24/09/2026
UK oo £5 milyan ugu deeqday u diyaar-garowga fatahaadaha Soomaaliya
Dowladda UK ayaa ku dhawaaqday £5 milyan oo lagu taageerayo bulshooyinka Soomaaliyeed ee halista ugu jira fatahaado la filayo xilliga roobka Deyrta ee Oktoobar ilaa Diseembar.
Sida ay sheegtay Safaaradda UK ee Muqdisho, lacagta waxaa lagu xoojin doonaa digniinaha h**e iyo ka hortagga fatahaadaha, laguna caawin doonaa qoysaska u baahan inay u guuraan goobo ammaan ah.
Waxaa sidoo kale lagu ilaalin doonaa adeegyada caafimaadka, nafaqada, biyaha iyo fayadhowrka, iyadoo la filayo inay ka faa’iidaystaan ilaa 600,000 oo qof.
Taageeradu waxay gaari doontaa bulshooyinka ku nool deegaannada fatahaaduhu ku badan yihiin, gaar ahaan Jowhar iyo Beledweyne, iyo dadka ku jira ku dhowaad 100 xero oo barakacayaal ah. Qayb ka mid ah lacagta ayaa lagu taageeri doonaa ilaa 71 xarumood oo caafimaad iyo adeegyo caafimaad oo guurguura.
Danjiradda UK ayaa warkan ku shaaciyay Madasha Bani’aadannimada Dalka ee 23-kii Sebtembar lagu qabtay Muqdisho, halkaas oo dowladda Soomaaliya, hay’adaha gargaarka iyo saaxiibbada caalamiga ahi kaga wada hadleen u diyaar-garowga fatahaadaha.
Xigasho: Safaaradda UK ee Muqdisho
Acting early to protect lives and livelihoods 🤝
As Somalia 🇸🇴 prepares for anticipated El Niño-related flooding, the UK 🇬🇧 has announced humanitarian support to help vulnerable communities prepare and respond.
This will help up to 600,000 people access essential health, nutrition, water, sanitation and protection services, while strengthening early warning systems and helping families move to safety.
By acting early, we can help communities withstand future climate shocks and build long-term resilience.