22/09/2026
Guddiga sare ee Somali Weyn Development Organization wuxuu u hambalyeynayaa Mudane Abdirahman Ibrahim Hassan ( Daacad) oo ka mid ah madaxda SOWDO oo ku guuleystay kursiga Xildhibaanka Golaha Deegaanka ee Degmada Jowhar ee Caasimdda Hirshabelle.
Cabdiraxman oo ahaa wakiilkeenna Hirshabelle, wuxuu hoggaan u ahaa howlo samafal ah oo aan ka fulinnay Magaalooyinka Jowhar iyo Baladweyne. Annagoo ku kalsoon kartidiisa Waxaan rajeynaynaa inuu ka soo dhalaali doono masuuliyadda cusub ee uu qaaday.