Somali Youth Movement Organization - SOYMO

Somali Youth Movement Organization - SOYMO Bogga rasmiga ah ee Facebook Ururka dhaqdhaqaaqa dhalinyarada Somaliyed ee SOYMO.

Guddoomiye Ku-xigeenka Ururka Dhaqdhaqaaqa Dhallinyarada Soomaaliyeed (SOYMO), Marwo Mariam Ali Hassan, waxay hambalyo i...
08/03/2026

Guddoomiye Ku-xigeenka Ururka Dhaqdhaqaaqa Dhallinyarada Soomaaliyeed (SOYMO), Marwo Mariam Ali Hassan, waxay hambalyo iyo bogaadin u diraysaa dhammaan haweenka caalamka, gaar ahaan haweenka Soomaaliyeed, munaasabadda Maalinta Haweenka Adduunka. Maanta waa maalin lagu xuso doorka weyn ee haweenku ku leeyihiin horumarka bulshada, nabadda iyo dhismaha mustaqbalka. Haweenka Soomaaliyeed waa laf-dhabarta qoyska iyo bulshada, waxayna mar walba muujiyaan adkaysi, geesinimo iyo karti. Waxaan u rajaynaynaa dhammaan haweenka caafimaad, guul iyo horumar joogto ah.

Happy International Women’s Day.
SOYMO 🇸🇴

Guddoomiye Ku-xigeenka Ururka Dhaqdhaqaaqa Dhallinyarada Soomaaliyeed SOYMO, Marwo Maryan Ali Hassan, ayaa qabatay barna...
31/12/2025

Guddoomiye Ku-xigeenka Ururka Dhaqdhaqaaqa Dhallinyarada Soomaaliyeed SOYMO, Marwo Maryan Ali Hassan, ayaa qabatay barnaamijka Empowering Young Women Strategic Financial Literacy for Sustainable Success , kaas oo si gaar ah loogu talagalay gabdhaha dhallinyarada Soomaaliyeed.

Barnaamijkan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta aqoonta maaliyadeed, qorsheynta dhaqaalaha, miisaaniyadeynta, kaydinta, iyo go’aannada dhaqaale ee fog, si gabdhuhu u helaan xirfado wax ku ool ah oo ka taageera noloshooda mustaqbalka iyo kobocooda xirfadeed.

SOYMO, oo ah urur si joogto ah garab u siiya dhallinyarada Soomaaliyeed, waxa uu aaminsan yahay in maalgelinta aqoonta iyo awood-siinta gabdhaha ay saldhig u tahay horumar waara iyo bulsho isku kalsoon.

Ururku waxa uu uga mahadcelinayaa dhammaan ka-qaybgalayaasha iyo hoggaanka ka shaqeeyay hirgelinta barnaamijkan, gaar ahaan Guddoomiye Ku-xigeenka ururka, marwo Maryan oo door muhiim ah ka qaadatay abaabulka iyo guusha barnaamijkan.

12ka Agoosto 2025Hamablyo Maalinta Dhallinyarada Adduunka Ururka Dhaqdhaqaaqa Dhallinyarada Soomaaliyeed (SOYMO) waxa uu...
12/08/2025

12ka Agoosto 2025
Hamablyo Maalinta Dhallinyarada Adduunka

Ururka Dhaqdhaqaaqa Dhallinyarada Soomaaliyeed (SOYMO) waxa uu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhammaan dhallinyarada Soomaaliyeed iyo kuwa caalamka, munaasabadda Maalinta Dhallinyarada Adduunka awgeed.

Dhallinyaradu Waa Iftiinka Mustaqbalka Waxaa naga go’an inaan dhiirrigelino doorka dhallinyarada ee horumarinta nabadda, wacyigelinta bulshada, iyo hogaaminta isbeddelka wanaagsan.

Dhallinyarada Soomaaliyeed, sida dhallinyarada kale ee dunida, waxay la tacaalayaan caqabado badan laakiin haddana waxay muujiyeen adkeysi, hal-abuur, iyo karti aan la inkiri karin. Waxaan si gaar ah u ammaaneynaa dadaalka iyo rabitaanka dhallinyarada ee ah in ay gacan ka geystaan nabadda, horumarka, iyo mideynta bulshada Soomaaliyeed iyo tan caalamkaba.

Waxaan ugu baaqaynaa in dhallinyarada la siiyo cod, fursad iyo taageero si ay u dhisaan bulsho cadaalad iyo barwaaqo leh.

--------------------------------
SOYMO OFFICE
[email protected]
Www.soymo.org
Kamapla- Uganda.
Somali Youth Movement Organization - SOYMO

Address

Banadir Road
Mogadishu

Telephone

+256709330102

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Somali Youth Movement Organization - SOYMO posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Somali Youth Movement Organization - SOYMO:

Share