09/09/2026
Waxaan booqasho ku tagnay Xarunta Barashada Xirfadaha ee Sanca Disability Center iyo Dugsiga Al-Bashiir, kuwaas oo ka mid ah xarumaha ay taageerto Hay’adda Yasmin Foundation.
Booqashada waxaa hoggaaminayay Mudane Cabdullaahi Xaamud, oo ka tirsan Guddiga Sare ee Hay’adda Yasmin Foundation, iyo Marwo Mariam Maxamuud Bulle, Maamulaha Guud ee Hay’adda Yasmin Foundation. Sidoo kale, waxaa nagu wehliyay Mudane Zakariye Ibraahim Al-Bakri, Maamulaha Hay’adda Oman Charitable Organization ee Soomaaliya.
Ujeeddada booqashadu waxay ahayd in si dhow loogu kuurgalo xaaladda xarumahan iyo baahiyaha jira, si loo xoojiyo taageerada ay u baahan yihiin, gaar ahaan dhinacyada waxbarashada, barashada xirfadaha iyo taageerada dadka baahiyaha gaarka ah qaba.
Waxaan si weyn ugu mahadcelinaynaa Hay’adda Oman Charitable Organization taageerada iyo garab istaagga ay la garab taagan tahay bulshadeenna. Taageerada noocan ah waxay door muhiim ah ka qaadataa horumarinta adeegyada bulshada iyo abuurista fursado wanaagsan oo ay ka faa’iideystaan dadka u baahan taageerada.
Taageer Hadafkeenna, Sadaqo Baxso Maanta.
https://yasminfoundationusa.org/donation/