Somali dentists. 🇸🇴
Join us in celebrating our doctors for their outstanding leadership and dedicated representation! 👏

Strengthening Regional Ties & Representing Somalia on the Global Stage 🦷🇪🇬The Somali Dental Association (SDA) is proud t...
01/09/2026

Strengthening Regional Ties & Representing Somalia on the Global Stage 🦷🇪🇬
The Somali Dental Association (SDA) is proud to announce the participation of our distinguished delegates, Dr. Hussein and Dr. Aisha, at the Egyptian Dental Syndicate International Congress (EDSIC) in Cairo, Egypt.
Following high-level consultative meetings with the SDA leadership, Dr. Hussein and Dr. Aisha are carrying our core strategic goals to the congress. Their mission centers on establishing international partnerships to advance dental healthcare in Somalia.

Xoojinta Xiriirka Gobolka iyo Matalaadda Soomaaliya ee Solayda Caalamiga ah 🦷🇪🇬
Ururka Dhakhaatiirta Ilkaha Soomaaliyeed (SDA) wexee magac iyo sharaf u tahay inuu ku dhawaaqo inay guddigeenna rasmiga ah oo ay hoggaaminayaan Dr. Hussein iyo Dr. Aisha ay uga qaybgalayaan Shirka Caalamiga ah ee EDSIC (Egyptian Dental Syndicate International Congress) oo ka dhacaya magaalada Qaahira ee dalka Masar.
Ka dib kulamo samayn leh oo ay la qaateen Hoggaanka Sare ee SDA, Dr. Hussein iyo Dr. Aisha waxay sadaan hanka iyo qorshayaasha raad-raaca leh ee ururka. Mission-kooda ama hawlgalkooda wuxuu diiradda saarayaa dhisidda iskaashi caalami ah si loo horumariyo daryeelka caafimaadka afka iyo ilkaha ee Soomaaliya.

كل عامٍ وأنتم بخير، تقبل الله منا و منكم صالح الأعمال.Ciid Wanaagsan
27/05/2026

كل عامٍ وأنتم بخير، تقبل الله منا و منكم صالح الأعمال.
Ciid Wanaagsan

Ururka Dhakhaatiirta Afka iyo Ilkaha Soomaaliyeed (SDA) ayaa kulan miro dhal ah la yeeshay Agaasimaha Isbitaalka Banaadi...
18/05/2026

Ururka Dhakhaatiirta Afka iyo Ilkaha Soomaaliyeed (SDA) ayaa kulan miro dhal ah la yeeshay Agaasimaha Isbitaalka Banaadir Dr Muna Hassan Hussein, si looga wada hadlo iskaashiga lagu xoojinayo adeegyada caafimaadka afka iyo ilkaha ee ku dhex jira barnaamijyada caafimaadka hooyada iyo dhallaanka.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii adeegyada caafimaadka afka loogu dhex dari lahaa nidaamka guud ee caafimaadka, gaar ahaan Barnaamijka Adeegyada Caafimaadka Aasaasiga ah (EPHS/BPOC), kor u qaadidda helitaanka adeegyada kahortagga iyo daaweynta gaarka ah ee ilkaha, iyo xoojinta wacyigelinta bulshada ee caafimaadka afka ee gobolka Banaadir.

Labada dhinac ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay muhiimadda iskaashiga hay’adaha, horumarinta xirfadaha aqooneed, qabashada howlaha wacyigelinta bulshada, iyo xoojinta adeegyada takhasuska sida Qalliinka Afka iyo Daanka (Oral and Maxillofacial Surgery) iyo daaweynta bishima dilaaca iyo dhanxanag dilaaca lagu dhasho (Cleft Lip iyo Cleft Palate).

Kulanka ayaa kusoo dhammaaday is-afgarad iyo ballanqaad wadajir ah oo lagu horumarinayo adeegyo caafimaad oo waara, laguna taageerayo himilada Ururka Dhakhaatiirta Afka iyo Ilkaha Soomaaliyeed ee horumarinta caafimaadka afka iyo ilkaha guud ahaan Soomaaliya.

The Somali Dental Association (SDA) held a productive meeting with the Director of Banadir Hospital Dr Muna Hassan Hussein to discuss collaboration in strengthening oral healthcare services within maternal and child health programs.

The discussions focused on integrating oral health services into the broader healthcare system, including the Essential Primary Healthcare Package (EPHS/BPOC), improving access to preventive and specialized dental care, and enhancing community oral health awareness across the Banadir region.

Both parties emphasized the importance of institutional collaboration, professional development, outreach activities, and strengthening specialized services such as Oral and Maxillofacial Surgery and Cleft Lip and Cleft Palate management.

The meeting concluded with a shared commitment to advancing sustainable oral healthcare services and supporting the Somali Dental Association’s mission of improving oral health across Somalia.

Pictures of the 4th General Assembly of the Somali Dental Association and the Election of New Management Leaders.صور الإ...
07/05/2026

Pictures of the 4th General Assembly of the Somali Dental Association and the Election of New Management Leaders.
صور الإجتماع العام السنوي الرابع لإتحاد أطباء الأسنان الصومالي و إنتخابات القيادة الإدارية الجديدة.
Sawiradda Shirwaynaha 4aad ee Ururka Dhakhaatiirta Afka iyo Ilkaha Soomaaliyeed iyo Doorashada Hogaanka Maamul Cusub.

👏 Hambalyo mar kale hoggaanka cusub ee la doortay, gaar ahaan Guddoomiyaha cusub Dr Filsan Ahmed Hassan Noor, iyo dhamma...
07/05/2026

👏 Hambalyo mar kale hoggaanka cusub ee la doortay, gaar ahaan Guddoomiyaha cusub Dr Filsan Ahmed Hassan Noor, iyo dhammaan xubnaha kale ee hoggaanka SDA.
🤝 Waxaan sidoo kale u mahadcelineynaa dhammaan ka soo qaybgalayaasha, marti sharafta, guddiyada kala duwan, iyo cid kasta oo qayb ka qaadatay guusha munaasabaddan.
🚀 Tani waa bilow cusub oo rajo iyo horumar leh.

🦷 Munaasabaddan waxay ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay, laguna muujiyay midnimo, xirfad, iyo wada shaqeyn dhe...
07/05/2026

🦷 Munaasabaddan waxay ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay, laguna muujiyay midnimo, xirfad, iyo wada shaqeyn dhex martay bahda dhakhaatiirta ilkaha Soomaaliyeed.

03/05/2026

Hadal qiimo leh oo ka tarjumaya bisaylka hoggaamineed

Dr Abdirahman Mohamed Colhaye, oo si sharaf iyo ixtiraam leh u aqbalay natiijada doorashada SDA 2026.

👏 Dr Colhaye wuxuu muujiyay tusaale wanaagsan oo ah hoggaan dhab ah—wuxuu si cad u sheegay inuu ixtiraamayo doorashada xubnaha, isla markaana uu soo dhaweynayo hoggaanka cusub ee ururka.

🎉 Wuxuu hambalyo u diray Guddoomiyaha cusub, Dr Filsan Ahmed Hassan Noor, isagoo muujiyay taageero iyo wada shaqeyn mustaqbalka.

🤝 Tani waa astaan muujineysa midnimada, xirfadnimada, iyo horumarka ay gaareen dhakhaatiirta ilkaha Soomaaliyeed.

🚀 Guushu ma aha oo kaliya natiijada—waa sida loo maareeyo, loo aqbalo, loona dhiso mustaqbal wadajir ah.

Xilwareejintii si rasmi ah ayay u dhacday Shirweynaha Kadib waxaa si habsami leh u qabsoontay xilwareejinta hoggaanka, i...
03/05/2026

Xilwareejintii si rasmi ah ayay u dhacday

Shirweynaha Kadib waxaa si habsami leh u qabsoontay xilwareejinta hoggaanka, iyadoo lagu wareejiyay masuuliyadda Gudoomiyaha si sharaf iyo wadajir leh. Waxaan u rajaynaynaa hoggaanka cusub guul iyo horumar, Anagoo ka fileyno inay sii wadaan dadaalka iyo isku duubnida Ururka si joogta ah.

Waxaa aad umahadsan Gudiga Doorashada oo xafladan si heer sare ah oo xirfadnimo ku dhaheetahay u qabtay howsha.

Mahadsanidiin

02/05/2026

Highlights from the General Assembly & Election Process

We are proud to share key moments from the successful General Assembly and election of the new leadership of the Somali Dental Association (SDA).

This important gathering brought together dedicated members committed to advancing oral health and strengthening our professional community. The election process was conducted with transparency, unity, and professionalism, reflecting the values of our association.

👏 Congratulations to the newly elected leadership team. We wish you great success in leading SDA towards a brighter future.

🙏 Special thanks to all members who participated and contributed to making this event a success.

Address

Hodan Taleeh
Mogadishu

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Somali Dental Association posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Somali Dental Association:

Shortcuts

Share