ICB Somalia

ICB Somalia Providing Sustainable Charitable Construction Services For Those In Need.

Hambalyo Bilashada Bisha Barakeysan ee RamadanAllahu Akbar! Waxaa bilatay bisha barakeysan ee Ramadan, waqti naxariis, c...
28/02/2025

Hambalyo Bilashada Bisha Barakeysan ee Ramadan

Allahu Akbar! Waxaa bilatay bisha barakeysan ee Ramadan, waqti naxariis, cafis, iyo nabadgalyo la hanto.

Ilaahay ha naga aqbalo Soonka, Salaadda, iyo ducada. Ha nagu gaarsiiyo Naxariis iyo Dambi Dhaaf.

Ramadan Mubarak!
Kheyr iyo Barako ha idiin horseedo adiga iyo qoyskaagaba.

04/02/2025

💙 Koko Bulle – Ilintu Waa Farxad! 💙

Alhamdulillah! Ma jiro dareen ka qoto dheer marka aad aragto saameynta kheyrigaaga ku leeyahay nolosha dadka! 😢💧

Walaasheenna Koko Bulle waxay jeclayd inay hadasho xilligii Xarig-jarka Ceelka, balse ilintu way ka horreysay… Waa dareen run ah oo ka tarjumaya jacayl, naxariis, iyo kheyr ay bulshada ugu hurtay.

Maanta, Boqollaal qof ayaa helay biyo nadiif ah, iyada oo ay ugu wacan tahay dadaalka iyo qalbiga wanaagsan ee Koko. Waxaa dhammaanteen farxad noo wada ah in aan la shaqeyno qof wanaagga intaas le’eg u taagan!

Rabbi kheyr badan ha kaa siiyo, Koko! 💙💧

💙 ’sHeart 💧

02/02/2025

🎉 Hambalyo Koko Bulle! 🎉

Alhamdulillah! Waxaan ugu hambalyeynaynaa walaasheenna Koko Bulle oo gaartay 1 MILLION SUBSCRIBERS YouTube-ka! Waa guul taariikhi ah oo muujineysa dadaalka iyo saameynta ay ku leedahay bulshada.

Waxaan ku faraxsanahay in aan la shaqeyno mashruuca kheyriga ah ee ay u hurtey bulshada – Ceelka Biyaha ee Koko’s Heart, oo ay ugu talagashay dadkeeda biyo la’aanta haysay. 💙💧

Furitaanka ceelka wuu soo dhow yahay! Waa xilli kale oo muhiim ah oo aan si wadajir ah ula qeybsaneyno farxadda guushaan weyn! 🙌

🎉 ’sHeart 💙 💧 🤲

Ka Qeyb Qaado Dhismaha Kheyriga ah oo U Waqfee Waalidiintaada!Walaalaha kheyrka jecelow, waxaan idiin soo jeedinaynaa fu...
26/01/2025

Ka Qeyb Qaado Dhismaha Kheyriga ah oo U Waqfee Waalidiintaada!

Walaalaha kheyrka jecelow, waxaan idiin soo jeedinaynaa fursad weyn oo aad sadaqo jariyad uga dhigtaan waalidiintiina ama naftiinna.

Waxaan dhisnaa dhismayaasha Samafal ka ah sida; Masjid, dugsi, ceel biyo, isbitaal, Xarumaha Agoonta iyo Guryo Danyarta ah si ummadda uga faa’iidaysato, ajarna idiinkaga socdo aduun iyo aakhiro.

Rasuulka SCW wuxuu yiri:
"Marka qof dhinto, camalkiisu wuu joogsadaa marka laga reebo saddex: Sadaqo jariyad, cilmi laga faa’iidaysto, iyo ilmihiisa suuban oo u duceeya." (Muslim)

Haddaad naftaada ama waalidiintaada u waqfeyso dhisme sadaqo ah, ajarkiisu wuu soconayaa xitaa marka aad dunida ka tagto. Kheyrkana wax idinka goynaya ma jiro!

Ku deeq si toos ah oo Nagala Soo Hadal Whatsapp keena.

Wixii faahfaahin ah, nala soo xiriir:+252 77 199 9090 ama [email protected].

Rabbi kheyr ha idinka siiyo, ajarna ha idinkaga dhigo!


Ma Haysaa Dhul Waqaf Ah oo u baahan in la dhiso? ICB waxay diiwaangelinaysaa dhulalka Waqafka ama kuwa loogu deeqay dant...
22/01/2025

Ma Haysaa Dhul Waqaf Ah oo u baahan in la dhiso?

ICB waxay diiwaangelinaysaa dhulalka Waqafka ama kuwa loogu deeqay danta guud si mustaqbalka loogu raadiyo deeq-bixiyayaal. Haddii aad hayso dhul Waqaf ah oo u baahan dhisme (Masjid, Madaraso, Isbitaal, Ceel Biyood, Guri Agoon, iwm.), fadlan buuxi foomka diiwaangelinta.

📩 Foomka waxaad ka heli kartaa qeybta WhatsApp-ka: 077-199-9090
🌐 Ama booqo website-ka: www.ihsanbuilds.so

La soco, fursad kasta waxay bilow u tahay mashruuc kheyr badan!

📢 Wax Weyn Ayaa Soo Socda! ⏳Waxaa soo dhow Mashruuc cusub oo muhiim ah, kaas oo wax badan ka beddeli doona nolosha dadka...
19/01/2025

📢 Wax Weyn Ayaa Soo Socda! ⏳
Waxaa soo dhow Mashruuc cusub oo muhiim ah, kaas oo wax badan ka beddeli doona nolosha dadka u baahan.

La soco FaahFaahinta dhawaan!

📢 Ku Soo Dhawaada Ihsan Charitable Buildings (ICB)!ICB waa hay'ad u heellan dhisidda adeegyo samafal. Waxaan dhisnaa mas...
17/01/2025

📢 Ku Soo Dhawaada Ihsan Charitable Buildings (ICB)!

ICB waa hay'ad u heellan dhisidda adeegyo samafal. Waxaan dhisnaa masaajiddo, iskuullo, xarumo caafimaad, xarumaha agoonta, ceelal biyo , iyo guryo loogu talagalay Dadka Saboolka ah iyo kuwa Barakacayaasha.

🔹 Hadafkeena: In aan U dhisno dhismooyin waara oo badbaado leh kuwa u baahan.

🔹 Himiladeena: In qof walba helo Hoy iyo Adeegyada muhiimka ah.

🔹 Nagala qeybta qaado oo Na garab istaag!

Nagu Soo biir oo na Soo Follow iyo Share garee.

Aan dhisno rajada, Dadkeena mar walba! 💙

Address

VIA TALEH
Mogadishu

Opening Hours

Monday 08:00 - 20:00
Tuesday 09:00 - 20:00
Wednesday 09:00 - 20:00
Thursday 09:00 - 20:00
Friday 16:00 - 20:00
Saturday 10:00 - 17:00
Sunday 10:00 - 17:00

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when ICB Somalia posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to ICB Somalia:

Share