Garaad-Maal Organization GMO

Garaad-Maal Organization GMO Garaad-Maal Organisation for Education & Awareness. Ururka Waxbarashada iyo Wacyi-gellinta ee GARAAD-MAAL.
جمعية جراد-مال للتعليم والتوعية.

16/04/2026
𝗠𝗔𝗚𝗔𝗖𝗔𝗔𝗕𝗜𝗦 𝗚𝗨𝗗𝗢𝗢𝗠𝗜𝗬𝗘 𝗞𝗨 𝗠𝗘𝗘𝗟 𝗚𝗔𝗔𝗥 𝗔𝗛𝗠𝘂𝗾𝗱𝗶𝘀𝗵𝗼, 𝟬𝟮 𝗔𝗯𝗿𝗶𝗶𝗹 𝟮𝟬𝟮𝟲: Xubnaha Ururka Waxbarashada iyo Wacyi-gellinta ee Garaad-M...
02/04/2026

𝗠𝗔𝗚𝗔𝗖𝗔𝗔𝗕𝗜𝗦 𝗚𝗨𝗗𝗢𝗢𝗠𝗜𝗬𝗘 𝗞𝗨 𝗠𝗘𝗘𝗟 𝗚𝗔𝗔𝗥 𝗔𝗛
𝗠𝘂𝗾𝗱𝗶𝘀𝗵𝗼, 𝟬𝟮 𝗔𝗯𝗿𝗶𝗶𝗹 𝟮𝟬𝟮𝟲: Xubnaha Ururka Waxbarashada iyo Wacyi-gellinta ee Garaad-Maal ayaa kulan ay maanta ku yeesheen Magaalada Muqdisho waxay si wadajir ah Guddoomiye ku-meel-gaar ah ugu doorteen𝗠𝘂𝗱𝗮𝗻𝗲 𝗙𝗮𝗿𝘅𝗮𝗮𝗻 𝗠𝗮𝘅𝗮𝗺𝗲𝗱 𝗜𝗶𝗺𝗮𝗮𝗻. Mudanahan ayaa horey u soo hoggaamiyey ururka muddadii u dhaxeysay 02 Oktoober 2020 ilaa 07 Oktoober 2022, xilli uu ururku sameeyey horumar muuqda oo dhinacyada waxbarashada iyo wacyi-gelinta iyo taakulleynta bulshada ah.
Doorashadan ayaa timid kaddib wadatashi dheer oo dhex maray xubnaha ururka, iyagoo ku saleeyey go’aankooda khibradda, hufnaanta, iyo hoggaaminta wanaagsan ee uu Mudane Farxaan horey u muujiyey. Intii uu xilka hayey, wuxuu door muhiim ah ka qaatay kobcinta barnaamijyada waxbarasha, hirgelinta ololeyaal wacyi-gelin ah iyo taakulleynta bulshada danyarta ah taas oo saameyn togan ku yeeshay bulshada.
Guddoomiyaha la doortay ayaa sidoo kale ururka kaga soo qabtay xilal kala duwan oo ay kamid yihiin Madaxa Waxbarashada iyo Madaxa Tababarada iyo Wacyi-gelinta, taasoo muujineysa aqoontiisa iyo kartidiisa ku aaddan horumarinta awoodda xubnaha iyo bulshada. Intaa waxaa dheer, wuxuu laf-dhabar u ahaa howlaha ururka tan iyo aasaaskiisii, isagoo door muuqda ku lahaa sii jiritaankiisa iyo horumarkiisa muddada toban sano ka badan ee uu ururku shaqeynayey.
Xubnaha ururka ayaa rajo weyn ka qaba in Guddoomiyaha cusub uu sii xoojiyo howlaha ururka isla markaana uu bilaabo qorsheyaal cusub oo wax ku ool ah, si loo gaaro himilooyinka fog ee ururka. Waxaa sidoo kale laga sugayaa inuu dardar geliyo wada shaqeynta, kor u qaado tayada barnaamijyada waxbarasho, isla markaana xoojiyo xiriirka ururka la leeyahay bulshada iyo hay’adaha kale ee la shaqeeya.
Gebagebadii, magacaabistan ayaa loo arkaa mid muhiim u ah mustaqbalka ururka, iyadoo la rajeynayo in Gudoomiyaha cusub uu keeno horumar la taaban karo iyo guulo waaweyn oo waxtar u leh bulshada. Ururka Garaad-Maal wuxuu markale xaqiijinayaa sida uu uga go’an yahay horumarinta waxbarashada, wacyi-gelinta iyo garab istaaga bulshada, iyadoo la adeegsanayo hoggaan karti iyo khibrad leh.
— 𝐃𝐇𝐀𝐌𝐌𝐀𝐀𝐃—

Ciid Wanaagsan Dhammaan Ummada Soomaaliyeed
19/03/2026

Ciid Wanaagsan Dhammaan Ummada Soomaaliyeed

Xafladda Dabaal-degga Sanad-guurada 10aad ee kasoo Wareegatay Aasaaska Ururka Garaad-Maal sidoo kalene Shahaadooyinkoodi...
11/01/2026

Xafladda Dabaal-degga Sanad-guurada 10aad ee kasoo Wareegatay Aasaaska Ururka Garaad-Maal sidoo kalene Shahaadooyinkoodii lagu gudoonsiinayey Ardayda Dufcada 7aad ee ka qalin-jebisay barashada Xirfadda Cilaan Saarka.
Waan u mahad celineynaa dhammaan Marti Sharafkii qiimaha badnaa ee munaasabadda nagala soo qeyb galay.
Waxaan leenahay:
- Milgihii aad u qalanteen
- Iyo Maamuuskiinii Wacnaa
- Mudnaantii aad lahaydeen
- Meydaan helin
- Ee malaayiin jeer
- Mudanayaal raali ahaada
Mahadsanidiin
Hambalyo... Hambalyo...

[2016---2026] 10 Sanno Waxqabad iyo Adeeg Bulsho oo Xiriir ah.

#2026



Address

Mogadishu

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Garaad-Maal Organization GMO posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Garaad-Maal Organization GMO:

Share