19/10/2025
QORSHAHA MIDNIMO YOUTH GROUP
(midnimo youth group)
1. HORDHAC
Ururka Dhalinyarada( midnimo youth group) waa urur bulsho oo aan siyaasadaysnayn, ujeeddadiisuna tahay inuu mideeyo, dhiirrigeliyo, una abaabulo dhalinyarada Soomaaliyeed si ay uga shaqeeyaan horumarinta nabadda, aqoonta, shaqo abuurka, iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.
2. ARAGTI (Vision)
In la helo dhalinyaro Soomaaliyeed oo mideysan, aqoon iyo karti leh, una taagan dhismaha dal nabad ah, horumar leh, oo isku duuban.
3. HIMILO (Mission)
In la abuuro madal mideysa dhalinyarada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, laguna kobciyo aqoontooda, dhaqankooda iyo dareenkooda wadaniyadeed si ay u noqdaan jiil hogaamiya isbeddel togan.
4. UJEEDDOOYINKA GUUD
1. In la mideeyo dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku kala nool gudaha iyo dibadda.
2. In la abuuro isfaham iyo wada shaqeyn u dhexeysa dhalinyarada gobollada kala duwan.
3. In la dhiirrigeliyo aqoonta, hal-abuurka iyo xirfadaha shaqo ee dhalinyarada.
4. In dhalinyarada lagu barbaariyo qiyamka diinta, dhaqanka iyo wadaniyadda.
5. In la abuuro fursado isdhexgal, tartan, iyo wada hadal dhalinyaro.
6. In dhalinyarada lagu wacyigeliyo nabadda, cadaaladda, iyo ilaalinta deegaanka.
7. In la dhiso hoggaan dhalinyaro oo hufan, daacad ah, oo leh himilo mideysan.
5. QAAB-DHISMEEDKA URURKA
Ururka wuxuu ka koobnaan doonaa afar qaybood:
1. Guddiga Fulinta Qaranka (G.F.Q.) Hoggaanka guud iyo qorsheynta.
2. Guddiyada Gobollada (G.G.) Maareynta hawlaha heer gobol.
3. Guddiyada Jaamacadaha iyo Dugsiyada Sare (G.J.D.S.) – Kordhinta ka qaybgalka dhalinyarada waxbarata.
4. Xubnaha Dibadda (X.D.) – Dhalinyarada Soomaaliyeed ee qurbaha ku nool oo taageera ururka.
6. BARNAAMIJYADA IYO HOWLAHA
1. Barnaamijka Isfahamka Dhalinyarada: Shirar, dood furan, iyo kulamo aqooneed.
2. Tababarrada Xirfadeed: Barnaamijyo shaqo-abuur iyo xirfad kobcin.
3. Ololaha Wacyigelinta Qarannimada: Fariimo lagu kobcinayo jaceylka dalka iyo midnimada.
4. Ciyaaraha iyo Dhaqanka: Tartanada dhalinyarada ee ciyaaraha, suugaanta, iyo dhaqanka.
5. Barnaamijka Hoggaanka Dhalinyarada: Tababaro lagu dhisayo hogaamiye dhalinyaro oo leh aragti iyo anshax.
6. Caawinta Bulshada: Hawlo iskaa wax u qabso ah, sida nadiifinta, beerista geedo, iyo gargaar bani’aadanimo.
7. MABAADI’DA URURKA
Islaamnimo iyo wadaniyad
Hufnaan iyo daacadnimo
Wada shaqeyn iyo is-xilqaamid
Sinnaan iyo caddaalad
Horumar iyo hal-abuurnimo
8. MAAMULKA IYO HOGGAANKA
Ururka waxaa hoggaaminaya:
Guddoomiyaha Guud
Ku-xigeenka Guddoomiyaha
Xoghayaha Guud
Khasnajiga (Maaliyadda)
Afhayeenka iyo Wacyigelinta
Guddiyada Gobollada iyo Jaamacadaha
Muddo xileedka hoggaanka waa 2 sano, waxaana lagu doortaa cod qarsoodi ah oo ay bixiyaan xubnaha rasmiga ah ee ururka.
9. ILAAHDA DHAQAALAHA
Kharashka xubinnimada
Deeqaha iyo taageerada hay’adaha bulshada
Mashruucyo hal-abuurnimo oo dhalinyarada ay fuliyaan
Tabarucaadyo shakhsi iyo ururro kale
Fadlan hadii aad dooneyso in aad nagu soo biirto nagala soo xiriir what's up number +252684124811