22/07/2026
Hambalyo iyo Bogaadin
Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Cabdullaahi Xasan Geesey, oo ku guuleystay kaalinta 1-aad ee Imtixaanka Ururka Qareennada Soomaaliyeed.
Guushan qiimaha badan waxay ka tarjumaysaa dadaal, karti, iyo adkaysi mudan in lagu daydo. Waa sharaf u soo hoyatay isaga, qoyskiisa, asxaabtiisa, iyo dhammaan bulshada Soomaaliyeed.
Waxaan Alle uga baryayaa inuu u waafajiyo cilmigiisa iyo xirfaddiisa mid waxtar u leh diintiisa, dalkiisa, iyo dadkiisa, isla markaana uu u sii kordhiyo guulo iyo horumar joogto ah.
Hambalyo soodha mar kale, Cabdullaahi Xasan Geesey.
Guulahaagu ha sii bataan.
Mahadsanid