20/07/2025
Hayada Hudawo Organization ayaa kulan soo dhaweyn u sameysay lataliyaha arimaha haweenka madaxweyne Laftagareen iyo hogaanka sare ururka qareenada KGS.
Hogaanka sare ee Hayada Hudawo Organization ayaa magaalada caasimadda Muqdisho ugu sameesay kulan soo dhaweyn iyo isbarasho xog waran ah lataliyaha arimaha Haweenka madaxweyne Cabdicaziis Xassan Laftagareen Marwo Biibi Maxamed Aweys, gudoominayaha ururka qareenada KGS Mudane Cumar Macalin iyo Xoghayaha ururka qareenada KGS.
Lulankan oo ahaa isbarasho iyo soo dhaweyn ayaa diiradda lagu saaray sidii Hayada Hudawo Foundation ay barnaamijyo samafal uga sameen laheyd deegaanada KGS iyada oo la kaashanayo dhinacyada martida kulanka. Waxa ayna dhinacyadu adkeeyeen in la dardar geliyo taageerada iyo fududeeynta barnaamijyo samafal oo ku aadan deegaanka.