20/08/2026
Maanta oo ay taariikhdu tahay 20-ka Agoosto 2026, waxaa magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyey shir sanadle ah oo ay isugu yimaadeen Dalladaha iyo Ururada dadka naafada ah ee dalka. Shirka waxaa soo qaban qaabiyay hay’ada xojinta naafada Soomaaliyeed ee SODEN, waxaana fududeyay UNDP -Somalia.
Shirkan oo socday muddo laba maalmood ah, ayaa sanadkan diiradda lagu saaray xoojinta ka-qaybgalka siyaasadeed ee dadka naafada ah iyo sidii loo xaqiijin lahaa in dadka naafada ahi ay si buuxda uga qayb qaataan arrimaha siyaasadda iyo go’aan-qaadashada dalka.
Shirka waxaa ka qaybgalay Dalladaha iyo Ururada dadka naafada ah ee ka socday maamul-goboleedyada dalka iyo Gobolka Banaadir, kuwaas oo ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa matalaadda, ka-qaybgalka iyo xuquuqda siyaasadeed ee dadka naafada ah.
Shirka waxaa laga soo saaray warmurtiyeed ka kooban afar qodob.
1. in si dhab ah loo hirgeliyo qoondada 5% ee dadka naafada ah, si loo xaqiijiyo matalaaddooda siyaasadeed iyo ka-qaybgalka goobaha go’aan-qaadashada.
2. Shiku wuxuu ku Baaqay in la xoojiyo midnimada iyo wada-shaqeynta ururrada dadka naafada ah, si loo yeesho ajande mideysan iyo cod xooggan oo lagu difaaco xuquuqda dadka naafada ah.
3. Ugu baaqayaa Hay,adda Naafada Qaranka inay fududayso Hanaanka Dhismaha Golaha Naafada Rayidka si mideeyo codka Ururada Dadka Naafada ah.
4. Shirku wuxuu Soodhoweeyey nooca Doorasho ay Soojeedintii bulshada rayidka ah ee hannaanka doorashada kalaguurka ee soomaaliya.
Kaaso lagu xusay xaqiijinta meteladaa 5% ee siyaasada, kaaso lasoosaaray 09/08/2026.
5. Shirku wuxuu ku boorinyaa in hay,adaha caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah inay sibuuxda ula shaqeeyan ururada iyo dadka metela dadka naafada ah.