30/09/2022
𝐖/𝐐 𝐀𝐛𝐝𝐮𝐥𝐥𝐚𝐡𝐢 𝐍𝐮𝐫 𝐎𝐬𝐦𝐚𝐧 // 𝐆𝐮𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐦𝐮𝐮𝐝 𝐒𝐚𝐥𝐚𝐚𝐦 𝐅𝐨𝐮𝐧𝐝𝐚𝐭𝐢𝐨𝐧
Waxaan ka ambabixinay Magaalada Muqdisho ardey ku guuleesatey Deeqdii Waxbarasho ee Chevening ee Dowlada UK siiso sanad kastaa ardey ka kala socota dunida. Deeqdaan waxbarasho oo ah heer Master degree , ayaa sanadkaan waxaa qeyb ka noqday Hormuud Salaam Foundation oo bixisay kharashka (sponsortey) wax barasho ee laba arday, kuwaasoo soo baran doona Takhasusaad muhiim u ah dalkeena, Sanadkaan waxaa deeqda waxbarasho ee aan bixinay ku guuleystey labadaan wiil ee ila sawiran, waa Abdinaasir Muuse, oo baran doona MSc Air Transport Management oo ka baran doona Jaamacada Cranfield Univeristy ee UK iyo Hassan Abdulkadir Hassan oo soo baran doona MSc Energy and Climate Policy , oo ka baran doona Jaamacada Univeristy of Sussex ee UK, Waxaa kaloo jira 12 ardey kale oo iyagana ku guuleystey sanadkaan oo ka mid ahaa ardeyda aan sagootinay, waxaan rajeeynaa in ardeydaas aay sanadka danbe dib ugu soo noqdaan wadankooda si aay qeyb uga qaataan horumarka dalka. Dhanka kale waxaan ardeyda Soomaaliyeed iyo cidii daneeyneysa xasuusin lahaa in aay hada furan tahay dalbashada deeqda waxbarasho ee Chevening ayna xirmi doonto 1 November 2022, ee Fadlan hada dalbada oo ka faaaideysta.. halkaan ayaana Macluumaadka laga heli karaa…
https://www.chevening.org/scholarship/somalia/
Mida kale waxaan soo jeedinayaa in Takhasuusyadaan aad dalbataan oo aan aaminaahay in aad loogu baahan yahay wadankeena anagana aan dooneeyno in la dalbado
Master’s degree in subjects of (a) Media Law or Corporate Law or Commercial Law; (b) Marketing Management or Digital Marketing; (c) Journalism or Mass Communication or Master in Media and Communications Management, Master Program in Strategic Communications or Master in Corporate Communications; (d) Human Resource Management; (e) Artificial Intelligence and Machine; (f) Master in Data Science; (g)Master in Asset Management; (h) Master’s degree in
Investment Management or Portfolio Management; (i) Master of Science in Petroleum Engineering; (j) Master in Energy Management (k) Avition and Air transport management at any University in UK.
Waxaan rajeeynaa in laga faaiideysto furaskaan