14/08/2026
HAMBALYO MAALMAHA DHALLINYARADA ADUUNKA
Hiigsi Youth Association waxay hambalyo iyo bogaadin u diraysaa dhammaan dhallinyarada Soomaaliyeed iyo dhallinyarada dunida oo dhan munaasabadda Maalmaha Dhallinyarada Adduunka.
Dhallinyaradu waa awoodda maanta iyo hoggaanka berri Waa jiilka leh kartida, hal-abuurka iyo tamarta lagu dhisi karo bulsho nabdoon, dowladnimo xooggan iyo mustaqbal wanaagsan.
Waxaan ugu baaqaynaa dhallinyarada Soomaaliyeed inay doortaan aqoon, midnimo, waddaniyad, hal-abuur iyo hoggaan masuul ah, kana fogaadaan qabyaalad, colaadaha iyo wax kasta oo caqabad ku noqon kara mustaqbalkooda.
HIIGSI YOUTH ASSOCIATION waxay aaminsan tahay in dhallinyarada la awoodsiiyo ay tahay in la dhiso mustaqbalka dalka.
Dhallinyaro la aqoon geliyo waa bulsho la horumariyo.
Dhallinyaro la mideeyo waa awood la isku halleyn karo.
Dhallinyaro hoggaan noqota waa mustaqbalka Soomaaliya.
Hambalyo Maaalmaha Dhallinyarada Adduunka.
HIIGSI YOUTH ASSOCIATION
Hiigsi • Horumar • Hoggaan