16/01/2026
Dhalinyaro ka socotay Ururka Horumarinta Dhalinyarada degmada afgoye ayaa si firfircoon uga qayb qaatay olole nadaafadeed, kaas oo lagu qabtay degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose.
Nadaafada ayaa diiradda lagu saaray doorka dhalinyarada ee degmada afgooye ayaa waxa uu fursad u siiyay dhalinyarada. Afgoi community development organization (ACDO). inay la wadaagaan fikradahooda iyo khibradooda ku aaddan horumarinta bulshada iyo xoojinta ka qaybqaadashada nadaafada dhalinyarada ee degmada afgooye.
Ka qaybqaadashada dhalinyarada ACDO ee ololaha nadaafada ayaa muujinaysa sida ay uga go'an tahay inay kaalin mug leh ka ciyaaraan horumarka degmada , iyagoo xoojinaya muhiimadda ay leedahay in dhalinyaradu ay noqdaan udub dhexaadka iyo horumarka degamada.