Madasha Gobsoor

Madasha Gobsoor Madasha Gobsoor, waa madal u taagan isdhex-galka bulshada, dhowridda deegaanka, dhaqanka & hiddaha.

Permanently closed.
Madasha Gobsoor waxay soo bandhigaysaa daraasad cilmiyeed oo ku saabsan: โ€œ๐—ฆ๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐—ฒ๐˜†๐—ป๐˜๐—ฎ ๐—ฎ๐˜† ๐˜๐—ถ๐—ถ๐—ฟ๐—ฎ๐—ฎ๐—ป๐˜†๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐˜€๐—ผ๐—ผ ๐—ท๐—ถ๐—ฟ๐—ฒ๐—ฒ๐—ป๐—ธ๐—ฎ ๐—ฎ๐—ต ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐˜...
08/08/2026

Madasha Gobsoor waxay soo bandhigaysaa daraasad cilmiyeed oo ku saabsan: โ€œ๐—ฆ๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐—ฒ๐˜†๐—ป๐˜๐—ฎ ๐—ฎ๐˜† ๐˜๐—ถ๐—ถ๐—ฟ๐—ฎ๐—ฎ๐—ป๐˜†๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐˜€๐—ผ๐—ผ ๐—ท๐—ถ๐—ฟ๐—ฒ๐—ฒ๐—ป๐—ธ๐—ฎ ๐—ฎ๐—ต ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐˜๐—ถ๐˜…๐—ด๐—ฒ๐—น๐—ถ๐—ป ๐—น๐—ฎโ€™๐—ฎ๐—ฎ๐—ป๐˜๐—ฎ ๐—ฑ๐—ต๐—ฎ๐—น๐—น๐—ถ๐—ป๐˜†๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ฑ๐˜‚ ๐—ธ๐˜‚ ๐—น๐—ฒ๐—ฒ๐˜†๐—ถ๐—ต๐—ถ๐—ถ๐—ป ๐˜๐—ฎ๐—ต๐—ฟ๐—ถ๐—ถ๐—ฏ๐—ธ๐—ฎ.โ€

Daraasaddu waxay si gaar ah u iftiiminaysaa caqabadaha ay dhallinyaradu wajahaan, doorka caadooyinka soo jireenka ah, iyo sida tixgelin laโ€™aanta baahiyaha iyo rabitaanka dhallinyaradu uga qayb qaadan karto tahriibka.

Madasha Gobsoor waxay hambalyo iyo bogaadin u diraysaa Agaasimaha Waaxda Horumarinta Arrimaha Bulshada, Zaynab Aadan Cab...
27/07/2026

Madasha Gobsoor waxay hambalyo iyo bogaadin u diraysaa Agaasimaha Waaxda Horumarinta Arrimaha Bulshada, Zaynab Aadan Cabdi, iyo Agaasimaha Waaxda Abaabulka iyo Maamuuska, Khadiija Cali Abuuukar, oo lagu abaalmariyey dadaalkooda iyo kaalintooda ku aaddan Ololaha Nadaafadda Xeebaha iyo Wacyigelinta Deegaanka, oo sanadkan u dabaaldegaya sannad-guuradiisii shanaad.

Madasha Gobsoor waxay taageero buuxda u muujinaysaa Ololaha Nadaafadda Xeebaha iyo Wacyigelinta Deegaanka, oo shan sano ka shaqaynayay nadaafadda, ilaalinta deegaanka iyo wacyigelinta bulshada. Waxaan bogaadinaynaa dhammaan intii ka qaybqaadatay ololahan, waxaana ku dhiirrigelinaynaa in la sii wado dadaallada lagu ilaalinayo nadaafadda iyo bilicda deegaankeenna.

๐— ๐—”๐—š๐—”๐—–๐—”๐—”๐—•๐—œ๐—ฆ ๐—”๐—š๐—”๐—”๐—ฆ๐—œ๐— ๐—”๐—ฌ๐—”๐—”๐—ฆ๐—›๐—” ๐—ช๐—”๐—”๐—ซ๐—ฌ๐—”๐—›๐—” ๐— ๐—”๐——๐—”๐—ฆ๐—›๐—” ๐—š๐—ข๐—•๐—ฆ๐—ข๐—ข๐—ฅHoggaanka Sare ee Madasha Gobsoor, kadib qiimeyn, la-tashiyo iyo falan...
29/05/2026

๐— ๐—”๐—š๐—”๐—–๐—”๐—”๐—•๐—œ๐—ฆ ๐—”๐—š๐—”๐—”๐—ฆ๐—œ๐— ๐—”๐—ฌ๐—”๐—”๐—ฆ๐—›๐—” ๐—ช๐—”๐—”๐—ซ๐—ฌ๐—”๐—›๐—” ๐— ๐—”๐——๐—”๐—ฆ๐—›๐—” ๐—š๐—ข๐—•๐—ฆ๐—ข๐—ข๐—ฅ

Hoggaanka Sare ee Madasha Gobsoor, kadib qiimeyn, la-tashiyo iyo falanqeyn ballaaran oo ku saabsan horumarinta hannaanka shaqo iyo tayeynta adeegyada madasha, waxa uu si rasmi ah u magacaabay Agaasimayaasha Waaxyaha kala duwan ee Madasha Gobsoor, si loo xoojiyo maamulka, isla markaana loo dardargeliyo howlaha muhiimka ah ee madasha.

Magacaabistan waxay qeyb ka tahay qorshaha dib-u-habeynta iyo horumarinta howlaha Madasha Gobsoor, iyadoo diiradda la saarayo: Xoojinta wada-shaqeynta gudaha, Hufnaanta maamulka iyo isla xisaabtanka, Sare u qaadidda waxqabadka waaxyaha, iyo u adeegidda bulshada si hufan oo waxtar leh.

Hoggaanka Madasha Gobsoor waxa uu ugu hambalyeynayaa Agaasimayaasha cusub xilalka loo igmaday, isaga oo ku boorrinaya inay si daacadnimo, karti iyo masโ€™uuliyad leh uga soo dhalaalaan waajibaadka qaran iyo kuwa bulsho ee loo xilsaaray.

Ciid Wanaagsan Madasha Gobsoor waxay hambalyada Ciidda Carrafo la wadaagaysaa guud ahaan Muslimiinta gaar ahaan Ummadda ...
26/05/2026

Ciid Wanaagsan

Madasha Gobsoor waxay hambalyada Ciidda Carrafo la wadaagaysaa guud ahaan Muslimiinta gaar ahaan Ummadda Soomaaliyeed.

Waxaan idin leenahay samo ku ciida.

Hoggaanka Sare ee Madasha Gobsoor, kadib qiimeyn iyo la-tashiyo ballaaran, waxa uu si rasmi ah u magacaabay Guddoomiye K...
23/05/2026

Hoggaanka Sare ee Madasha Gobsoor, kadib qiimeyn iyo la-tashiyo ballaaran, waxa uu si rasmi ah u magacaabay Guddoomiye Ku-xigeenka Madasha Gobsoor Amal Abdullahi Ahmed, si loo xoojiyo hannaanka hoggaamineed iyo dardargelinta howlaha muhiimka ah ee madasha.

Magacaabistan waxay qeyb ka tahay qorshaha dib-u-habeynta iyo horumarinta howlaha Madasha Gobsoor, iyadoo la adkeynayo wada-shaqeynta, hufnaanta maamulka, iyo u adeegidda bulshada.

๐——๐—”๐—”๐—›๐—™๐—จ๐—ฅ๐—ž๐—” ๐——๐—œ๐—œ๐—ช๐—”๐—”๐—ก๐—š๐—˜๐—Ÿ๐—œ๐—ก๐—ง๐—” ๐—ซ๐—ข๐—š-๐——๐—›๐—ข๐—ช๐—ฅ๐—”๐—›๐—” ๐—œ๐—ฌ๐—ข ๐—ซ๐—ข๐—š-๐—”๐——๐—˜๐—˜๐—š๐—ฆ๐—”๐——๐—”๐—›๐—”Madasha Gobsoor ayaa ka qeyb gashay munaasabadda diiwaangelinta...
20/05/2026

๐——๐—”๐—”๐—›๐—™๐—จ๐—ฅ๐—ž๐—” ๐——๐—œ๐—œ๐—ช๐—”๐—”๐—ก๐—š๐—˜๐—Ÿ๐—œ๐—ก๐—ง๐—” ๐—ซ๐—ข๐—š-๐——๐—›๐—ข๐—ช๐—ฅ๐—”๐—›๐—” ๐—œ๐—ฌ๐—ข ๐—ซ๐—ข๐—š-๐—”๐——๐—˜๐—˜๐—š๐—ฆ๐—”๐——๐—”๐—›๐—”

Madasha Gobsoor ayaa ka qeyb gashay munaasabadda diiwaangelinta Xog-dhowraha iyo Xog-adeegsadaha, oo ay soo qabanqaabisay Hayโ€™adda Dhowrista Xogta Dadweynaha DPA, taas oo qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo ilaalinta xogta shakhsiga ah iyo horumarinta nidaamka dowladnimada dijitaalka ah ee dalka.

Munaasabadda daahfurka waxaa kasoo qeyb galay wasiirro katirsan xukuumadda, madax ka socotay hayโ€™adaha dowladda iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, kuwaas oo bogaadiyay muhiimadda ay leedahay hirgelinta hannaan mideysan oo lagu maareeyo, laguna ilaaliyo xogta dadweynaha, xilli uu dalku ku jiro marxalad ballaaran oo dhanka tiknoolojiyadda iyo adeegyada dijitaalka ah ah.

Madasha Gobsoor faraceeda Jubbaland ayaa kulan dood-wadaag ah oo ku saabsan kaalinta dhallinyarada ee arrimaha bulshada ...
16/04/2026

Madasha Gobsoor faraceeda Jubbaland ayaa kulan dood-wadaag ah oo ku saabsan kaalinta dhallinyarada ee arrimaha bulshada ku qabatay magaalada Kismaayo, Doodda ayaa si gaar ah diiradda u saartay doorka dhallinyarada ee horumarinta bulshada, ka qaybqaadashada goโ€™aan-qaadashada, iyo muhiimadda ay u leeyihiin nabadda iyo horumarka.

Kulanka waxaa ka qaybgalay Guddoomiyaha guud ee Gobsoor, Xawari Bashi, Guddoomiyaha Dhallinyarada Jubbaland, Guddoomiyaha Dhallinyarada Degmada Kismaayo, Agaasimaha Ururka SYL, arday ka socday iskuullo iyo jaamacado, aqoonyahanno iyo dhallinyaro kale.

Alle mahadiis waxaa si nabad ah inoogu qabsoomay kulan dalxiis iyo isdhex-galka hogaanka, qaar ka mid xubnaha iyo saaxii...
03/04/2026

Alle mahadiis waxaa si nabad ah inoogu qabsoomay kulan dalxiis iyo isdhex-galka hogaanka, qaar ka mid xubnaha iyo saaxiibada Madasha Gobsoor.

Qaar ka mid ah xubnaha Madasha Gobsoor ayaa si wadajir ah ugu ciiday magaalada Muqdisho.
20/03/2026

Qaar ka mid ah xubnaha Madasha Gobsoor ayaa si wadajir ah ugu ciiday magaalada Muqdisho.

Madasha Gobsoor waxay hambalyada Ciidul Fidriga si diirran ugu diraysaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo ummadda Musli...
19/03/2026

Madasha Gobsoor waxay hambalyada Ciidul Fidriga si diirran ugu diraysaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo ummadda Muslimiinta ah meel kasta ay joogaan.

Munaasabaddan barakeysan awgeed, waxaan Alle SWT uga baryeynaa inuu naga wada aqbalo soonkii, salaaddii, iyo acmaashii suubbanaa ee aynu soo gudannay bishii barakeysnayd ee Ramadaan, isla markaana uu dalkeenna iyo dadkeenna nooga dhigo nabad waarta, barwaaqo iyo midnimo.

Address

Maka Almukarama Street
Mogadishu
252

Telephone

+252618609540

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Madasha Gobsoor posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Madasha Gobsoor:

Shortcuts

Share