Deg. Mahaday TV

Deg. Mahaday TV Halkaan kala soco wararkii ugu dambeeyay ee ku saabsan degmada Mahadaay iyo nawaaxigeeda

Degmada Mahadaay, Gobalka Shabeellada Dhexe, oo Guddiga Doorashooyinku shaaciyay goobaha ay ka codeeynayaan dad waynaha ...
15/09/2026

Degmada Mahadaay, Gobalka Shabeellada Dhexe, oo Guddiga Doorashooyinku shaaciyay goobaha ay ka codeeynayaan dad waynaha ka qaygalaya Doorashada Hirshabeele.

Reer Mahadaay balanteenu waa in aad u soo wada baxdaan doorashada.

13/09/2026

Isku soo bax lagu taageerayo doorashada qof iyo cod ka ah, xisbiga JSP iyo madaxwayne Ali Gudlawe Hussein ayaa ka dhacay magalada jowhar ee caasimada dowlada Hirshabelle State House

Xilka-qaadis Agaasimaha Waaxda Dakhliga, Canshuuraha & Horumarinta Dhaqaalaha Ee Degmada Mahadaay
12/09/2026

Xilka-qaadis Agaasimaha Waaxda Dakhliga, Canshuuraha & Horumarinta Dhaqaalaha Ee Degmada Mahadaay

Gudoomiyaha degmada Mahadaay ahna duqa magalada ayaa tuulada shaan ee degmada mahadaay u magacaabay gudoomiye cubeyd caa...
09/09/2026

Gudoomiyaha degmada Mahadaay ahna duqa magalada ayaa tuulada shaan ee degmada mahadaay u magacaabay gudoomiye cubeyd caaliyow caali

Maamulka Dowladda Hoose ee Degmada Mahadaay ayaa maanta yeeshay kulan looga hadlay xaaladda guud ee degmada, gaar ahaan ...
05/09/2026

Maamulka Dowladda Hoose ee Degmada Mahadaay ayaa maanta yeeshay kulan looga hadlay xaaladda guud ee degmada, gaar ahaan amniga iyo hannaanka doorashooyinka qof iyo cod.

Shirka waxaa shir guddoomiyay Guddoomiyaha Degmada ahna Duqa Magaalada Mahadaay, Mudane Axmed Xuseen Afrax, waxaana sidoo kale ka qeyb galay Xildhibaanka ku metela Degmada Mahadaay ee Baarlamaanka Hirshabeelle, Mudane Liibaan Cali Huubey.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta amniga degmada, dardargelinta howlaha maamulka iyo sidii bulshada degmada loogu diyaarin lahaa hannaanka doorashooyinka qof iyo cod.

Mas’uuliyiinta ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay wada-shaqeynta hay’adaha dowladda iyo bulshada, si loo xaqiijiyo amni, xasillooni iyo hannaan doorasho oo hufan oo ay shacabka si buuxda uga qeyb qaataan.

HAMBALYO IYO FARXAD WADAAG Waxaan si kal iyo laab ah ugu hambalyeynaynaa ardayda iskuulka Sheikh Mohamed degmada Mahadaa...
05/09/2026

HAMBALYO IYO FARXAD WADAAG

Waxaan si kal iyo laab ah ugu hambalyeynaynaa ardayda iskuulka Sheikh Mohamed degmada Mahadaay ee kaalmaha ugu sarreeya ka galay imtixaanka sanad-dugsiyeedkii dhamaaday. Guushiinnu waa farxad ay wada leeyihiin ardayda, waalidiinta, macallimiinta iyo guud ahaan bulshada Mahadaay.

Guushan waxay ina xusuusinaysaa in waxbarashadu tahay furaha horumarka qofka iyo bulshada. Arday kasta oo maanta dadaala, berri wuxuu noqon karaa aqoonyahan, hoggaamiye iyo qof wax weyn ku biiriya horumarka bulshadeenna.

Waxaan ugu baaqayaa waalidiinta, macallimiinta iyo bulshada Mahadaay inay si wadajir ah u dhiirrageliyaan carruurteenna, una abuuraan fursado ay ku gaaraan waxbarasho tayo leh.

Ardaydeennu waa rajada Mahadaay, waxbarashaduna waa jidka aan ku gaari karno mustaqbal wanaagsan.

Hambalyo mar kale dhammaan ardayda guulaysatay, waxaana idinka rajaynaynaa guulo ka waaweyn kuwa maanta.

Shacabka waynaha ku nool degmada ha isku diyaariyaano doorashooyinka isku sidkan ee dhawaan dhici doono.
27/08/2026

Shacabka waynaha ku nool degmada ha isku diyaariyaano doorashooyinka isku sidkan ee dhawaan dhici doono.

23/08/2026

Maamulka degmada Mahadaay oo ka warbixiyay horumarka ka socda degmada iyo diyaar-garowga doorashada.

Mahadaay, Sabti, 22-ka Agoosto 2026: Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Beeraha ee Dowladda Hirshabeelle, Mudane Maxamed Bash...
22/08/2026

Mahadaay, Sabti, 22-ka Agoosto 2026:

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Beeraha ee Dowladda Hirshabeelle, Mudane Maxamed Bashiir Qaasim Daqare, iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka, Eng. Cabdirisaaq Xasan Cali (Ciiltire), ayaa kulan muhiim ah la qaatay maamulka degmada Mahadaay iyo laamaha amniga degmada.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta amniga, dardargelinta wacyigelinta bulshada iyo diyaar-garowga isdiiwaangelinta doorashada qof iyo cod ee la filayo inay dhawaan ka dhacdo deegaannada Hirshabeelle.

Laamaha amniga ayaa kulanka kaga warbixiyay xaaladda amni ee degmada Mahadaay iyo deegaannada ku xeeran, iyagoo tilmaamay in wada-shaqeynta hay’adaha amniga, gaar ahaan Booliska, Nabad-Sugidda iyo Xoogga Dalka, ay door weyn ka qaadatay sugidda amniga iyo xasilloonida degmada.

Mas’uuliyiinta ayaa sidoo kale socdaal ku maray xaafadaha degmada Mahadaay, halkaas oo ay ku qiimeeyeen xaaladda amniga iyo diyaar-garowga bulshada ee geeddi-socodka doorashada.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Dowladda Hirshabeelle, Eng. Cabdirisaaq Xasan Cali (Ciiltire), ayaa ugu dambeyn maamulka degmada iyo shacabka Mahadaay ugu baaqay inay si buuxda ugu diyaar-garoobaan isdiiwaangelinta codbixiyeyaasha, isla markaana kaalin muuqata ka qaataan wacyigelinta bulshada iyo ilaalinta nabadgelyada.

Mahadaay, Jimco, 21-ka Agoosto 2026 —Waxaa maanta degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellaha Dhexe lagu soo gabagabeeyay ta...
21/08/2026

Mahadaay, Jimco, 21-ka Agoosto 2026 —

Waxaa maanta degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellaha Dhexe lagu soo gabagabeeyay tartan isboorti oo loo qabtay afarta waaxood ee degmada, kaas oo ujeeddadiisu ahayd xoojinta is-dhexgalka bulshada, dhiirrigelinta dhalinyarada iyo wacyigelinta bulshada.

Tartanka ayaa sidoo kale lagu muujinayay taageerada loo hayo Madaxweynaha Hirshabeelle, Mudane Cali Guudlaawe, iyo Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP), iyadoo dhalinyarada iyo bulshada degmada ay si weyn uga qeyb qaateen munaasabadda.

Tartanka oo ay ka qeyb galeen afarta waaxood ee degmada Mahadaay ayaa maanta la soo gabagabeeyay, waxaana koobka ku guuleysatay Waaxda 21-ka October, kaddib markii ay soo bandhigtay ciyaaro wanaagsan intii uu tartanku socday.

Guddoomiyaha Degmada Mahadaay, Mudane Axmed Xuseen Afrax, ayaa soo dhaweeyay qabsoomidda iyo soo gabagabowga tartanka, isagoo xusay muhiimadda ay dhalinyaradu u leeyihiin horumarka bulshada, is-dhexgalka iyo ka qeybgalka arrimaha bulshada.

Maamulka degmada, dhalinyarada, bahda isboortiga iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa si weyn u taageeray tartanka, iyagoo muujiyay taageerada ay u hayaan Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe iyo Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP).

Tartanka ayaa sidoo kale qeyb ka ahaa dadaallada lagu dhiirrigelinayo dhalinyarada iyo bulshada inay ka qeyb qaataan wacyigelinta iyo geeddi-socodka doorashada qof iyo cod.

Waaxda 21-ka October ayaa ugu dambeyn ku guuleysatay koobka tartanka, iyadoo afarta waaxood ee degmada Mahadaay ay si wanaagsan uga qeyb qaateen tartanka.

Address

Mogadishu

Opening Hours

Monday 09:00 - 17:00
Tuesday 09:00 - 17:00

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Deg. Mahaday TV posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share