30/08/2026
Maalinta Labaad waxaa loogu hadlaaye Isbeddelka Cimilada iyo bini'aadannimo
Maanta waxaan diiradda lagu saaray Isbeddelka Cimilada iyo saameyntiisa Soomaaliya, gaar ahaan abaaraha, fatahaadaha, barakaca, colaadaha iyo saameynta ay ku leeyihiin nolosha iyo nolol-maalmeedka bulshada.
Waxaan si weyn ugu mahadcelineynaa Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed( FESOJ) Federation of Somali Journalists FESOJ oo na siiyay tababar muhiim ah oo kor u qaadaya aqoonteyna iyo xirfadaha tebinta wararka, gaar ahaan tebinta xaaladaha bini’aadannimo, isbeddelka cimilada iyo colaadaha.
Tababarku wuxuu ahaa fursad qiimo badan oo aan ka kororsannay aqoon, waayo-aragnimo iyo xirfado aan uga faa’iideysan karno shaqadeenna iyo bulshada Soomaaliyeed
Fahamka cimilada maanta waa diyaar-garowga berri.