25/11/2024
Taariikhda markay ahayd 23.11.2024 kusimaha madaxweynaha ahna gudoomiyaha golaha shacabka dawlad goboleedka koofur galbeed soamaaliya Maxamed Nuur ayaa daahfuray madasha gudoomiyaasha Heer degmo iyo heer Gobol ee Maamulka koofur galbeed soomaaliya .
Madashan oo sanadkii mar laqabto waxaa sooqabanqaabiya wasaarada Arimaha Gudaha iyo dib-uheshiisiinta Maamul goboleedka KG Soomaaliya oo kaashanaysa isutaga ama isbahaysiga Dowlad wanaag oo ay mataleyso Hay’ada Somali One Organisation.
Isutagan waxaa hogaaminaysa oo taageero kahelaya sanduuqa fanka xasilinta Soomaaliya Somalia Somalia Stability Fund SSF .
Inkastoo kulanka Madasha uu qorshaha ahaa in 3 maalin lagusoo gabagabeeyo hadana waxaa loo baahday laba maalin oo dheeri ah si madasha shirka ay uga soobaxaan qodobo Muhiim ah .
Madashan waxaa kasoo qaybgalay dhamaan wasaaradaha Maamulka KG xubno kasocday wasaarada arimaha Gudaha federalka , xubno kasocday Hay’ada Somali One , iyo Xubno kasocday Ururada bulshada rayidka .
Madasha Gudoomiyaasha Degmooyinka iyo Gobolada KG ayaa Markii 4aad kaqabsoontay Magaalada Baydhabo ee Caasimada Kumeel-gaarka Maamulka KG .
Waxaa shirka madasha laysku waydaarsaday oo ay soo bandhigeen Gudoomiyaasha Degmooyinka iyo Gobolada xaaladaha dhanka Amniga, dhaqaalaha, Bini’aadanimada iyo hormarada kajira Degmooyinka KG .