Somali welfare Educational Organization

Somali welfare Educational Organization Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Somali welfare Educational Organization, Charitable organisation, Mogadishu.

SOWEDO ORGANIZATION
is a non-profit, non-governmental charitable organization committed to supporting and empowering underprivileged children through access to both religious and formal education, while also providing assistance to vulnerable and low-inco

Muqdisho, Axad 19-ka April 2026Xubnaha SOWEDO Organization oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha SOWEDO ayaa maanta galabnimad...
19/04/2026

Muqdisho, Axad 19-ka April 2026
Xubnaha SOWEDO Organization oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha SOWEDO ayaa maanta galabnimadii booqasho rasmi ah ku tagay Al Nashaad Primary and Secondary School.
Booqashadan sharafka leh waxay ahayd mid lagu xoojinayo xiriirka waxbarasho iyo iskaashiga ka dhexeeya SOWEDO iyo dugsiga, iyadoo diiradda la saaray taageerada ardayda, kor u qaadista tayada waxbarashada, iyo dhiirrigelinta jiilka mustaqbalka.
Xubnaha SOWEDO waxay la kulmeen maamulka iyo ardayda dugsiga, iyagoo la wadaagay talooyin iyo dhiirrigelin ku saabsan dadaalka, akhlaaqda wanaagsan, iyo muhiimadda waxbarashada.
SOWEDO waxay mar walba u taagan tahay u adeegidda bulshada iyo garab istaagga ardayda Soomaaliyeed si loo dhiso mustaqbal ifaya. 🌱📚

19/04/2026

SOWEDO Organization waxay si sharaf leh u ogeysiinaysaa in qaar ka mid ah xubnaha ururka, oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha SOWEDO, ay galabta booqasho rasmi ah ku tagi doonaan Iskuulka Al-Nashaad Primary & Secondary School.
Booqashadan waxay qayb ka tahay dadaallada SOWEDO ee lagu xoojinayo horumarinta waxbarashada, dhiirrigelinta ardayda, iyo taageeridda dugsiyada Soomaaliyeed.
Inta lagu jiro booqashada, waxaa diiradda lagu saari doonaa:
Dhiirrigelinta ardayda iyo kor u qaadista hamigooda waxbarasho
La kulanka maamulka iyo macallimiinta iskuulka
Qiimeynta baahiyaha waxbarasho si loo helo taageero mustaqbalka
SOWEDO waxay aaminsan tahay in iskaashi iyo wadajir ay horseed u yihiin bulsho waxbarasho leh oo horumarsan.
📍Goobta: Al-Nashaad Primary & Secondary School
🕒 Waqtiga: Galabta
SOWEDO Organization – Horumarinta Waxbarashada & Daryeelka Bulshada

✨ JUMCA MUBAARAK ✨SOWEDO Organization waxay idiin rajaynaysaa Jimco barakeysan 🤲🌿 Ilaahay ha inaga aqbalo ducada🌿 Ha ina...
17/04/2026

✨ JUMCA MUBAARAK ✨
SOWEDO Organization waxay idiin rajaynaysaa Jimco barakeysan 🤲
🌿 Ilaahay ha inaga aqbalo ducada
🌿 Ha ina siiyo naxariis iyo kheyr badan
📿 Jimco wanaagsan dhammaantiin 💙💚

🌟 QEYB KA NOQO KHAYRKA WALAAL 🌟Somali Welfare Educational Organization (SOWEDO) waxay si joogto ah ugu taagan tahay horu...
13/04/2026

🌟 QEYB KA NOQO KHAYRKA WALAAL 🌟
Somali Welfare Educational Organization (SOWEDO) waxay si joogto ah ugu taagan tahay horumarinta waxbarashada iyo taageeridda bulshada, gaar ahaan dadka nugul ee u baahan garab istaag.
📚🤝 Waxaan ku martiqaadeynaa dhammaan bulshada inay ka qeyb qaataan howlaha samafalka ah ee aan fulinno, sida:
Qaybinta agabka waxbarashada
Taageeridda ardayda danyarta ah
Wacyigelinta bulshada
Horumarinta adeegyada waxbarasho
💙 Ka qeyb qaadashadaadu waxay noqon kartaa isbeddel dhab ah oo nolosha dad badan saameeya. Wadajir ayaan ku gaari karnaa bulsho waxbaratay oo is garab taagan.
👉 Noqo qof kaalin ka qaata khayrka – gacmaha is qabsada ayaa wax badan qabta.
📲 Kala soco boggayaga:
Facebook & Instagram: Somali Welfare Educational Organization
WhatsApp: +252-610480780

📢 SOWEDO ORGANIZATION – DEPARTMENT OF PROGRAMS🎓 SOWEDO NATIONAL EXAM PREPARATION PROGRAM 2026Ururka SOWEDO (Somali Welfa...
09/04/2026

📢 SOWEDO ORGANIZATION – DEPARTMENT OF PROGRAMS

🎓 SOWEDO NATIONAL EXAM PREPARATION PROGRAM 2026

Ururka SOWEDO (Somali Welfare Educational Organization) wuxuu ogeysiinayaa dhammaan ardayda Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa u diyaar garoobaya Imtixaanka Qaranka, in la qabanayo barnaamij gaar ah oo lagu xoojinayo aqoontooda laguna gaarsiinayo guul.
Barnaamijkan wuxuu diiradda saaraya dib-u-eegis casharro, hagid waxbarasho, iyo dhiirrigelin si ardaydu u gaaraan natiijooyin sare.
📌 Program Information
Date: Khamiis, 16-ka Abriil 2026
Time: 1:00 Duhurnimo (13:00)
Location: SYL University
Shift: Part-Time (Khamiis & Jimce)
Duration: 1 Month Only
Registration Fee required
Program Fee: Bilaash (Free)
📞 Contact: 0610480780 / 0621480780

📍 Ama nagu soo booqo xafiiskeena oo ku yaalla KPP, agagaarka Kariye Apartment
✨ Ha lumin fursaddan! Ka faa’iidayso barnaamij bilaash ah oo kaa caawinaya inaad si kalsooni leh ugu diyaar garowdo imtixaankaaga.

🌙 JUMCA MUBAARAK 🌙Ururka SOWEDO (Somali Welfare Educational Organization) wuxuu dhammaan ummadda Muslimiinta ah, gaar ah...
09/04/2026

🌙 JUMCA MUBAARAK 🌙
Ururka SOWEDO (Somali Welfare Educational Organization) wuxuu dhammaan ummadda Muslimiinta ah, gaar ahaan xubnaha, taageerayaasha, iyo saaxiibada ururka, u dirayaa hambalyo ku aaddan maalinta barakaysan ee Jumcada.
Jumcadu waa maalin fadli badan oo Alle (SWT) ku mannaystay addoomihiisa, waana maalin ay ku jirto saacad la aqbalo ducada. Aynu ka faa’iidaysanno maalintan barakaysan adigoo kordhinaya:
Akhrinta Suuratul Kahf
Salaadda Nabiga (NNKH)
Ducada iyo istighfaarka
Samaynta camal wanaagsan iyo is-caawinta bulshada
📿 “Qofkii ii soo dira hal salaad, Alle wuxuu u soo dirayaa toban naxariis.” – (Xadiis Saxiix ah)
SOWEDO waxay ku boorrinaysaa dhammaan bulshada Soomaaliyeed inay sii xoojiyaan midnimada, is-gargaarka, iyo taageerada waxbarashada si loo helo bulsho horumarsan oo ifaysa.
✨ Jumca Mubaarak!
Alle ha inaga aqbalo cibaadadeenna, hana inaga dhigo kuwii ka faa’iidaysta fadliga maalintan barakaysan. Aamiin.

🌍 SOWEDO Organization – Join Our Volunteers!✨ Isbeddelka bulshada wuxuu ka bilaabmaa adiga!SOWEDO Organization waxay fur...
06/04/2026

🌍 SOWEDO Organization – Join Our Volunteers!

✨ Isbeddelka bulshada wuxuu ka bilaabmaa adiga!
SOWEDO Organization waxay fursad u fidineysaa dhalinyarada doonaysa inay bulshada ku soo kordhiyaan wax tar, aqoon iyo isbeddel togan.

💪 Wada shaqeyn & Contribution:
Waxaan ku shaqeynaa nidaam iskaashi iyo gacan isku siin ah — qof walba wuxuu bulshada uga qaybqaataa fikir, wakhti iyo dadaal, si wadajir loo gaaro horumar iyo nolol ka wanaagsan.

🌱 Waxyaabaha aan qabanno waxaa ka mid ah:

Welfare Programs: Taageerada bulshada, gurmad bani’aadanimo, iyo horumarinta nolasha dadka danyarta ah.

Educational Activities: Wacyigelin, aqoon kororsi, iyo barnaamijyo waxbarasho oo loogu talagalay dhalinyarada iyo bulshada.

Community Engagement: Dadaallo lagu dhisayo midnimo, wadajir iyo bulsho firfircoon.

Social Development Projects: Mashaariic bulshada lagu horumarinayo iyo adeegyo muhiim ah.

🤝 Kusoo biir maanta oo qayb ka noqo isbeddelka!
Ku qor magacaaga, lambarkaaga iyo degmadaada, kadibna u dir WhatsApp:
📱 +252-621480780

📢 Registration is Now Open!🩸 Ma rabtaa inaad faham fiican ka hesho Blood Transfusion (Ku-shubista Dhiigga)?SOWEDO waxay ...
06/04/2026

📢 Registration is Now Open!
🩸 Ma rabtaa inaad faham fiican ka hesho Blood Transfusion (Ku-shubista Dhiigga)?
SOWEDO waxay kuu keentay Online Seminar muhiim ah oo kaa caawinaya inaad barato habka, badbaadada iyo muhiimadda dhiig ku shubista.
🎓 Topic: Blood Transfusion
🎤 Speaker: Dr. Abdimahad Dahir Hassan
📅 Date: 11 April 2026
⏰ Time: 8:00 PM
💻 Location: Google Meeting
💰 Registration Fee: $3
👉 Fursadani waa mid qiimo badan oo aad ku heli karto aqoon caafimaad oo muhiim ah + Certificate.
⚠️ Kuraasta waa xaddidan yihiin – ha seegin!
📲 Isdiiwaangeli hadda oo qeyb ka noqo seminar-kan:
📞 +252 610480780
SOWEDO – Empowering Education & Welfare

Ururka SOWEDO Organization waxa uu dib u bilaabayaa Barnaamijkii Sanadlaha ahaa ee Taageerada iyo Dhiirrigelinta Ardayda...
06/04/2026

Ururka SOWEDO Organization waxa uu dib u bilaabayaa Barnaamijkii Sanadlaha ahaa ee Taageerada iyo Dhiirrigelinta Ardayda Soomaaliyeed ee sanadkan u fariisanaya Imtixaanka Qaranka 2026.
Barnaamijkan muhiimka ah waxa uu diiradda saaraya taageeridda ardayda si ay u helaan diyaar-garow wanaagsan, dhiirrigelinta si ay u gaaraan guul sare, iyo hagid waxbarasho oo ka caawinaysa inay kalsooni buuxda ku galaan imtixaanka.
SOWEDO waxa ay markasta u taagan tahay horumarinta waxbarashada iyo garab istaagga ardayda Soomaaliyeed si ay u noqdaan jiil leh aqoon iyo karti.
Faahfaahinta waqtiga, goobta iyo diiwaangelinta waxa la soo gudbin doonaa dhawaan Insha Allah.

SOWEDO ORGANIZATION📢 Ku Biir SOWEDOBoggeenna Facebook-ga waxaa lagu soo bandhigaa waxqabadka Welfare iyo Educational ee ...
05/04/2026

SOWEDO ORGANIZATION

📢 Ku Biir SOWEDO

Boggeenna Facebook-ga waxaa lagu soo bandhigaa waxqabadka Welfare iyo Educational ee ay xubnaha SOWEDO qabtaan.

Waxaan u baahanahay xubno nagala qeyb qaata hawlaha samafal iyo tabarucaadka.

Si aad uga mid noqoto, fadlan ka buuxi foomka diiwaangelinta adigoo adeegsanaya linkiga hoose:
🔗 https://forms.gle/9XVekAmzPUhm6TNY7

Marka aad buuxiso foomka, si toos ah ayaa lagula soo xiriiri doonaa.

Ku soo biir SOWEDO maanta oo ka mid noqo isbeddelka bulshada. 🌿

Jumu’ah Mubarak 🌙SOWEDO Organization waxay hambalyo iyo duco u diraysaa dhammaan ummadda Muslimiinta, gaar ahaan xubnahe...
26/03/2026

Jumu’ah Mubarak 🌙

SOWEDO Organization waxay hambalyo iyo duco u diraysaa dhammaan ummadda Muslimiinta, gaar ahaan xubnaheeda qiimaha leh.

Maalinta Jimcaha waa maalin barakeysan oo fadli badan leh, waa fursad aynu ku xoojino cibaadadeena, isu naxariisanno, una duceyno nafteena iyo bulshada inteeda kale.

🤲 Ilaahay ha inaga aqbalo camalkeena wanaagsan
🤲 Ha inaga yeelo kuwii is caawiya oo wanaagga faafiya
🤲 Ha barakeeyo howlaha samafal ee aan u hayno bulshada

Jumu’ah Mubarak dhammaan!
SOWEDO Organization

“SOWEDO Organization waxay u taagan tahay horumarinta waxbarashada iyo taageeridda bulshada. Qeyb ka noqo khayrka walaal...
25/03/2026

“SOWEDO Organization waxay u taagan tahay horumarinta waxbarashada iyo taageeridda bulshada. Qeyb ka noqo khayrka walaal, oo la garab istaag dadaallada waxbarasho ee mustaqbalka ifaya dhisaya.”

Address

Mogadishu

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Somali welfare Educational Organization posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share