05/06/2026
Maanta oo Jimco ah 05/06/2026, waxaa magaalada Muqdisho lagu qabtay kulan dib-u-heshiisiin oo dhexmaray walaalaha beelaha Jiilaale ee deegaannada Sabiid iyo Caanoole ee Degmada Afgooye, kana wada tirsan Beesha Hintire Baalcadde.
Kulanka oo ay soo qabanqaabiyeen Midowga Walaalaha Tolka Eerible -Cuskadeen- ayaa lagu soo afjaray dhammaan khilaafaadyadii jiray, iyadoo la isku raacay in wixii dhib iyo dheef ah ee deegaannada soo gaara si siman oo wadajir ah looga wada qaybqaato.
Sidoo kale, waxaa la isla qaatay muhiimadda mideynta iyo dib u soo celinta wadajirka beesha faca weyn ee Hintire Baalcadde, kuwaas oo ay saameyn ku yeesheen khilaafaadyo siyaasadeed oo muddo soo jiitamayay.
Gunaanadkii kulanka, Guddoomiyaha Tolka Eerible ee Gobolka Banaadir, Dr Sayid Ali ayaa jeediyay dardaaran qiimo badan, isagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda midnimada, wadajirka, is-ixtiraamka iyo isku duubnida bulshada, si loo xaqiijiyo nabad waarta, horumar iyo awood bulsho oo mideysan.
Midnimo waa tiirka horumarka, wadajirna waa furaha guusha.
Maamulka