15/12/2022
Asc Soomaliwayneey. Dhibaatada haysata maanta Soomaalida meel kasta ee ay ku noolyihiin ee dhinaca diintooda iyo dhaqnkoodi suubanaa hadday ahaan lahayd maqal iyo muuqaal baahiyaasha (Social media) siiba bushada qaxa ku tagtay carriga gaalada waa mid leh caloolyoow ba’an! Maanta waxay maraysaa cuqubadu in qurba joogtu indhaha ku kala qaadday caruurtoodi oo gaalo leedahay ahaanshahooda qoomuluutnnimo sharciga dalalka ay joogaan ayaa u bannaynayee ha noqdaan ubadkiinnu qoomu luud lab iyo dhaddigba kay rabaan, waliba haddaad u diidaan, khasab bay ku noqonayaan!. Mar h**e waxaa laga cabana jiray caruurtiibaa qooysas laga qaatay iyo hooyo u ooyaysa. Maantase cay-cay wuu soo dhaafay arrinku! Dadoow marba meel u qax, naari meel qaboow maleh. Wallee ma jirto meel kuu dhaanta dalkaadi adduun iyo aakhiraba! Irsiqaadana Allaa haya haddaad dhug leedahay weeye!
Bal dheeho oo dhug u yeelo tixdaan ka midka ah dardaarankii mujaahidkii fadliga Alle ku helay aragtida dheer, aabihii halgankii iyo jihaadkii gobannimada Soomaaliyeed Allaha raalli haka noqdee Sayid Maxammed Sh.Cabdille Sh. Xasannuur uu u reebay maantoo kale ummadda Soomaaliyeed asaga oo uu Allah swt sii tusay waxa gaalo iyo gaalo raac ay badi doonaan Soomaali haddaysa ka digtoonaan shirqoolladooda.
Asagoo talo u reebaya bulshada da’ kaata oo ay tahay, wuxuu yidhi:
Doodna waxaan u leeyahay, da’ kastaba ha noqotee
Kuwii diinta qariyoow, idinkaa isdilayoo
Nin dalkiisa iibsaday, dulli buu ku waariye
Ninkii gaalka daba gala, darxumow dambbaynoo
Naftu hadday ka duushana, dalku waysu diidiye
Inuu haadku diirdiiri, waa sida daruurtoo
Ninkiise dawga dhaafaaya, dawo looma helayoo
Digtoonaada waligiin, dunidu waarimaysee.
Asagoo si gaar ah ula talinaya dumarka iyo caruurtan wuxuu yidhi:
Doodna waxaan u leeyahay, dumarkiyo carruurtoo
Dadkii idinka waynaa, hadday idin dulleeyeen
Dambbi k**a ay yaabine, cuntay idika doorteen
Duunyaa la dhaafsaday, dugsigaad galayseen
Dameerkuna ma yeeleen, halkay talo ku daysteen
Dab intay shideen bay, dalaq idinku siiyeen
Doox intay qodeen bay, ciid idinku daadsheen
Nin idiin damqanayaa, idin k**a dambeeyee
Haddaydaan digtoonaan, daad baydin qaadiye
Duleeddada kufaartaa, dacas idinku laynoo
Naf dalkaada doonaysa, furaash looma daadshoo
Dabkan aan shidayaa, dawadiinna weeyee
Dariiqii Rasuulkiyo, dawga haka baydhina.
Allahayoow marag baannu ka nahay inuu Sayid Maxammed ugu sheegay Soomaali suugaanteeda, xaqa iyo gaalo iyo doqon gaalo raac ahiba waxay la damacsan yihiin mustaqbalka. Sayidkana ajar Allaha ka siiyo innaga Allaha ha ina badbaadiyo. Aamiin.
Tixdaan iyo kuwo kaloo badan oo dhalkiisi ka mid ah ee uu u reebay uma da Soomaaliyeed cidina kuma waano qaadan, hadday tahay xilligii gumaysiga ilaa maanta oo la arkayo wixii uu ka digayay.!
Aragtiyadaan dhaxalka ahi, waxay inoo xaqiijinayaan Sayid Maxammed kumuu ahaa. Fadlan ugu ducee in badan Jannatul firdoos Al aclaa.
Xarunta Taariikhda iyo Daraasaadka ee Sayid Muxammed Abdulle Xassan
Darwiish C.J.Caamir