Ururka Horumarinta Walaalaha Buulo Mareer Ee Banaadir

Call Directions

Ururka Horumarinta Walaalaha Buulo Mareer Ee Banaadir Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Ururka Horumarinta Walaalaha Buulo Mareer Ee Banaadir, Charitable organisation, Dharkinley, Mogadishu.

Ururka Horumarinta Walaalaha Buulo Mareer ee Banaadir ma ahan urur dowli ah, si lamid ah ma ahan urur faaido doon ah, ujeedadda ugu weyn ee loo aas-aasey waa in lagu taageero laguna horumariyo Degaanka Buulo Mareer.

05/10/2026

Miro dhalkii wadashaqeynta Ururka Horumarinta Walaalaha Buulo Mareer Ee Banaadir & Somali Football Federation 1951

29/09/2026

Ururka Horumarinta Walaalaha Buulo Mareer Ee Banaadir Waxaa ka go'an horumarinta Isboortiga Degaanka

Ururka Horumarinta Walaalaha Buulo Mareer Ee Banaadir wuxuu si dhow ula shaqeeyaa Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed, o...
27/09/2026

Ururka Horumarinta Walaalaha Buulo Mareer Ee Banaadir wuxuu si dhow ula shaqeeyaa Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed, oo door muhiim ah ka qaata horumarinta iyo kobcinta isboortiga dalka.

Ururku wuxuu door weyn ka qaataa horumarinta isboortiga deegaanka Buulo Mareer isaga oo dhalinyarada degaanka ka taageera dhinacyada agabka ciyaaraha, tababarrada iyo soo saarista jiil cusub oo leh xirfado iyo karti isboorti.

Ururku wuxuu ka faa'iideystay fursad uu la wadaagay Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed taas oo ah tababarida macallimiin kubadda cagta ee heerka "D", kaas oo ay iska kaashanayaan Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed iyo CAF. Ujeeddada tababarkan ayaa ah in la soo saaro macallimiin leh aqoon iyo xirfado tababarnimo oo heer sare ah.

Ilyaas Cusmaan Shiikheey, Ilyaas Jeceelow oo ka mid ah dhallinyarada sida weyn ugu dhuun daloola isboortiga deegaanka Buulo Mareer ahna tababaraha Kooxda Horseed BM FC ayaa ka faa'iideystay fursaddan isaga oo hadda ka mid ah macallimiinta ku jira tababarka heerka "D".

Fursaddani waxay qeyb ka tahay dadaallada lagu horumarinayo isboortiga deegaanka, laguna dhisayo jiil dhallinyaro ah oo leh aqoon, xirfad iyo hoggaan isboorti.

Ururka Horumarinta Walaalaha Buulo Mareer ee Banaadir waxaa ka go'an horumarinta dhalinyarada jir ahaan & maskax ahaan iyo weliba kobcinta isboortiga deegaanka.

-Xogheynta-

Dhamaan xubnaha Ururka Horumarinta Walaalaha Buulo Mareer Ee Banaadir  waxay si wadajir xanuunka geerida ula qeybsanayaa...
08/09/2026

Dhamaan xubnaha Ururka Horumarinta Walaalaha Buulo Mareer Ee Banaadir waxay si wadajir xanuunka geerida ula qeybsanayaan dhamaan reer Xaaji Axmed Muuse Cabdi & reer Sheekheey Maxamed Awoow meel walba ay joogaan ka dib geeridii naxdinta laheyd ee ku timid gabadheena Allah u naxariistee Marxuumad Sacdiya Sakhaawe Axmed Muuse oo shaley 08 September 2026 oo ku aadaneyd 25 Mowliid 1448 Hijriyada ku geeriyootey Magaalada Adisababa ee Dalka Itoobiya, waxaan Ilaaheey uga baryeynaa inuu beerihiisa Jannaad ugu deeqo dhamaan ehel, qaraabo & saaxiibana samir & iimaan ka siiyo In sha Allah.

@ Marti la jecelyahay Allah ka yeelo @

Xogheynta

Dhamaan xubnaha Ururka Horumarinta Walaalaha Buulo Mareer Ee Banaadir waxay si wadajir ugu tacsiyadeynayaan reer Maye Ab...
05/09/2026

Dhamaan xubnaha Ururka Horumarinta Walaalaha Buulo Mareer Ee Banaadir waxay si wadajir ugu tacsiyadeynayaan reer Maye Abaxaaji Abanuur meel walba ay joogaan ka dib geeridii naxdinta laheyd ee ku timid walaalkeena Allah u naxariistee Marxuum Nuureyni Maye Abaxaaji Abanuur oo xaley saqdii dhexe Sideed saac (2:00am) ku geeriyoodey Kalkaal Hospital ee Magaalada Muqdisho, waxaan Ilaaheey uga baryeynaa inuu beerihiisa Jannaad ugu deeqo dhamaan ehel, qaraabo & saaxiibana samir & iimaan ka siiyo In sha Allah.

@ Marti la jecelyahay Allah ka yeelo @

Xogheynta

Dhamaan xubnaha Ururka Horumarinta Walaalaha Buulo Mareer Ee Banaadir  waxay si wadajir ugu tacsiyadeynayaan reer Yuusuf...
03/09/2026

Dhamaan xubnaha Ururka Horumarinta Walaalaha Buulo Mareer Ee Banaadir waxay si wadajir ugu tacsiyadeynayaan reer Yuusuf Cumar Malaaq meel walba ay joogaan si gaar ah walaalkeena Cumar Nuur Caraboow ka dib geeridii naxdinta laheyd ee ku timid walaasheena Allah u naxariistee Marxuumad Fartuun Yuusuf Cumar Malaaq oo maanta 03 September 2026 kuna beegan 21 Mowliid 1448 Hijriya ku geeriyoodey Magaalada Buulo mareer ee Gobolka Shabeelaha Hoose, waxaan Ilaaheey uga baryeynaa inuu beerihiisa Jannaad ugu deeqo dhamaan ehel, qaraabo & saaxiibana samir & iimaan ka siiyo In sha Allah.

@ Marti la jecelyahay Allah ka yeelo @

Xogheynta

24/08/2026

Dhamaan xubnaha Ururka Horumarinta Walaalaha Buulo Mareer Ee Banaadir waxay si wadajir ugu tacsiyadeynayaan dhamaan reer Reer Boorsheey Muuse & Reer Maxamed Saciid meel walba ay joogaan si gaar ah Gudoomiyaha ururka Ozman Abbaz Ali oo adeerkiisa Allah u naxariistee Marxuum Maxamuud Maxamed Boorsheey maanta 24 Agoosto 2026 kuna beegan 11 Mowliid 1448 Hijriya ku geeriyoodey Somali Sudanese Specialized Hospital, waxaan Ilaaheey uga baryeynaa inuu beerihiisa Jannaad ugu deeqo dhamaan ehel, qaraabo & saaxiibana samir & iimaan ka siiyo In sha Allah.

@ Marti la jecelyahay Allah ka yeelo @

Xogheynta

Dhamaan xubnaha Ururka Horumarinta Walaalaha Buulo Mareer Ee Banaadir waxay si wadajir ugu tacsiyadeynayaan dhamaan reer...
11/08/2026

Dhamaan xubnaha Ururka Horumarinta Walaalaha Buulo Mareer Ee Banaadir waxay si wadajir ugu tacsiyadeynayaan dhamaan reer Yaslam Cumar meel walba ay joogaan si gaar ah Gudoomiyaha ururka Ozman Abbaz Ali oo sodohdiisa Allah u naxariistee Marxuumad Zahra Yaslam Cumar maanta 11 Agoosto 2026 kuna beegan 28 Safar 1448 Hijriya ku geeriyoodey Magaalada Cadan ee Dalka Yaman, waxaan Ilaaheey uga baryeynaa inuu beerihiisa Jannaad ugu deeqo dhamaan ehel, qaraabo & saaxiibana samir & iimaan ka siiyo In sha Allah.

@ Marti la jecelyahay Allah ka yeelo @

Xogheynta

Dhamaan xubnaha Ururka Horumarinta Walaalaha Buulo Mareer Ee Banaadir Waxay si wadajir ah duco & dhambaal tahniyadeed ug...
09/08/2026

Dhamaan xubnaha Ururka Horumarinta Walaalaha Buulo Mareer Ee Banaadir Waxay si wadajir ah duco & dhambaal tahniyadeed ugu dirayaan Walaalkooda Al ustaad Ibraahim Martini & gabadheena Iqra Cabbaas Cali oo xaley Axad 09 August 2026 kuna beegneyd 26 Safar 1448 Hijriya abaarihii 01:30AM saqdii dhexe Wiil ugu dhashey Kalkaal Hospital ee Magaalada Muqdisho, waxaan Ilaaheey uga baryeynaa inuu ka dhigo tii lagu anfaco In sha Allah.

-Xogheynta-

Dhamaan xubnaha Ururka Horumarinta Walaalaha Buulo Mareer Ee Banaadir waxay si wadajir ugu tacsiyadeynayaan reer Xuseen ...
08/08/2026

Dhamaan xubnaha Ururka Horumarinta Walaalaha Buulo Mareer Ee Banaadir waxay si wadajir ugu tacsiyadeynayaan reer Xuseen Abuukar meel walba ay joogaan ka dib geeridii naxdinta laheyd ee ku timid walaalkeena Allah u naxariistee Marxuum Axmed Xuseen Abuukar oo maanta 08 Agoosto 2026 kuna beegan 25 Safar 1448 Hijriya ku geeriyoodey Magaalada Buulo mareer ee Gobolka Shabeelaha Hoose, waxaan Ilaaheey uga baryeynaa inuu beerihiisa Jannaad ugu deeqo dhamaan ehel, qaraabo & saaxiibana samir & iimaan ka siiyo In sha Allah.

@ Marti la jecelyahay Allah ka yeelo @

Xogheynta

Address

Dharkinley
Mogadishu
252

Telephone

+252612662277

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Ururka Horumarinta Walaalaha Buulo Mareer Ee Banaadir posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share