Daryeelsan

Daryeelsan Daryeelsan is a non-profit and humanitarian organisation, active in the field of psychosocial care, cultural dialogue and social development.

02/06/2025

Madaxa Daryeelsan, Tahlil Olad oo magaalada Hamburg ee Jarmalka kaga qeyb-galay kulan looga hadlaayay ka hortagga rabshadaha.

28/03/2025

Wareysi ku saabsan daraasadda Daryeelsan ay ka sameysay xaaladda caafimaadka maskaxda ee wariyeyaasha Soomaaliyeed.

13/03/2025

Daraasad ay sameysay Daryeelsan ayaa lagu ogaaday xaalad walwal leh oo ay wajahayaan wariyeyaasha Soomaaliyeed

60% suxufiyiinta Soomaaliyeed waxay dareemayaan cabsi iyo feejignaan joogto ah, iyagoo markasta ka baqanaya weerarro ama hanjabaado, sida ay daraasadda xustay.

50% waxay la dhibtoonayaan fikrado soo noqnoqda oo la xiriira dhacdooyin argagax leh oo ay la kulmeen.

Wareysi arrintaas ku saabsan waxaa Radiyaha Ergo siiyay Tahlil Olad oo ah madaxa Daryeelsan.

24/02/2024

Tarjumaadda wareysiga Dawit: "Qaadiga wuxuu ula hadlayay carruurta si leh waji naxariista ka go'day."

22/02/2024

Aqoon-yahan Eritrean ah oo ka fal-celiyay wareysiga maxkamadda gobolka ee Ilmaha hooyadood la gubay. Jawaabaha wareysiga waxaan u sameynay qoraal far-Soomaali ah ee fadlan furo si aad u fahanto.

11/10/2023

QEYBTA 2-AAD: TAXANAHA MAANKAAB

In dadku fahmaan in caafimaadka dhimirka uu yahay xuquuq aas-aasi ah waxay ku riixeysaa inay u istaagaan xuquuqdooda - i...
10/10/2023

In dadku fahmaan in caafimaadka dhimirka uu yahay xuquuq aas-aasi ah waxay ku riixeysaa inay u istaagaan xuquuqdooda - iyo xuquuqda dadka ku hareereysan.
Qof kasta maskaxdiisa waa ka cajiibsan tahay, ka duwan tahay, kana adkeysi badan tahay dadka kale, Laakiin xuquuqda waan ka simmannahay.



10/10/2023

QEBYTA 1-AAD: TAXANAHA MAANKAAB

Waa qeybtii toddobaadkii h**e ee Taxanaha Maankaab ee Radio Ergo.

Dhageysi wacan:--

Maanta waa 10-ka Oktoobar, Maalin la xuso Caafimaadka Dhimirka Adduunka oo ah xuquuq aas-aasi ah oo uu aadanuhu leeyahay...
10/10/2023

Maanta waa 10-ka Oktoobar, Maalin la xuso Caafimaadka Dhimirka Adduunka oo ah xuquuq aas-aasi ah oo uu aadanuhu leeyahay.

Xuska maalinta waxaa farxad inoo ah inaan ku dhawaaqno inaan bah-wadaag la noqonnay Radio Ergo ee arrimaha bini'aadannimada.

Raadiyo Ergo iyo daryeelsan waxay iska kaashanayaan wacyigelinta iyo kor-u-qaadidda wacyiga bulshada ee muhiimadda caafimaadka dhimirka. Raadiyo Ergo wuxuu markii ugu horreysay bishan Oktoobar baahiyay Taxanaha Maankaab oo caafimaadka dhimirka looga hadlaayo.

Hal-ku-dhiggeenna sanadkan waa ''Jir iyo Maskax caafimaad qabta''.




05/10/2023

Address

Mogadishu
252

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Daryeelsan posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share