Somali Child Welfare Association SOCWA

Somali Child Welfare Association SOCWA Ubadkii daryeel loo huraa aayahooda mira dhala

27/03/2023

Gudoomiyaha SOCWA mudane Faarax Nuursalaad oo ka qayb galay manuaasabad ay qabteen 21 March Naadiga SOYAT Hub oo ah maalinta social worker day. Waxa uu na sheegay in ay muhiim tahay ka shaqaynta arrimaha bulshada gaar ahaan in ay dhalinyaradu doorka qaataan, isaga oo sidaa oo kale ku bogaadiyay ururada kala duwan ee ka shaqeeyaya arrimahabulshada.

Waxaa si nabad ah inoogu qabsoomay barnaamijkii silsiladda ahaa ee "inspire me Show" oo aan martigelinaynay. Waxa uu aha...
10/03/2023

Waxaa si nabad ah inoogu qabsoomay barnaamijkii silsiladda ahaa ee "inspire me Show" oo aan martigelinaynay. Waxa uu ahaa barnaamij si heersare ah loo soo agaasimay oo ay ka soo qayb galeen bulshada qaybaheeda kala duwan sida; macalimiin, arday, qoraayaal, waaliddiin, weriyayaal, Machadyo iyo qaarka mid Ururada gobolka Banaadir.

Barnaamijkaan oo uu daahfuray gudoomiyaha SOCWA oo ah musharax u tartamaya Naadiga ardayda jaamacadda ummadda soomaaliyeed Faarax Nuursalaad ayaa sheegay in ururka "SOCWA" uu yahay urur wax badan ka beddelay bulshada intii uu shaqaynaayay sidoo kalena waxa uu sheegay in ay ka go'an tahay in ay bulshadooda ugu shaqeeyaan si isxilqaan ah. Waxa uu sidoo kale sheegay in SOCWA gacma furan ku soo dhawaynayso dhammaan qof walba oo doonaayo in uu bulshadiisa caawiyo.

Waxa barnaamijka si heer sare ah u soo jeediyay Coach Abdiladif Hirse oo ah bare dhiga culuumta hormarinta aadanaha, pro. Raqiya oo ah macalimad wax ka dhigta jaamacadda ummadda soomaaliyeed iyo Ustaad Abdijabaar. Waxa uu ahaa barnaamij ay soo xaadireen qaybaha kala duwan ee bulshada.

Xaafiiska warfaafinta ee "SOCWA"

Waxaa maalin keliya ka harsan tahay qabsoomidda barnaamijka Inspire me show  oo uu soo agaasimay Ururka Somali Child Wel...
08/03/2023

Waxaa maalin keliya ka harsan tahay qabsoomidda barnaamijka Inspire me show oo uu soo agaasimay Ururka Somali Child Welfare Association SOCWA.
Waa Kulan ballaaran oo qayb ka ah barnaamijka sil-Siladda ah ee "Inspire me show" oo ka dhici doonaa Hall-ka jaamcadda Somalia.

Casuumaad.Ururka samafalayaasha iyo daryeelka carruurta soomaaliyeed ee SOCWA waxa uu idinku casuumayaa barnaamijka "Ins...
04/03/2023

Casuumaad.
Ururka samafalayaasha iyo daryeelka carruurta soomaaliyeed ee SOCWA waxa uu idinku casuumayaa barnaamijka "Inspire me show" oo uu Ururka SOCWA martigelinaayo 10/03/2023 oo ku beegan jimco nagu soo fool leh, waxa soo jeedin doona bare sare Coach Abdiladif Hirse oo ah aqoonyahan dhiga culuumta hormarinta aadanaha.
Waxa aan rijaynayaa in aad ka faa'iidaysan doontaan.
F.g barnaamijki waxa lagu geli doonaa tikidho waxa aad kale lambarrada ku qoran istiikarka hoose👇

Inaa lilaahi waa inaa lilayhi raajicuun.Ururka samafalayaasha iyo daryeelka carruurta soomaaliyeed ee "SOCWA" waxa uu ug...
24/02/2023

Inaa lilaahi waa inaa lilayhi raajicuun.
Ururka samafalayaasha iyo daryeelka carruurta soomaaliyeed ee "SOCWA" waxa uu uga tacsiyanayaa Muqtaar xasan oo ka mid ah xubnaha ugu firfircoon "SOCWA" oo walaalkii galabtay ku geeriyooday magaalada Garoowe.
Waxa aan Eebbe "SW" uga baryaynaa in uu naxariistiisa ku irsaaqo, dhammaan reer xassan barre oo uu ugu horreeyo Barre Hassan-na samir iyo iimaan Eebbe haka siiyo.

Gudoomiyaha SOCWA mudane Faarax Nuursalaad ayaa seminar ku saabsan" time management and how the exam prepare effectively...
10/02/2023

Gudoomiyaha SOCWA mudane Faarax Nuursalaad ayaa seminar ku saabsan" time management and how the exam prepare effectively" waxa uu u qabtay ardayda Iskuulka Tayo, seminar ka oo ahaa mid ardaydu ka faa'iidaysatay ayaa gebagebadii waxa ugu mahadceliyay maamulka iyo xukuumadda ardayda ee iskuul Tayo, iga oo sheegay in uu ahaa tababar muhiim u ahaa ardayda iskuulka.

Wabbillaahi tawfiiq

Xaafiiska warfaafinta ee "SOCWA"

Guddoomiye ku xigeenka   mudane ABDIWALI MOHAMED HASHI ayaa maanta ka qayb galay siminar sanadle ah oo ay qabtaan   kaas...
10/12/2022

Guddoomiye ku xigeenka mudane ABDIWALI MOHAMED HASHI ayaa maanta ka qayb galay siminar sanadle ah oo ay qabtaan kaas oo ay u qabteen ururada bulshada rayidka ah ee ku hawlan u doodida, hormarinta xuquuqul insaanka iyo sidoo kale ardayda iyo cilmi-baarayaal si ay uga caawiyaan inay si wanaagsan u fahmaan una aqoonsadaan arrimaha xuquuqul insaanka.

Seminar ciwaankiisu ahaa "How to prepare CV and Application letter" oo ay soo qabanqaabiyeen Ururka "SOCWA" oo ah ururka...
02/12/2022

Seminar ciwaankiisu ahaa "How to prepare CV and Application letter" oo ay soo qabanqaabiyeen Ururka "SOCWA" oo ah ururka shaqeeyaha arimaha samafalka ayaa galabtay u qabsoomay si heersare ah, seminaanka oo ay kasoo qayb galen bulshada qaybeheeda kala duwan ayaa ku soo dhammaaday si wanaagsan.
Dadkii kasoo qayb galay waxa ka mid ahaa gaasimayaal iyo gudoomiyeyaal iyo Martin sharaf kale oo farabadan.

Asc dhammaan ummadda soomaaliyeed gaar ahaan bahda tacliinta iyo xirfadleyda.Waxaa aan idin ogaysiinaynaa in ururka dary...
23/11/2022

Asc dhammaan ummadda soomaaliyeed gaar ahaan bahda tacliinta iyo xirfadleyda.
Waxaa aan idin ogaysiinaynaa in ururka daryeelka caruurta soomaaliyeed uu qaban doono tababar ku saabsan; how to prepare CV and Application letter.

Lecture ka waxa jeedin doona bare sare Hassan mohamed yusuf (Ukumey) oo ka tirsan barayaasha sare ee jaamacadda ummadda soomaaliyeed qibrad durugsana u leh ciwaankaan.

Fadlan guji mareegta hoose si aad ugu biirto groupka
https://chat.whatsapp.com/CGRzMg3okJyFBAkWLJWZrR

"Study skill than find the job"

WhatsApp Group Invite

18/11/2022

Gudoomiyaha ururka Somali Child Welfare Association SOCWA iyo xubno ka mid ah ururka ayaa ka qayb galay shirweynaha hal-abuurka dhalinyaradda soomaaliyeed oo lagu qabtay magaalada moqdisho.
Gudoomiye Faarax Nuursalaad oo hadal ka jeediyay ayaa yiri

"ka qaado doorkaaga nolosha bulshada meeshii kaaga soo aada, adiga oo bixinaya wax walba oo karaankaaga ah"

Waxa mahad u sugnatay alle "SW" oo si nabad ah noogu soo dhammeeyay tababarkii (workshop) ahaa Teamwork and office manag...
09/09/2022

Waxa mahad u sugnatay alle "SW" oo si nabad ah noogu soo dhammeeyay tababarkii (workshop) ahaa Teamwork and office management, waxa uu ahaa barnaamij xiise iyo xamaasad gaar ah leh, sida ay ardayda iyo aqoonyahanada soo xaadiray u danaynaayeen tababarkaan.

Waxa aan sidoo kale u mahadcelinaynaa bare sare ah na cilmi baare iyo tababar ka tirsan jaamacada ummadda soomaaliyeed mr.Hassan Mohamed Yusuf (UKUMEY) oo ahaa soo jeediyihii barnaamijkaan.

Tirada ardayda barnaamijkaan danaynaysay awgeed, waxa aan ka cudurdaaranaynaa dhammaan intii hoolku ka buuxsamay ee barnaamij ka siyaabaha kale ula socday. Waxa kale oo aan bogaadinaynaa Naadiga Banadir Social Workers League oo runtii door muhiim ah nagala qaatay qabsoomida barnaamijkaan.

Waxaa intaa noogu eg qaybtii su aalo weydiinta waxaa inoogu xigi doona qaybtii shahaado bixinta
09/09/2022

Waxaa intaa noogu eg qaybtii su aalo weydiinta waxaa inoogu xigi doona qaybtii shahaado bixinta

Address

Mogadishu

Telephone

+252615789085

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Somali Child Welfare Association SOCWA posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share