Al-Qarni Islaamic Foundation

Al-Qarni Islaamic Foundation Al-Qarni Islamic Foundation Waa Hay'ad Samafal Kheyriyaa Utaagan Hormarinta Diinta Dadka Iyo Dalka

Ceelkan waa waqaf loo qoday reer miyiga, xoolo-dhaqatada, beeraleyda iyo tuulooyinka ku xeeran. 💧Waxaa naga go’an horuma...
03/04/2026

Ceelkan waa waqaf loo qoday reer miyiga, xoolo-dhaqatada, beeraleyda iyo tuulooyinka ku xeeran. 💧
Waxaa naga go’an horumarinta dalkeenna hooyo 🇸🇴
Waxaa dhiman haanta biyaha iyo solar system-ka si ceelku u noqdo mid si buuxda u shaqeeya.
Qofkii ka qayb qaata waa sadaqo jariya

20/03/2026

Ciid wanagsan dhamaan muslimiinta meelkasto ey jogaan

28/02/2026

Mashruucan ma aha gargaar ku meel gaar ah, waa xal joogto ah. Waa tallaabo ka saaraysa bulshadeenna ku tiirsanaanta gargaar shisheeye, una horseedaysa isku filnaansho iyo horumar waara.
Waxaan ugu baaqeynaa: Ganacsatada, culimada, aqoonyahanka, iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed in ay ka qeyb qaataan maalgelinta iyo hirgelinta mashruucan khayriga ah.

28/02/2026

Riigii yaraa aan Keeney Wuxuu Noqdey Magudbe 20 mitir wuu dhaafi waayey alle mahadiisa lacagtii waan soo ceshtey

Mashruucan wuxuu diiradda saarayaa:Qodista ceelasha biyaha oo free ah Taageeridda Dadka Iyo Xoolo-dhaqatadaHorumarinta b...
11/01/2026

Mashruucan wuxuu diiradda saarayaa:
Qodista ceelasha biyaha oo free ah
Taageeridda Dadka Iyo Xoolo-dhaqatada
Horumarinta beeraha, kalluumeysiga & wax-soo-saarka dalka

بِسْمِ اللَّهِ الرَّحْمَٰنِ الرَّحِيمِHAMBALYO CIIDUL-FITRIMu’asasada Islaamiga ee Al-Qarni waxay hambalyo diiran u dire...
29/03/2025

بِسْمِ اللَّهِ الرَّحْمَٰنِ الرَّحِيمِ

HAMBALYO CIIDUL-FITRI

Mu’asasada Islaamiga ee Al-Qarni waxay hambalyo diiran u direysaa dhammaan Muslimiinta caalamka munaasabadda barakeysan ee Ciidul-Fitri. Waxaan Alle ka baryeynaa inuu soonkeennii, salaadeheennii, iyo camalkeennii wanaagsan naga aqbalo.

Waxaan si gaar ah u ducaynaynaa walaalaheenna Muslimiinta ee ay haystaan dhibaatooyinka nololeed, dagaallada, cudurrada, iyo duruufaha adag:

"Allaahow, dhibaatada ka dulqaad Muslimiinta meel kasta oo ay joogaan. U naxariiso kuwa dhibaateysan, u sahal umuurahooda, una gargaar kuwa taagta daran."

Sidoo kale, Mu’asasada Islaamiga ee Al-Qarni waxay xasuusinaysaa dhammaan Muslimiinta in ay taageeraan Mashruuca Muslim Kaab, oo ah dadaal lagu horumarinayo diinta, dadka, iyo dalka. Mashruucu wuxuu xooga saarayaa:

Kobcinta diinta Islaamka iyo fidinta dacwada.

Daryeelka masaakiinta, agoonta, iyo kuwa la’.

Gacan siinta dadka dayacan iyo kuwa duruufta adag la daalaa dhacaya.

Horumarinta dalka iyo dhaqaalaha, oo ay ku jirto:

Kafaa’iideysiga kheyraadka dalka – bad iyo bari.

Horumarinta beeraha, xoolaha, kalluumeysiga, iyo digaaga.

Shaqo-abuurka dhallinyarada si ay uga qeyb qaataan koboca dalka.

Waxaa la joogaa waqtigii aan garab istaagi lahayn walaalaheenna dhibaateysan, si aan uga qeybqaadano samafalka, sadaqada, iyo horumarka ummadda.

Ciid Wanaagsan, Ciid Mubaarak!
Mu’asasada Islaamiga Ee Al-Qarni

📢 Diin-Kaab – Barnaamijka Waxbarashada iyo Wacyigelinta Islaamka 🕌✨🔹 Diin-Kaab waa qeyb ka mid ah mashruuca Muslim Kaab,...
23/03/2025

📢 Diin-Kaab – Barnaamijka Waxbarashada iyo Wacyigelinta Islaamka 🕌✨

🔹 Diin-Kaab waa qeyb ka mid ah mashruuca Muslim Kaab, oo hoos yimaada Al-Qarni Islamic Foundation. Ujeedkiisu waa in la ballaariyo waxbarashada diinta Islaamka, la dhiso xarumo waxbarasho, lana fidiyo dacwada Islaamka si loo hormariyo aqoonta diineed ee bulshada Muslimiinta ah.

🌟 Ujeeddooyinka Diin-Kaab 🌟

📖 1. Waxbarasho Bilaash ah oo Islaami ah
✅ Barashada Qur’aanka Kariimka (Xifdigiisa, Akhrintiisa, iyo Tafsiirkiisa).
✅ Barista Sunnada Rasuulka (SCW) iyo culuumta kale ee diinta.
✅ Dhisidda dugsiyaal (madrasa) si ubadka iyo dadka waaweynba u bartaan diinta.

🕌 2. Dhismo & Dayactirka Masaajidda
✅ Dhisidda masaajidyo cusub si Islaamka looga horumariyo bulshooyinka baahan.
✅ Dayactirka masaajidda burburay si loogu sii wado cibaadada iyo barashada diinta.
✅ Soo saaridda kutub iyo qoraallo diini ah oo loo qeybiyo dadka si ay u helaan aqoon diineed.

📢 3. Faafinta Dacwada Islaamka
✅ Abaabulidda muxaadarooyin iyo barnaamijyo lagu barayo Islaamka.
✅ Kor u qaadista wacyiga diimeed ee bulshada, gaar ahaan dhalinyarada.
✅ Bixinta casharro la xiriira akhlaaqda suubban, ixtiraamka waalidka, iyo xiriirka wanaagsan ee bulshada.

📚 4. Xoojinta Madarisada Qur’aanka
✅ Taageeridda macallimiinta Qur’aanka iyo ardayda si ay u helaan waxbarasho tayo leh.
✅ Soo bandhigida barayaal tayo sare leh oo bulshada ka caawiya fahamka diinta.
✅ Abuuridda barnaamijyo casri ah oo lagu baranayo diinta, sida waxbarashada online-ka.

📘 5. Dhiirrigelinta Horumarinta Cilmiga Islaamka
✅ Ka shaqeynta kobcinta aqoonta shareecada Islaamka iyo fiqhiga.
✅ Soo saarista buugaag, maqaalada, iyo waxbarasho diineed oo dadku ka faa’iidaystaan.
✅ Xoojinta xiriirka culimada iyo barayaasha si wadajir loogu hormariyo bulshada.

🔹 Fariin Muhiim ah!
👉 "Diintu waa iftiin, aqoontuna waa fure! Haddii aad rabto inaad baratid, la wadaagto, ama aad qayb ka noqotid dadaalkan, waa fursad!" 🌟📖

💡 Diin-Kaab – Ka Qayb Qaado Iftiinka Aqoonta! 💡

| | | | | | | | | |

20/03/2025

Alqarni Islamic Foundation – Iftiin diimeed iyo horumar bulsho. Wadajirkeenu waa awooddeena, cilmigeenuna waa iftiinka jidkeena."

Hadaba Kaqeeb Qaado Hormarinta Diinta Iyo Dadka Iyo Dalka

Gaarsii Dadka Jecel Hormarka Diintooda Iyo Dalkooda...

28/02/2025

بِسْمِ اللَّهِ الرَّحْمَٰنِ الرَّحِيمِ

Assalaamu Calaykum Waraxmatullaahi Wabarakaatuh,

Caawa waa habeen farxad leh, waana bilowga bishii kheyrka, bishii barakada, bishii sadaqada, bishii Qur’aan akhriska la laba jibbaaraayey, bishii jihaadka, bishii towbada—waa bisha Ramadaan!

Bishan barakaysan waa fursad qaali ah oo aan Alle ugu dhowaanno cibaado, sadaqo, iyo toobad run ah. Waa bil ay naxariistiisa iyo dambidhaafkiisu si xad-dhaaf ah ugu furan yihiin addoomadiisa. Waxaan ugu baaqeynaa dhammaan Muslimiinta, gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed, in ay ka faa’iideystaan bishan kheyrka badan iyagoo:

✅ Xoojinaya salaadda iyo Qur’aan akhriska
✅ Bixiya sadaqada oo caawinaya masaakiinta iyo kuwa u baahan
✅ Ku dadaalaya soonka iyo camalka wanaagsan
✅ Ka fogaada gafafka iyo dunuubta si ay Alle uga helaan danbi dhaaf

Waxaa kale oo aan Alle ka baryeynaa inuu ummadda Soomaaliyeed ku manaysto dawlad nagu xukunta Kitaabka Alle iyo Sunnaha Nabigeena (SCW).

"Allaahow, haddii aad hanuun la dooneyso madaxdeena daalimiinta, hanuun toosan sii. Haddii aadan hanuun la dooneynin, Allaahow naga qabo oo nagu beddel madax na xukunta kuna dhaqma Kitaabkaaga iyo Sunnaha Nabigaaga (SCW)."

Ramadaan Mubaarak!

Mu’asasada Islamiga ah ee Al-Qarni
اللهم بلغنا رمضان وبارك لنا فيه

Daraasad: Xasidka, Sirtaada, iyo Ilaalinta Hadafkaaga1. Xasidka: Fahamka iyo SaamayntiisaXasidku waa xanuun qalbiga ah o...
22/02/2025

Daraasad: Xasidka, Sirtaada, iyo Ilaalinta Hadafkaaga

1. Xasidka: Fahamka iyo Saamayntiisa

Xasidku waa xanuun qalbiga ah oo qofku ka xumaado nimcada uu qof kale haysto, kuna hammiyo in ay ka lunto. Islaamku wuxuu si cad u reebay xasidka, isagoo Nabigu (SCW) yiri:

"Ha is-xasdinina, ha is-necbaanina, ha is-jees-jeesina, noqda addoomaha Ilaahay ee walaalaha ah." (Saxiix Muslim).

Xasidku wuxuu leeyahay saameyn ballaaran:

Xiriirka bulshada: Wuxuu burburiyaa kalsoonida iyo walaaltinimada.

Nolosha shaqsiga: Wuxuu keenaa niyad-jab, culeys nafsi ah, iyo waqti lumis.

Cibaadada: Wuxuu qofka ku riixaa xumaan, isagoo ka hor istaagaya wanaagga iyo Alle ka cabsiga.

2. Sirtaada Ilaali: Muhiimadda Qarinta Hadafkaaga

Nolosha qofka waxaa ka buuxa riyooyin iyo himilooyin uu rabo inuu gaaro. Si aad hadafkaaga u gaarto, waa muhiim inaad sirtaada ilaaliso, gaar ahaan:

Hadafkaaga ha faafin ilaa aad ka dhammaystirto

Haka sheekeyn qof walba waxa aad qorsheynayso

Xasuuso xasidku inuu ku sugayo meel kasta

Dadaalkaaga halkaa kasii wad, Alle-na tala saaro

Qur’aanka Kariimka wuxuu ina baray in dadka qaar ay jiraan kuwa xumaanta kuu hammiyaya, sida ay walaalihii Nabi Yuusuf (CS) ula dhaqmeen. Markii Yuusuf riyadiisa aabbihiis uga warramay, wuxuu aabihiis kula taliyay:

"Wiilkaygiiyow, ha u sheegin riyadaada walaalahaa, waxay kuu maleegi doonaan dhagar." (Yuusuf: 5).

3. Xikmadda Aamusnaanta ilaa Guusha

Dad badan oo guuleystay waxay ka siman yihiin hal wax: Waxay aamusnaayeen ilaa ay hadafkooda ka gaareen!

Nebi Muuse (CS) wuxuu si qarsoodi ah uga baxsaday Fircoon.

Nabi Yuusuf (CS) wuxuu yoolkiisa gaaray isagoo dulqaaday.

Ganacsatada guuleystay k**a hadlaan fikradahooda ilaa ay hirgeliyaan.

Gunaanad

Haddii aad rabto inaad guul gaarto:
✅ Ilaali sirtaada.
✅ Ha u sheegin qof walba yoolkaaga.
✅ Xasuuso xasidka inuu jiro.
✅ Alle talo saaro, samirna muuji.

"Haddii aad wax qabanayso, si qarsoodi ah u qabso." (Xadiis).

Al-Qarni Islaamic Foundation Waaa Hay'ad Kheyriyaa Hormarti Bulshada Muslimka Ee Somalia & Waceygalinta Diinta islaamka

5. Dal-Kaab – Waa mashruuc lagu horumarinayo dalka iyo kobcinta dhaqaalaha, waxaana diiradda la saarayaa:Horumarinta bee...
15/02/2025

5. Dal-Kaab – Waa mashruuc lagu horumarinayo dalka iyo kobcinta dhaqaalaha, waxaana diiradda la saarayaa:

Horumarinta beeraha, xoolaha, kalluumeysiga, iyo digaaga

Shaqo-abuurka dhalinyarada

Qodista ceelasha biyaha si dadka loogu sahlo helitaanka biyo nadiif ah

Isku guurinta wiilasha iyo gabdhaha qaan-gaarka ah si loo dhiso qoysas xalaal ah oo wanaagsan

Dhisidda laamiyada iyo buundooyinka si loo fududeeyo isku socodka bulshada

Jeexista kanaallada biyaha si loo hormariyo wax-soosaarka dalka

Maalgelinta dhalinyarada wax bartay ee jecel inay dalkooda usoo saaraan wax faa'iido u leh iyo horumarinta dalka

Address

Mogadishu

Telephone

+252619606061

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Al-Qarni Islaamic Foundation posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share