08/03/2025
Talo iyo tusmayn kusocota maamulada PL &GMG ku aadan Nabadda Galkacyo iyo guud ahaan gobalka:_
Mudug waxaa ka jira colaad beeleedyo soo noqnoqday xalkoodiina aan wali la helin, hadii la helayna aan la howlgalin.
Waxaana muuqata ku-howlanayaasha colaadu inay dabka hurinayaan intii itaalkooda ah ayna rabaan in ay colaada fidiyaan si ay u mijo xaabiyaan nabadda, daris-wanaagga iyo hormarka gobalku u jahaystey.
*Waxyaabaha colaadahaan kicinaya, soona celcelinaya waxaa ugu waa weyn qodobada soo socda_* :
1. Magaalaynta miyigii xoolo daaqeenka ahaa iyo maqnaanshaha xeerarkii dowladnimo oo lagu xakameynlahaa damaaciga iyo dhul-kala-durugsiga, laguna xalinlahaa isdiidooyinka iyo dagaalada.
2. Jaha-wareerka iyo jahayn la'aanta dhalin yarada oo u nuglaysay in si fudud loo howl-galiyo layskuguna halaago; ay u dhintaan, waxna u dilaan qaad iyo qado maalin ah.
3. Baraha-bulshada oo u sahlay dad aan xilkas ahayn in ay xogo qaldan oo xumaan iyo dhiilo xanbaarsan ay u kala xawilaan bulsho horey ula-ildarnayd xasaasiyada qabiilka
4. Dadka u taliya ciidamo beeleedyada oo u badan cabtow iyo haween qaadwale ah.
5. Siyaasado nabaddiid ah oo ku dhex-milan qaybna ka ah talada iyo taakulayntaba
*Talo-soojeedin* :
1. In maamulada PL iyo GLM hormarin iyo dib-u-habayn ku sameeyaan hindisayaashii nabadaynta gobalka Mudug
2. In la kordhiyo ciidamada isku dhafka ah tiradooda, tabartooda iyo tayadoodaba, loona awoodsiiyo ka hortagida iyo ka dabatagida carqaladeeyayaasha nabadda
3. In guud ahaanba la joojiyo deegaamaynta dhulka deeqsinta ah iyo magaalaynta cusub
4. In si taxadar leh oo wada jir ah loogu wacyigaliyo bulshada walaalnimada iyo wada-jirka
WABILLAAHI TOWFIIQ
Said Ahmed Fagaase
Nabadoon Peace Platform