Somali Volunteering Work Forum

Somali Volunteering Work Forum The SVWF is a dynamic platform that harnesses the power of volunteerism in Somalia.

Ciid Mubaarak dhamaan muslimiinta maanta ciidaysa.كل عام وانتم بالف خير وصحة وسعادة
20/03/2026

Ciid Mubaarak dhamaan muslimiinta maanta ciidaysa.

كل عام وانتم بالف خير وصحة وسعادة

Agaasimaha Somali Volunteering Work Forum ayaa, kadib markii uu tixgeliyey aqoonta iyo khibradda uu Maxamed Cumar Maxamu...
13/11/2025

Agaasimaha Somali Volunteering Work Forum ayaa, kadib markii uu tixgeliyey aqoonta iyo khibradda uu Maxamed Cumar Maxamuud u leeyahay maaraynta musiibooyinka iyo kartidiisa hoggaamineed, u magacaabay Madaxa Kahortagga Musiibooyinka iyo Maamulka Xaaladaha Degdegga ah.

Agaasimaha ayaa masuulka cusub u rajeeyay in Alle ka fududeeyo masuuliyadda culus ee lagu aaminay, isaga oo ku booriyey inuu si hufan u hoggaamiyo hawlaha muhiimka ah ee ururka, isla markaana ka shaqeeyo ka hortagga musiibooyinka iyo maaraynta xaaladaha degdegga ah si wax ku ool ah.

Ururka Somali Volunteering Work Forum wuxuu ku faanayaa inuu yeesho hoggaamiye leh karti, hufnaan, iyo dadaal joogto ah oo ku aaddan adeegga Bulshada.

 .
14/09/2025

.

14/09/2025

Abdisalam Said Haji iyo qaar kamida Hawl-wadeenada ayaa joog ka ahaa Diiwaan galinta Arday qoysaskoodu sabool yihiin oo laga qoray Dugsiga Hoose, Dhexe iyo Sare ee ee Degmada Boondheere.

Hay’adda Volunteering Work Forum iyo Aqriska iyo Qoraalka oo iska kaashaday in Ardaydaan Danyartaa ee ku nool Kaamka Safaaraaradda Talyaaniga aay helaan agab waxbarasho iyo uniform ka Iskuulka ayaa ku guuleystay in 20 gabdhood ka qoraan Dugsiga Yaasim Cusmaan ee Magaalada Muqdisho.

waxaa ka go'an inay sii waddo garab istaagga dadka tabarta yar ee kunool Soomaaliya hadba intay awoodeedu tahay, waxayna umadda Soomaaliyeed ugu baaqeysaa inay ka qayb qaataan wax u qabasha dadka nugul ee daruufaha kala duwan la tacaalaya.

Qeybtii labaad ee sawirada kulankii xalay.
28/08/2025

Qeybtii labaad ee sawirada kulankii xalay.

Kulan Dhiirrigelin iyo Is-barasho oo Lagu Maamuusay Mutadawiciinta CusubXalay oo ay taariikhdu ahayd 27-08-2025 waxaa Be...
28/08/2025

Kulan Dhiirrigelin iyo Is-barasho oo Lagu Maamuusay Mutadawiciinta Cusub

Xalay oo ay taariikhdu ahayd 27-08-2025 waxaa Beerta Nabadda si heer sare ah uga dhacay kulan is-barasho oo loo qabtay Mutadawiciinta cusub ee ku soo biiray Somali Volunteering Work Forum. Kulankaan oo uu hoggaaminayay Agaasimaha Guud ee hay’adda ayaa ahaa mid si wanaagsan loo agaasimay, looguna talagalay in lagu dhiirrigeliyo, una sahlo dhalinyarada cusub inay si buuxda ugu biiraan safka isxilqaanka ee dalkooda.

Kulanku wuxuu noqday madal furan oo ay mutadawiciintu isku barteen, is dhaafsadeen fikrado, isla markaana heleen xog muhiim ah oo ku saabsan doorka weyn ee ay ku leeyihiin horumarka iyo nabadda bulshada Soomaaliyeed. Agaasimaha hay’adda ayaa xusay in mutadawacnimadu tahay tiirka ugu weyn ee lagu dhiso bulsho is fahamsan, is taageerta, isla markaana horumarta.

Waxaa sidoo kale kulanka lagu muujiyay in mutadawacnimadu aysan ahayn oo keliya adeeg bulsho, balse ay tahay (aragti nololeed) oo qofka u horseedi karta horumar xirfadeed, mid aqooneed iyo koboc ruuxeed. Dhalinyaradii cusubayd ayaa lagu dhiirrigeliyay inay waqtigooda, kartidooda iyo aqoontooda u hibeeyaan bulshada, maadaama isxilqaanku yahay dariiqa ugu toosan ee lagu dhisi karo bulsho midaysan oo xooggan.

"Mutadawacnimadu waa qalbiga adeegga — waana dariiqa ugu dhow ee lagu gaaro isbedel waara."

Somali Volunteering Work Forum waxay mar kale adkaysay sida ay uga go’an tahay inay dhalinyarada Soomaaliyeed u furto albaabada fursadaha isxilqaanka, si ay qeyb uga noqdaan horumarinta bulshada iyo dhismaha mustaqbal ifaya.




Kulanka Agaasimaha & Mutadawiciinta CusubKu soo biir kulan gaar ah oo lala yeelanayo Agaasimaha Guud ee Somali Volunteer...
26/08/2025

Kulanka Agaasimaha & Mutadawiciinta Cusub
Ku soo biir kulan gaar ah oo lala yeelanayo Agaasimaha Guud ee Somali Volunteering Work Forum, Mudane Abdisalam Said Haji – diblumaasi sare iyo haldoor ku xeel dheer arrimaha bulshada iyo horumarinta mutadawiciinta.

🗓️ *Taariikhda:* 27 August 2025
🕓 *Waqtiga:* 4:00 PM
📍 *Goobta:* Beerta Nabadda

Kusoo biir si aad u hesho dhiirrigelin, xiriir wax-tar leh, iyo xog muhiim ah oo kugu hagta safarkaaga mutadawacnimo.

*Is-xilqaam oo mustaqbal dhis!*

Agaasimaha Somali Volunteering Work Forum ayaa Laysin Caalami ah guddoonsiiyay Dhalinyaro dhamaysatay Kooras ku saabsan ...
22/08/2025

Agaasimaha Somali Volunteering Work Forum ayaa Laysin Caalami ah guddoonsiiyay Dhalinyaro dhamaysatay Kooras ku saabsan ( Kahor tagga Musiibooyinka Iyo Maaraynta Xasaradaha) oo aay iska kaashadeen Hay’addeenna iyo Midawga Mutadawiciinta Carabta ayna bixisay Jaamacadda Culuumta Iyo Tijnoolajiyadda ee kutaalla Dalka Masar.

Waxaa sharaf wayn noo ah inaan qayb ka nahay horumarinta Dhalinyarada Soomaaliyeed iyo fursad usiintooda inay bartaan Koorasyo aay dhif iyo Naadir tahay in Somalia laga helo.

Laysinkaan Caalamiga oo ah kii nuuciisa ugu horreeyay oo aay Dhalintaani nasiibka u yeesheen waxaa laga rajeynayaa inay Waddankeenna ku anfacaan, waxna oga qabtaan baahiyaha tiro beelka ah ee Dalkeenna kajira, siina gudbiyaan aqoonta aaybartenderen.

Wabillaahi towfiiq.

15/08/2025

Doorka Volunteerka.

Kaalaya aan Aqoonteenna, Waqtigeenna, iyo Xooggeenna ku tabarucno Dadkeenna iyo Dalkeenna.

Iyadoo laga duulayo hawlaha adag ee Hay’adda horyaal, iyo in loo baahanyahay dar-dar galinta Shaqooyinka Warbaahineed ee...
10/08/2025

Iyadoo laga duulayo hawlaha adag ee Hay’adda horyaal, iyo in loo baahanyahay dar-dar galinta Shaqooyinka Warbaahineed ee muhiimka noo ah, lana eegayo aqoonta iyo waaya aragnimada aay leedahay ayuu Agaasimaha Somali Volunteering Work Forum u magacaabay Iqra Abdullahi Abdirahman inay noqoto Madaxa Warbaahinta Madasha.

Agaasimaha ayaa Iqra Abdullahi Abdirahman u-rajeeyay in Alle la garab galo masuuliyadda cusub.

Address

Hodan District
Mogadishu
BN

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Somali Volunteering Work Forum posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share