Ajuran Forum

Ajuran Forum Ajuran Forum waa madal aragti wadaag ah oo lagu uruuriyo fikradaha iyo afkaarta bulshada...

15/08/2026

Muuqaal kooban oo ku saabsan kulankii 2-aad ee Madasha Aqoonyahannada Ajuuraan.

SHALEY WAXAA INOO QABSOOMAY KULANKII LABAAD EE MADASHA AQOONYAHANNADA AJUURAAN OO AY ISKU YIMAADEEN KU DHAWAAD 50 AQOONY...
15/08/2026

SHALEY WAXAA INOO QABSOOMAY KULANKII LABAAD EE MADASHA AQOONYAHANNADA AJUURAAN OO AY ISKU YIMAADEEN KU DHAWAAD 50 AQOONYAHAN OO REERKA AH

Muqdisho, Soomaaliya- 14 Agoosto, 2026: Kulanka Madasha Aqoonyahannada Ajuuraan wuxuu noqday mid taariikhi ah, kaas oo ay si mug leh uga qayb qaateen aqoonyahannada, saraakiisha, Dhaqaatiirta, Bahda Waxbarashada, Sharci yaqaanada, Agaasimayaasha iyo mas'uuliyiinta reerka.

Kulanka waxaa si qoto dheer loogu falanqeeyay shanta ajande ee mudnaanta u leh madasha, iyadoo si gaar ah diiradda loo saaray labada ajande ee laf-dhabarta u ah qorshaheenna kuwaas oo kala ah:

šŸ“š Horumarinta waxbarashada iyo kobcinta aqoonta bulshada.

šŸ“– Dib-u-ururinta, qorista iyo ilaalinta Taariikhda Boqortooyada Ajuuraan.

Waxa ugu farxadda badan ee ka soo baxay kulanka ayaa ah in 50 arday ay heleen ballanqaad waxbarasho oo bilaash ah oo ay kaga faa'iidaysan doonaan jaamacadaha dalka
Sidoo kale, 60 arday oo kale ayaa loo diyaariyey fursado ay ku baran doonaan xirfado kala duwan muddo kooban, maadaama xirfaduhu ay door weyn ku leeyihiin helitaanka fursadaha shaqo iyo dhismaha mustaqbalka dhallinyaradda.

Tani waa guul weyn oo muujinaysa in marka aqoonta, waayo-aragnimada iyo himiladu ay kulmaan ay suurtagal tahay in la abuuro isbeddel dhab ah oo bulshada waxtar u leh
Safarkeenna halkaan kuma eka.

Dadaallada lagu mideynayo aqoonyahannada reerka waa lasii laba jibbaari doonaa si loo helo madal ay ku mideysan yihiin haldoorka bulshada, loona abuuro fursado cusub oo ay ka faa'iidaystaan jiilasha maanta iyo kuwa soo socda.

Waxaan hiigsaneynaa inaan gaarno yoolkeenna ah mideynta 1,000 aqoonyahan oo u dhashay Boqortooyada Ajuuraan waxaan aaminsannahay in ilaalinta taariikhda, horumarinta waxbarashada iyo mideynta aqoonyahannadu ay yihiin tiirarka lagu dhisi karo bulsho awood leh oo leh aragti fog.

Aqoonta oo maanta la maalgashado waa horumarka berri.

Madasha Ajuran Forum waxay hambalyo iyo bogaadin u diraysaa Mudane Abdirahman Abdikadir Nunow, oo loo magacaabay Wasiirk...
11/07/2026

Madasha Ajuran Forum waxay hambalyo iyo bogaadin u diraysaa Mudane Abdirahman Abdikadir Nunow, oo loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Magacaabistan waxay ka tarjumaysaa kalsoonida lagu qabo aqoontiisa, kartidiisa hoggaamineed iyo doorka uu ka qaadan karo horumarinta deegaanka, ilaalinta khayraadka dabiiciga ah iyo la tacaalidda caqabadaha isbeddelka cimilada.

Sidoo kale, magacaabistan waxay leedahay qiime taariikhi ah, maadaama ay astaan u tahay waddo cusub oo u furantay bulshada uu ka soo jeedo Wasiirka. waa markii ugu horreysay oo ay Boqortooyada Ajuuraan hesho Xil Wasiir Buuxa ah oo ka tirsan Dowladda Koonfur Galbeed

Madasha Ajuran Forum waxay rajaynaysaa in Wasiir Cabdiraxmaan Cabdulqaadir Nuunow uu xilkiisa ku guto hufnaan, daacadnimo iyo karti, kana tago raad wanaagsan oo wax ku ool ah isagoo u adeegaya shacabka iyo horumarka Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya

Waxaan Alle SWT uga baryeynaa inuu ku garab galo gudashada mas'uuliyadda culus ee loo igmaday.


Hambalyo iyo BogaadinMadasha Ajuran Forum waxay hambalyo iyo bogaadin u diraysaa 15-ka dhallinyaro ee ku sugan Magaalada...
11/07/2026

Hambalyo iyo Bogaadin

Madasha Ajuran Forum waxay hambalyo iyo bogaadin u diraysaa 15-ka dhallinyaro ee ku sugan Magaalada Kismaayo kuwaas oo dadaal iyo dulqaad dheer kadib ku guuleystay inay dhammaystaan Heerka Koowaad ee Jaamacadda (Bachelor's Degree).

Guushan waa guul usoo hoyatay qoysaskooda, bulshada ay ka dhasheen iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed Waxay muujiyeen adkeysi, dadaal, karti iyo himilo sare oo horseeday inay gaaraan heerkan muhiimka ah ee aqoonta.

Waxaan ku bogaadinaynaa sida ay uga gudbeen caqabadihii waxbarashada iyagoo rumaystay in aqoontu tahay furaha horumarka iyo iftiinka mustaqbalka Waxaan rajaynaynaa in aqoontooda ay uga faa'iideyn doonaan dalkooda, dadkooda iyo jiilasha soo koraya, kana mid noqon doonaan hormuud wax ku biiriya dib-u-dhiska iyo horumarka bulshada.

Sidoo kale, Madasha Ajuran Forum waxay mahadnaq iyo bogaadin gaar ah u jeedinaysaa Xildhibaan Mowliid Abdi Mohamud, oo kanaalin muuqata ka qaatay sidii 15-kan arday ay u heli lahaayeen fursaddan waxbarasho

Ugu dambeyn, waxaan Alle SWT uga baryeynaa ardayda qalin-jabisay inuu u waasiciyo cilmigooda.


10/07/2026

Kulankii 1-aad, ee iskugu yimaadeen Aqoonyahannada, Saraakiisha iyo Mas’uuliyiinta Boqortooyada Ajuuraan ayaa si guul iyo is-afgarad leh uga qabsoomay magaalada Muqdisho.

Kulankani ma ahayn oo keliya fadhi ay dad isugu yimaadeen wuxuu ahaa bilow cusub oo ay isku garab istaageen dad aqoon, waayo-aragnimo, masuuliyad iyo damiir bulsho leh kuwaas oo mideeyey aragtidooda ku aaddan jihaynta, horumarinta iyo isku haynta reerka Ajuuraan.

Waxaa si qoto dheer looga wada hadlay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo walaaltinimada, is-aaminaadda, is-ixtiraamka iyo wada-tashiga. Waxaa kale oo la isku raacay in jiil kasta gaar ahaan Aqoonyahannada, Dhallinyaradda, Ganacsatada, Odayaasha iyo Mas’uuliyiinta reerku ay qaataan doorkooda ku aaddan ilaalinta taariikhda, dhaqanka, karaamada iyo mustaqbalka Boqortooyada Ajuuraan.

Bulsho kasta waxa ay xoogaysataa marka ay isku tashato, marka ay aqoonyahannadeedu hagaan, marka ay dhalinyaradeedu firfircoonaadaan, marka ay odayaashu talo iyo tusaale noqdaan, isla markaana ay masuuliyiinteedu u adeegaan danaha guud.

Kulankani wuxuu xambaarsan yahay fariin cad taas oo ah: ā€œAjuuraan waxa uu u baahan yahay midnimo dhab ah, jihayn cad, wada-tashi joogto ah iyo hawlgal ku saleysan waxqabadā€.

Waxaan rajaynaynaa in kulamadan ay noqdaan dariiq lagu dhiso isku xirnaan, lagu kobciyo kalsoonida, laguna diyaariyo qorshe mideysan oo u adeegaya horumarka, sharafka iyo mustaqbalka reerka Ajuuraan.

Midnimo, wadajir iyo jihayn sax ah waa furaha horumarka Boqortooyada Ajuuraan.







21/06/2026

Madaxweynihii 7aad ee dalka Mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa Dhallinyarada Boqortooyada Ajuuraan ugu mahad celiyay taageerada iyo garab istaaga ay u muujiyeen,

Madaxweynaha ayaa goobta ka qiray in Boqortooyada magaca Qaranka lagu dulmiyay waxa uuna ka muujiyay garowshiiyo iyo raali gallin oo uu u jeediyay guud ahaan Boqortooyada,

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa ka dhawaajiyay in uu kamid yahay dadka ku abtirsada Boqortooyada faca weyn ee Ajuuraan dulmiga ku dhacayna uu yahay waxaanan soo laaban doonin.


21/06/2026

Kulankii weynaa ee Dhallinyarada Boqortooyada Ajuuraan iyo Madaxweynii 7aad ee dalka Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Kulanka dhallinyaradda Boqortooyada Ajuuraan iyo Madaxweynihii 7-aad ee dalka Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
20/06/2026

Kulanka dhallinyaradda Boqortooyada Ajuuraan iyo Madaxweynihii 7-aad ee dalka Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

19/06/2026

Boqortooyada Ajuuraan ayaa kulan taageero, garab istaag iyo duco ah la yeelatay Madaxweynihii 7-aad ee dalka Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed. Kulanka ayaa lagu muujiyay midnimo iyo taageero, waxaana Madaxweynaha loo saaray shaal sharaf oo astaan u ah qaddarin iyo maamuus.

HAMBALYO IYO TAAGEERO Abdirahman Abdikadir Nunow Iyo Abdi Ahmed Qasim Labada Xildhibaan ee matalaya Beesha Boqortooyada ...
28/03/2026

HAMBALYO IYO TAAGEERO

Abdirahman Abdikadir Nunow Iyo Abdi Ahmed Qasim Labada Xildhibaan ee matalaya Beesha Boqortooyada Ajuuraan ee kamid noqday Baarlamaanka 3-aad ee Koonfur Galbeed Soomaaliya

Anagoo ah Aqoonyahanka, Waxgaradka iyo Dhallinyarada ku mideysan Madasha Ajuuraan Forum, waxaan halkaan hambalyo iyo bogaadin uga direynaa labada xildhibaan ee loo doortay in ay Beesha Boqortooyada Ajuuraan ku matalaan Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Waxaan si kal iyo laab ah u soo dhaweyneynaa doorashadiina, annagoo aaminsan in aad tihiin masuuliyiin leh karti, hufnaan iyo damiir qaran oo ka shaqeyn kara danaha guud ee bulshada iyo horumarka deegaannada Koonfur Galbeed.

Ugu dambeyn, waxaan idiin xaqiijineynaa in Madasha Ajuuraan Forum ay idinla garab taagan tahay taageero, talo iyo wadashaqeyn si loo gaaro himilooyinka la wada leeyahay.

Address

Makka Al Mukarama Road
Mogadishu

Telephone

+252614238701

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Ajuran Forum posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Ajuran Forum:

Shortcuts

Share