Midowga Dhalinyarada Horumarinta Hintire

Midowga Dhalinyarada Horumarinta Hintire Bogaani waxaad kala socon karta habsamida midowga dhalinyarada beesha hintire

TACSI TIIRAANYO LEHINNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUNMidowga Dhalinyarada Horumarinta Beesha Hintire wuxuu tacsi t...
10/10/2026

TACSI TIIRAANYO LEH

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN

Midowga Dhalinyarada Horumarinta Beesha Hintire wuxuu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan bulshada Beesha Hintire Baalcad geerida naxdinta leh ee ku timid Nabaddoon Ibraahim Xaaji Dalxa (Nabaddoon Garas) Nabaddoonka Guud ee Beesha Hintire oo caawa ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Alle ha u naxariistee marxuumku wuxuu ahaa Nabaddoon door weyn ku lahaa hoggaaminta dhaqanka nabadaynta talo-bixinta iyo mideynta bulshada.
Geeridiisu waa tiiraanyo iyo murugo ku weyn qoyskiisa, ehelkiisa, Dhalinyarada, waxgaradka, odayaasha dhaqanka iyo dhammaan bulshada Beesha Hintire.

Midowga Dhalinyarada Horumarinta Beesha Hintire wuxuu sidoo tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, qaraabada, ehelka, waxgaradka iyo dhammaan bulshada uu ka baxay marxuumku isagoo Alle uga baryaya inuu samir iyo iimaan ka siiyo murugada geerida marxuumkana uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Firdowsa.

Ilaahay ha u naxariisto Nabaddoon Ibraahim Xaaji Dalxa (Nabaddoon Garas) dembigiisana ha dhaafo qabrigiisana ha u waasiciyo hana ka waraabiyo Janatul Firdow.

Aamiin Aamiin Aamiin🤲

🌹 HAMBALYO IYO BOGAADIN 🌹Adeer Cumar Xuseen Macalin Shariif (Cumar Kosti)Midowga Dhallinyarada Horumarinta Hintire wuxuu...
08/10/2026

🌹 HAMBALYO IYO BOGAADIN 🌹

Adeer Cumar Xuseen Macalin Shariif (Cumar Kosti)

Midowga Dhallinyarada Horumarinta Hintire
wuxuu si kal iyo laab ah ugu hambalyeynayaa Mudane Cumar Xuseen Macalin Shariif (Cumar Kosti), oo ah Branch Manager-ka Premier Bank, kuna guuleystay shahaadada
Certified Islamic Banker (CIB).

Guushan qiimaha leh waa mid muujineysa dadaalka, aqoonta iyo horumarka uu Mudane Cumar Xuseen ka sameeyay dhinaca xirfadda iyo maamulka bangiyada.

Annaga oo ah Midowga Dhallinyarada Horumarinta Hintire, waxaan si gaar ah ugu faraxsanahay guusha qof aan u aragno waalid, garab, talo-bixiye iyo dhiirrigeliye muhiim u ah dhallinyarada Hintire.Tusaalaha iyo dhiirrigelinta uu si joogto ah u siiyo dhallinyaradu waa mid mudan in la bogaadiyo.

Waxaan aaminsannahay in guusha qof ka mid ah bulshada ay tahay guul ay wada leeyihiin dhallinyarada iyo bulshada oo dhan, isla markaana ay dhiirrigelin u tahay jiilka soo koraya inay dadaalaan, wax bartaan oo ay gaaraan heerar sare.

Hambalyo mar kale Mudane Cumar Xuseen Macalin Shariif (Cumar Kosti).
Waxaan kuu rajaynaynaa guulo badan, aqoon kororsi iyo horumar joogto ah.

🤲 Ilaahay ha kuu barakeeyo aqoontaada, shaqadaada iyo dadaalkaaga, hana kaa dhigo mid mar walba bulshada iyo dhallinyarada u horseeda horumar.

— Midowga Dhallinyarada Horumarinta Hintire
“Dhallinyaro Horumarisa Bulshadeeda.”





🎓 HAMBALYO IYO BOGAADIN 🎓Midowga Dhallinyarada Horumarinta Hintire wuxuu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Mudane Xasan Ax...
02/10/2026

🎓 HAMBALYO IYO BOGAADIN 🎓

Midowga Dhallinyarada Horumarinta Hintire wuxuu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Mudane Xasan Axmed Cali, oo ah Maamul ku xigeenka iskuulka XAAJI YASLIM ee deeganka MOORDIILE munaasabadda difaaca buuggiisa jaamacadeed.

Waxaan kuugu hambalyeynaynaa guusha aad ka gaartay marxaladdan muhiimka ah ee waxbarashadaada, taas oo ka tarjumaysa dadaalka, dulqaadka iyo juhdiga aad gelisay raadinta aqoonta.

Waxaan Alle uga baryaynaa inuu aqoontaada kuu barakeeyo, kuna anfaco adiga, qoyskaaga iyo bulshadaada, isla markaana uu kuu fududeeyo mustaqbalkaaga waxbarasho iyo shaqo.

Hambalyo ustaad Xasan Axmed Cali(xasan khalaafe)! 🎓📚👏

Midowga Dhallinyarada Horumarinta Hintire
“Aqoontu waa furaha horumarka bulshada.”

MIDOWGA DHALLINYARADA HORUMARINTA HINTIREWaxaan si diirran u soo dhaweynaynaa musharraxnimada Avv. Mohamed Omar Hassan, ...
01/10/2026

MIDOWGA DHALLINYARADA HORUMARINTA HINTIRE

Waxaan si diirran u soo dhaweynaynaa musharraxnimada Avv. Mohamed Omar Hassan, oo u taagan Golaha Dhexe ee Ururka Qareennada Soomaaliyeed.

Midowga Dhallinyarada Horumarinta Hintire wuxuu u rajeynayaa Avv. Mohamed Omar Hassan guul iyo horumar, isagoo u taagan ka qaybqaadashada horumarinta mihnadda qareennimada, xoojinta midnimada qareennada Soomaaliyeed, iyo ilaalinta sharafta, xuquuqda iyo danaha qareennada.

Waxaan aaminsanahay in horumarka ururrada iyo mihnadaha Soomaaliyeed uu ku dhisan yahay midnimo, wada-tashi, hufnaan, isla-xisaabtan iyo hoggaan masuuliyad leh.

Sidaas darteed, waxaan si wanaagsan u soo dhaweynaynaa musharraxnimadiisa, waxaana u rajeynaynaa guul, horumar iyo in uu si hufan uga qayb qaato adeegga mihnadda qareennimada Soomaaliyeed.

Guul ayaan kuu rajaynaynaa, Avv. Mohamed Omar Hassan. 🇸🇴⚖️

Midowga Dhallinyarada Horumarinta Hintire

19/09/2026

Midowga Dhalinyarada Beesha Hintire
Waxay mar waliba garab taaganyihiin wiilasha geesiyaasha ah ee u taagan ciyaaraha deegaanada beesha Hintire ay degto

WAFDI KA SOCDA MIDOWGA DHALLINYARADA HORUMARINTA HINTIRE OO KA QAYB GALAY XAFALADDA ISKUULKA MAREEREYWafdi matalayay Mid...
12/09/2026

WAFDI KA SOCDA MIDOWGA DHALLINYARADA HORUMARINTA HINTIRE OO KA QAYB GALAY XAFALADDA ISKUULKA MAREEREY

Wafdi matalayay Midowga Dhallinyarada Horumarinta Hintire ayaa si sharaf iyo maamuus leh uga qeyb galay xafladda uu qabtay Iskuulka MAREEREY, oo ka mid ah xarumaha waxbarasho ee muhiimka ah ee deegaanka Mareerey.

Ka qeybgalka wafdiga ayaa qeyb ka ahaa dadaallada Midowga ee lagu garab istaagayo waxbarashada, macallimiinta, ardayda iyo horumarinta bulshada, iyadoo la dhiirrigelinayo jiilka cusub ee mustaqbalka dalka.

Waxaan si gaar ah ugu mahadcelineynaa maamulka Iskuulka MAREEREY, macallimiinta, ardayda iyo dhammaan bulshada sida wanaagsan ee ay u soo dhaweeyeen wafdiga Midowga Dhallinyarada Horumarinta Hintire.

Waxbarashadu waa furaha horumarka, dhallinyaraduna waa rajada mustaqbalka. 🇸🇴🤝📚






WAFDI KA SOCDA MIDOWGA DHALLINYARADA HORUMARINTA HINTIRE OO KA QAYB GALAY XAFALADDA ISKUULKA HUUDOW MACALINWafdi matalay...
12/09/2026

WAFDI KA SOCDA MIDOWGA DHALLINYARADA HORUMARINTA HINTIRE OO KA QAYB GALAY XAFALADDA ISKUULKA HUUDOW MACALIN

Wafdi matalayay Midowga Dhallinyarada Horumarinta Hintire ayaa si sharaf iyo maamuus leh uga qeyb galay xafladda uu qabtay Iskuulka Huudow Macalin, oo ka mid ah xarumaha waxbarasho ee muhiimka ah ee deegaanka Mareerey.

Ka qeybgalka wafdiga ayaa qeyb ka ahaa dadaallada Midowga ee lagu garab istaagayo waxbarashada, macallimiinta, ardayda iyo horumarinta bulshada, iyadoo la dhiirrigelinayo jiilka cusub ee mustaqbalka dalka.

Waxaan si gaar ah ugu mahadcelineynaa maamulka Iskuulka Huudow Macalin, macallimiinta, ardayda iyo dhammaan bulshada sida wanaagsan ee ay u soo dhaweeyeen wafdiga Midowga Dhallinyarada Horumarinta Hintire.

Waxbarashadu waa furaha horumarka, dhallinyaraduna waa rajada mustaqbalka. 🇸🇴🤝📚






Gudoomiyaha Midowga Dhalinyarada Horumarinta Hintire mudane DrSayidcali Macalin Yarow ayaa ka qeyb galay Shirweynaha Qar...
07/09/2026

Gudoomiyaha Midowga Dhalinyarada Horumarinta Hintire mudane DrSayidcali Macalin Yarow ayaa ka qeyb galay
Shirweynaha Qaran ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta 2026 (Strategic Communication Forum 2026) oo uu si rasmi ah udaah furay Ra'isul Wasaare ku xigeenka XFS mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa maalintiisa koowaad diiradda lagu saaray qaabeynta mustaqbalka warbaahinta Soomaaliya iyo xoojinta isgaarsiinta istiraatiijiga ah ee xilligan casriga ah.

Hal-ku-dhigga Shirweynaha:
“Qaabeynta Mustaqbalka Warbaahinta Soomaaliya ee Xilligan Casriga ah”
Shaping Somalia’s Media Future in the Digital Era







HAMBALYO HAMBALYO HAMBALYOMidowga Dhalinyarada Horumarinta Hintire waxay hambalyo iyo bogaadin diirran u dirayaan Aamina...
27/08/2026

HAMBALYO HAMBALYO HAMBALYO

Midowga Dhalinyarada Horumarinta Hintire
waxay hambalyo iyo bogaadin diirran u dirayaan Aamina Axmed Maxamed oo kaalinta koowaad ka gashay Deegaanka oo dhan iyadoo keentay Darajada ugu sarreysa ee A+

Guushaadu waa sharaf iyo farxad ay wada leeyihiin qoyskaaga, Dugsiga Huudow Macallin iyo dhammaan bulshada Mareerey.

Waxaad tusaale cad u tahay in Deegaanku helay waxbarasho tayadeedu sareyso iyo arday lagu faani karo.

Waxaan kuu rajaynaynaa guulo ka waaweyn iyo mustaqbal ifaya insha allah.

Hambalyo Aamina Guul iyo Garaad mar walba.

27/08/2026

HAMBALYO ARDAYDEENA

Address

Mogadishu

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Midowga Dhalinyarada Horumarinta Hintire posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Midowga Dhalinyarada Horumarinta Hintire:

Shortcuts

Share