Baar Environmental Solidarity

Baar Environmental Solidarity Increased droughts in our region made many people face severe water shortage.

25/02/2025

Saameynta Xaalufinta dhirta (deforestation) Khasaaraha iyo Faa'iidooyinka Dhirta:

Hordhac:
Dhirta waa qayb muhiim ah oo ka mid ah deegaanka, waxayna door weyn ka ciyaartaa nolosha aadanaha iyo xayawaanka. Si kastaba ha ahaatee, jarista dhirta (deforestation) waxay leedahay saameyn taban oo badan. Qormadan waxay dul istaagi doontaa khasaaraha ka dhasha jarista dhirta iyo faa'iidooyinka ay leedahay dhirta.

Khasaaraha Ka Dhasha Jarista Dhirta:
1. Isbedelka Cimilada – Dhirta waxay nuugtaa carbon dioxide (CO₂), marka la jaro dhirta, waxaa sii kordhaya wasakhowga hawada iyo isbeddelka cimilada.

2. Burburka Deegaanka: Dhirta waxay hoy u tahay xayawaanno badan. Markii la gooyo, waxay keeneysaa inay dhammaanayaan ama ay guuraan xayawaankaasi.

3. Biyo Yarida iyo Nabaad Guurka Dhulka – Dhirta ayaa ka hortagta nabaad guurka dhulka iyo biya-baxa dhulka hoostiisa, marka la jaro waxay keentaa in dhulku fowdoobo oo uu noqdo dhul engegan.

4. Khasaaraha Nolosha Aadanaha – Deforestation-ka wuxuu keenayaa kororka abaaraha, daadadka iyo cudurrada, taasoo saameyn xun ku leh bulshada.

5. Hoos U Dhaca Ogsijiinta: Dhirta ayaa soosaarta oksijiin, taasoo lagama maarmaan u ah nolol-wanaagga bini’aadamka.

Faa'iidooyinka Ay Leedahay Dhirta
1. Hawo Nadiif ah – Dhirta waxay sifeysaa hawada, iyadoo nuugta carbon dioxide (CO₂) oo sii deysa oksijiin (O₂).

2. Xakamaynta Cimilada : Dhirta waxay caawisaa xasilinta cimilada, iyadoo hoos u dhigta heerkulka kuleylka badan.

3. Hoy u ah Xayawaanka: Dhirta waxay guri u tahay xayawaanno badan oo noolaha ka mid ah.

4. Biyaha iyo Nabaad Guurka Dhulka: Dhirta waxay ka hortagtaa nabaad guurka iyo biyo-baxa dhulka, taasoo sare u qaadaysa wax-soosaarka dhulka.

5. Faa'iido Dhaqaale: Dhirta waxaa laga helaa dhuxusha, daawooyin, midho iyo waxyaabo badan oo dhaqaale lagu kasbado.

By: Eng Afrah

08/12/2023

Local communities cut large number of trees either to prepare their farming land or some other purposes unaware that this can cause massive desertification, Soil erosion, flooding and climate change.

Wacgelin ku saabsan nadiifinta deegaanka.Nadiifintu deegaanku waa caafimaadkeena, waa masuuliyad wadared.1.Iska fogee qa...
15/10/2023

Wacgelin ku saabsan nadiifinta deegaanka.

Nadiifintu deegaanku waa caafimaadkeena, waa masuuliyad wadared.
1.Iska fogee qashinka, hareerahaadana nadiif (keep your surroundings clean).
2. Nadaafaddu waxay ka bilaabataa gurigaaga (cleanliness starts from your home)
3.Joogtee faraxalka, Carruurtana ku ababi (clean your hands and train children to clean their hands as well).
4. Bacdu xayndaabka ha ka caaganaato (Keep the area plastic free).
5.Nadiifinta deegaanka oo la joogteeyo waxay adiga iyo deriskaba idinka dhigtaa kuwo caafimaad qaba. (Keeping clean will help you keep yourself and everyone around you healthy).

https://www.voasomali.com/a/galka-baarista-cabsida-laga-qabo-cimilada-el-nino-inay-ku-dhufato-soomaaliya-/7284438.html S...
29/09/2023

https://www.voasomali.com/a/galka-baarista-cabsida-laga-qabo-cimilada-el-nino-inay-ku-dhufato-soomaaliya-/7284438.html

Soomaaliya waxay ka mid tahay Wadadama dunida ee ay sida weyn u saamaysay isbedelka Cimilada, inkastoo aanay jirin door muuqda oo Soomaalidu ay ku leedahay isbedbedelkaasi Cimilada iyo hawada sii kululaanaysa, waxaa dalka isaga soo dabanoqnoqday Abaaro, Fatahaado iyo Barakac masiibooyinkaas oo galaaftay nolosha dad badan.

Muddo sanado ah oo is xigxigay waxaa waddanka soo ragaadinayey Abaaro ba'an oo galaaftay nolosha dad iyo duunyaba, boqolaal kun oo qofna barakiciyey, dhinaca kalena daadadkii ugu danbeeyey ee ka dhashay fatahaadaha waxaa ay dalka ku dhufteen bilihii Maarso iyo May ee sanadkaan markaasi oo ay khasaare nafeed iyo hantiba ay ka geysteen magaalooyinka Baardheere, Beledweyne iyo deegaano kale, inta lagu guda jiro bilaha October, November iyo December ee xilli roobaadka deyrta soo socota khuburada hayadaha gargaarka iyo kuwa deegaankuba waxay ka digayaan inay dalka ku soo fool leeyhiin roobab xooggan iyo daadad ay sabab u tahay Cimilada El Nino.
Elnino waa Cimilo ka dhacda Badweynta Pacific haseyeeshee waxay leedahay saamayn caalami ah, sidoo kale waxaa la ogyahay in
El nino tahay Cimilo keenta roobab xooggan iyo fatahaado ku dhufta meelo kala duwan oo dunida ah, Bariga Africa marka ay soo gaarto gobolka Soomaalida Itoobiya, Kenya iyo Soomaaliaya taasi waxay ka dhigantahay inay da'ayaan roobab xaddhaaf ah gaar ahaan dhulka ay ka yimaadaan labada Wabi ee Jubba iyo Shabeelle, sidaas daraadeed khubaradu waxay kula talinayaan dadka degan meelaha Wabiyadu maraan inay u baxaan dhulka taagga ah, waxaa kale oo jira magaalooyin aan Wabigu marin laakiin daadad ku soo rogman karaan sida Qardho iyo Burco taasoo marar horaba dhacday.

Saraakiisha Soomaalida iyo hay’adaha samafalka ayaa ka digaya in duufaan xooggan ay ku dhifan doonto gobolka Bariga Afrika saddexda bilood ee soo socota. Saraakiil ka tirsan Hay’adda FAO oo la hadlay VOA-da ayaa sheegay in roobab xad dhaaf ah ay ka da’ayaan qeybo ka mid ah mid an gobolka.

12/09/2023

Horn of Africa is known for its pastoralist communities and relatively harsh climate. Pastoralist communities have suffered from a lack of social stability due to a lack of suitable local planning and governance. The prolonged conflicts because of the collapse of the Somali central government in 1991 further enflamed the situation. Climate change effects in the form of recycling droughts and floods have been occurring, weakening the traditional capacity of pastoral systems to cope with the environmental stress intrinsic to these regions. Environmental degradation and loss of livelihood, often led to famine, further worsened the situation. Many local refugees depended on wildlife for nutrition, cutting trees for building new shelters, and selling them as wood or charcoal. All these natural and human-made calamities have degraded the environment and natural resources (https://www.unep.org/news-andstories/story/how-somalias-charcoal-trade-fuelling-acacias-demise).
Lack of financial means and local capacity to collect the waste and build sewerages have turned urban centers into difficult places to live. Many locals and policymakers are worrying about the aforementioned problems and particularly the operational areas of our organisation, the BES. In general, saving the remaining environment, if any, and restoring its natural beauty is an issue that BES is seeking. BES feels this question is complex and requires the solidarity of collective actors with different perspectives and opinions on dealing with the environmental issue in Somalia in general, particularly the operational areas.

31/08/2023

When the world celebrated World Environment Day on June 5, 2022, in Somalia the celebration was missing. The country has little to celebrate: Somalia is vulnerable to, and highly impacted by, climate change. It has experienced more than 30 climate-related hazards since 1990, including 12 droughts ...

25/08/2023

Saamaynta fatahaadda Wabiga Shabeele ku reebo magaalada Beledweyne iyo tuulooyinka u dhowdhow ee dhaca hareeraha Wabiga.

Hordhac:
webiga shabeelle wuxuu ka soo bilaabma dhulka jooga sare ee Itoobiya wuxuuna ku sii hoobtaa Soomaaliya, isagoo sii mara magaalooyin badan ilaa uu ku shubo badweynta Hindiya, xilli roobaadyada qaarkood qulqulka biyaha wabi shabelle waxay noqdaan xad-dhaaf, maadaama wabigu dhaco dhul joog hoose waxaa ku soo rogmada biyaha waadiyada iyo faruhu Buuraleyda ka soo rogaan, biyahaas ayaa isku daya inay Wabiga ku hoobtaan haseyeeshee waxaa ka horyimaada biyo
wabiga oo buuxdhaafay horay u soo tufay, taas waxay keentaa in biyihii u dhaqaaqaa saf ballaaran oo daboola dhul aad u ballaaran, Magaalada Beledweyne oo ka mid ah magaalooyinka koonfurta Soomaaliya ugu dadka badan waxaa dhamanteed harqiya biyaha wabiga.

Dhibaatooyinka ay Fataahaddu ku reebto Magaalada Beledweyne:

1.dhibaatooyinka dhaqaale:

Maadaama dadka magaalada oo dhan ay ka barakacaan guryohooda taas waxaa barbar socda inuu joogsado ganacsigoodii, meeshaas waxaa ka dhasha in nolosha qoysasku hoos u dhacdo oo ay u baahdaan gargaar banii’aadanimo oo degdeg ah taas oo soo daahda ama la waayo ama aan ku filnayn,
Sidoo kale fatahaaddu waxay baabi’isaa dhul beereed ay ku abuurnaayeen dalagyo kala duwan, taas oo keenta cunto yari.
2. Dhibaatooyinka caafimaad darro:

Fatahaaddu waxay sababtaa xanuunno ay ka mid yihiin Malaariyada iyo cagaarshowga maadaama kaneecadu kacdo, xanuunadaas waxay keenaan dhimasho, waxaa sidoo kale duma musqulaha, saxaraduna banaanka ayey u soo baxdaa waxaana halkaas ka dhashada cudurada faafa sida shuban biyoodka.
Ugu danbeyn fataahaddu waxay burburisaa guryo farabadan dadkuna ma haystaan dhaqaale ay ku dayactireen.

Address

Makkah Al Mukaraqmah Str , Near Wabari Police Station
Mogadishu
220000

Opening Hours

Monday 08:00 - 17:00
Tuesday 08:00 - 17:00
Wednesday 08:00 - 17:00
Thursday 08:00 - 17:00
Saturday 08:00 - 17:00
Sunday 08:00 - 17:00

Telephone

+252619284079

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Baar Environmental Solidarity posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Baar Environmental Solidarity:

Shortcuts

Share