Waxkabaro

Waxkabaro Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Waxkabaro, Youth Organization, Madiina, Mogadishu.

Waxkabaro waa Dagal lagu soo gudbiyo taariikhda Muslimiinta iyo Midda Ummadda Soomaaliyeed, sidoo kale xogaha la xidhiidha tiknoolojiyadda iyo gorfaynta buugaagta ku qoran Afka Soomaaliga iyo Afafka qalaad sida English-ka iyo Carabiga.

Be with someone who makes you want to be a better person.It doesn’t matter if you fu**ed around or made mistakes in the ...
16/07/2022

Be with someone who makes you want to be a better person.
It doesn’t matter if you fu**ed around or made mistakes in the past. The right WOMAN will make you change for the better.
She’ll motivate you. She’ll support you. She’ll be your biggest fan.
She could be a blessing or a lesson. If you take care of her, she’ll be yours forever.
These days, a person who genuinely cares about you is rare. You better keep her while she still cares.
So instead of saying “You deserve someone better”, tell her “I’ll make myself better to deserve you” ❤️
✍Tanvir Alam Sourov

 . :6AAD.Muuse binu musayr oo ah ragii ilaa shaam ka soo dagaalamay oo markii danbe camer binu caas la socday oo la shaq...
25/05/2022

.
:6AAD.

Muuse binu musayr oo ah ragii ilaa shaam ka soo dagaalamay oo markii danbe camer binu caas la socday oo la shaqaynayay Abdullahi binu sacad, cuqba binu musayr iyo muuse binu musayr ayuu umagacaabay hogaanka waqooyiga Africa wuxuu badalay muuse ninka la yiraahdo Xassan binu nucmaan oo uu umagacaabay waqooyiga Africa mucaawiya binu abii Sufyan taariikhdaasna waa 79kii H Rasuulka NNKH ninkaa la yiraahdo muuse binu musayr wuxuu Islaamka dib ugu faafiyay markii uu cuqba binu Naafac uu Soo noqday qabaa'Isha barbariyiinta qaar badan ayaa gaalnimadoodii iskaga noqday oo waa kuwa dilay cuqba. Markii uu cuqba binu musayr uu tagay meesha wuxuu qaatay siyaasad ka duwan tii Cuqba.

Cuqba xowli buu ku socday farduhu ha isjiireen ilaa maqribal carabi xoog buu ku socday, Laakin markii uu isagu yimid isagoo khaladaadkii xiligaas dhacay ka faa"iidaysanaaya muuse binu musayr wuxuu bilaabay inuu meel qabsadàan mudo kooban ay joogaan dadka ducaad iyo culimo loo sameeyo diinta la baro qalbigooda la qooyo markii la arko in ay tijaabo ay heleen markaas bay sii gudbaan markaas buu bilaabay muse binu musayr ilaa uu ugu danbayntii maqribal carabi gaaray waqooyiga intii uu markii h**e gaaray cuqba, markii uu muuse binu musayr uu islaamkii wada gaarsiiyay ee Aan wada oran karno haatan Islaamku wuu biyo dhagay oo dadkii islaanimadii way sharaabeen oo si fiican bay uqaateen wuxuu magaalo ku taala waqooyiga galbeed ee maqribka DANJA wuxuu umagacaabay ninka aad taariikhda ku maqasheen ee Daariq binu siyaad waa gudoomiye dagmo Ileen gudoomiye gobal waxaa ah muuse binu musayr daariq isagu waa gudoomiye DAGMO.

Qaybaha kalena la socod wanaagsan.
Part six(6).
"Wixii aan khalday Naftayda iyo shaydaan bay ka ahaatay wixii aan saxayna xag rabi bay ka ahaatay".
W/Q: .

 . :5AAD.Waxay yiraahdaan raabicu thalaatha 3 tan 4 weeye qayro-waan waa magaalo aytahay dhalinyrada muslimiinta in ay t...
23/05/2022

.
:5AAD.

Waxay yiraahdaan raabicu thalaatha 3 tan 4 weeye qayro-waan waa magaalo aytahay dhalinyrada muslimiinta in ay taariikhdeeda ay dib ufiiriyaan xiligaas cuqba binu naafac wuxuu gaaray galbeedka Africa, waxaa la yiraahdaa markuu athletic ocean gaaray wuxuu yiri isagoo faraskiisii lahadlaya wallaahay Hadaan ogahay in dhul xagaa iga xigo maraykan iyo waxasba lama aqoon hadaan ogay in dhul halkaas iga xigo ilaahay diintiisa waan gaarsiin lahaa, markii uu halkaas tagay ayuu damcay inuu halkaas iyo qayro-waan usoo noqdo, Africada galbeed xiligaa waxaa xoog kulahaa ninmanka barbariyiinta layiraahdo markaas dhexdaa loogalay jidgooye ayaa loo dhigtay halkaas baa lagu dilay laakiin xiligaas cuqba binu naafic ee uu jiray ilaa waqooyiga Africa ilaa maqribal carabi intaas ilaa masar baa isku xirmay hadaynu dariiqaas la soo maray ee Andalusta Aan ka hadalno furitaankii masar waqooyiga masar illaa maqribal carabi oo ay iskaga danbeeyeen iyo . Waxaynu u imaanaynaa فتح الأندلس sidii loo furtay andalus waxaa ilaahay (SWT) uu ku yiri suuratu Al-acraaf aayad qur"aana ee macnaheedu yahay (UMADA SHEEKOOYINKA IYO TAARIIKHDA UGA WARAN ) Taariikhduna aad bay muhiim utahay umadaha dhan dal aan taariikhdiisa la daraasayn ma jirto ama taariikhda dalkooda ama taariikhda diintooda ha ahaatee, nimanka reer binu umaya layiraahdo waxaan idin sheegay in 45tii illaa 132H ay caalamka islaanka xukumayeen. Xiligaan aan ka sheekaynano ee andalus lafurtay waxaa khaliif ka ah magaalada dimishiq ninka qiimaha badan ku leh taariikhda Islaamka oo runtii reer binu umaya malaha mucaawiya ayaaba ku soo dhadhawaa nin kale oo ku soo dhawaday ma jirin. Fatuuxaadka uu Islaamka usameeyay, ama dhankaan galbeed ee Aan usocono ahaato ama dhinaca bariga ha ahaatee iyo qaarada Asia inta uu Islaamka uu fidiyay cid udhawaatay iyo cid udhigantaba midna kuma jirto reer binu umaya oo 14 amiir ahaa ama 14 khaliif ahaa.
Markii uu meesha qabsaday Alwaliid ibnu abdimalik wuxuu waqooyiga Africa umagacaabay inuu barasaab ka noqdo Illeen isaga ayaa madaxwayne meesha ka ahe.

Qaybaha kalena la socod wanaagsan.
Part(5).
"Wixii aan khalday Naftayda iyo shaydaan bay ka ahaatay wixii aan saxayna xag rabi bay ka ahaatay".
W/Q: Abdikadir Sahane Said.

Waxaan rabaa inaan halkan hambalyo,bogaadin iyo duco uga diro gudiga cusub ee xogyaha degmadda Burtinle mudane Faarax Ma...
19/05/2022

Waxaan rabaa inaan halkan hambalyo,bogaadin iyo duco uga diro gudiga cusub ee xogyaha degmadda Burtinle mudane Faarax Maxamed Cigaal kusoo saaray wareegtadda magacaabista ah kuwaas oo isugu jira aqoonyahan, Ganacsato ,dhaqanka,qurbojoogta iyo xubno kamid ah Naadiga Akhriska & Qoraalka Ee Burtinle kadib tashi badan oo laga sameeyay sidii loo heli lahaa dhismaha Maktabad Akhriska oo degmadda Burtinle leedahay .

Maktabadda Akhriska Burtinle waxay jirtay muddo sadex sano oo ay kujirtay guri kiro ah waxaana gacanta kuhayey Dhalinyaradda Naadiga Akhris oo tageero ka helaya samafalayaasha iyo dadka jecel horumarinka Aqoonta iyo Akhriska . Mudadda ay maktabaddu jirtay waxaa lagu guulaystay in lasoo uruuriyo kayd aqooneed oo ku dhaw 2,000 buugg kuwaas oo ku qoran Afafka Somaaliga,Carabiga iyo Ingiriiska .Sidokale waxaa lagu guulaystay in kor loo qaaddo heer wacyiga bulshadda iyo muhiimadda Akhriska ayaddoo intii ay furnayd maktabaddu Si weyn bulshaddu u fahamtay Akhriska gaar ahaan dhalinyaradda dugsiyadda sare, kuwa jamacadaha iyo aqoonyahan kale ee degmadda .Maktabaddu ma ahan oo kaliya Goob akhris ee waxa sidookale lagu qabtaa tabobaro lagu kobcinayo aqoonta iyo xirfadaha dhalinyaradda si loogu diyaariyo mustaqbal ifaya oo halbeegiisu yahay aqoon , Aragti iyo ilbaxnimo .

Ugu horayn waxan rabaa inaan ugu hambalyeeyo Gudiga inay nasiib u yeesheen in loo dhiibay shaqadaas qiimaha badan ee dheefta u noqon doonta kuwa maanta jooga dhaxalkana u noqon doonta kuwa dhalan doona berri iyo mustaqbalka fog . Waa hubaal jiilwalba inay gurtaan miraha ay u beeran kuwa ka h**eeya macaan iyo kharaar midkii ay noqotaba. Waxan ku faraxsanahay inaan u dhaqaaqnay jidkii aan ubbadkeena ugu beeri lahayn mashruuc maskaxda ka xoreeya oo ku hogaaminaya dunida Afkaarta toggan iyo ilbaxnimadda.Waxaan rajaynayaa in guddiga masuuliyadaas culus ee baadigoob dhulkii ay maktabaddu dagi lahayd iyo u qareemidda dhismaheedda Eebbe u fududeeyo. Bulshadda reer burtinle waxaan ugu baaqayaa in la garab istaago guddigaas sidokale shacabka reer puntland iyo guud dadka somaaliyeed waxan ugu baaqayaa inay ka qaybgalaan xaqiijinta riyadda dhalinyaradda reer Burtinle.

Waxan u mahadcelinayaa cidkaste oo gacan ka gaysatay dadaalka aan ugu jirno kor uqaadista wacyiga bulshadda oo ay ugu Horeeyan dhalinyaradda haldoorka ah ee Naadiga Akhris iyo Qoraalka Burtinle oo ah runtii naftood hurayaal wakhtigooda iyo maskaxdooda galiyey sidii ay kaalin libaax uga qaadan lahayeen Horumarinta bulshadadooda ayagoo aan ciddina inta abaabushay u dirin balse ayagu gartay inay dhexda u guntadaan horumarinta Bulshadooda ileyn horaybaa loo yiri “ Dal waa dhalintiisa” somaaliyaba waxaa xoriyadeeda keenay waxay ahayeen dhalinyaro.

Sidokale waxan u mahadcelinaynaa shirkadaha kala ah , , IYO oo marwalba garab noo ah , sida billaha ah maktabadda kiradeedda u dabarra kuwaas oo isugu jira dal joog iyo qurbo-joogba , Xoghaya Degmadda Burtinle mudane .
Waxan la ilaawi karin Aabihii iska lahaa fikradda Asaaska Maktabadda wakhti badana soo galiyay sidii maktabddu Cagaheeda ugu istaagi lahayd ,Maamule Ahmed Abdirisak (Dheereeye) Iyo Mahamed Xasan Gacayte oo ayaguna qayb muhiim ah kulahaa dadaalkii asaaska maktabadda , Aabihii Fikradda maaliyadeed ee socodsiinta maktabadda ilaa haddana maal iyo maskaxba la garab taagan maktabadda . Dadkaasi waa kuwa tariikhda Maktabadda iyo Horumarinta Aqoonta degmadda Burtinle ay ku qori doonto qalin dahab ah.

W/Q: Omar Jamhad Abdimahad

 -ANDALUS. :4AAD.Waxaa laga Soo gudbay xiligii khulafada  reer bani umaya, waxaan joognaa iyaga oo bartamaha waqooyiga A...
04/04/2022

-ANDALUS.
:4AAD.

Waxaa laga Soo gudbay xiligii khulafada reer bani umaya, waxaan joognaa iyaga oo bartamaha waqooyiga Africa ilaa Luuba ilaa masar oo dhan Islaamka lagaarsiiyay, ayuu xiligii khulafada dhamaaday khulafada waxaa hogaanka oga danbeeyay ninmanka reer binu umaya layiraahdo oo dabcan Sayid cumer binu cafaan qoyskiisii reer quraysheed ka mid ah, waxay haysteen sanadii 45ta oo ah sanadkii uu xilka qabtay mucaawiya Ee layiraahdo caamul jamaaca ilaa 132dii ayay Xilkaas hayeen markii reer binu umaya ay qabsadeen hogaanka muslimiinta caasimadii madiina wayka Soo rarteen waxay ka dhigteen magaalada dimishiq iyo shaam bay yimaadeen mucaawiya binu abii sufyaan wuxuu diray ciidan si uu uga bilaabo halkii uu Abdullaahi binu sacad kaga tagay ninka caanka ah ee aad aadka taariikhda ugu maqashaan Cuqba binu naafac layiraahdo. Cuqba binu naafac isna wuxuu Islaamka gaarsiiyay ilaa dalka maanta marooko loo yaqaano ayuu Islaamka gaarsiiyay sanadii 50 aad ee hijrada rasuulka scw wuxuu dhisay magaalada facawayn ee taariikhda muhiimka ah Kuleh diinta Islaamka iyo dacwadeeda ee layiraahdo qayro-waan. Qayro-waan magaaladaa layiraahdo waxaa aas aasay cuqba binu naafac wuxuu ka dhisay meel iminka ku taala koonfurta dalka maanta Tunis layiraahdo, halkaas baa Laga dhisay qayro-waan waxay noqotay magaalo kamid ah meelaha xadaarada iyo ilbaxnimada Islaamka iyo cilmiga Islaamku biyo dhigay, ee Islaamka waqooyiga Africa Islaamtinimada looga gudbiyo, ahmiyada ay Islaamka qayro-waan u leedahay waxaa kamid ah dadka qaarkood waxay yiraahdaan raabicu thalaatha 3, waa magaalada 4afaraysa yacnii kaalinta ayka qaadatay diinta Islaamka iyo faafinteeda sedexdaas magaalo waa , madiina iyo Qudus xataa dimishiq Laguma darin.

Qaybaha kalena la socod wanaagsan.
Part Three(4).
"Wixii aan khalday Naftayda iyo shaydaan bay ka ahaatay wixii aan saxayna xag rabi bay ka ahaatay".

 . :3AAD.Sanadii 20aad isaga oo cumer binu   khadaab amar kahaysta  ayaa  masar lafurtay,  oo muslimiintu ugudbeen iyaga...
20/03/2022

.
:3AAD.

Sanadii 20aad isaga oo cumer binu khadaab amar kahaysta ayaa masar lafurtay, oo muslimiintu ugudbeen iyaga oo uu hogaaminayo camar binu caas saxaabiga qaymaha badan, ee ninka wayn ee siyaasiga ahaa ee rugcadaaga ka midka ahaa.
Masar waxaa magaalo madax uhayd magaalada maanta magaala madaxda 2aad u ah Al iskandariya halkaas ayuu ufadhiyay boqor ka reer masar oo ah ninkii Rasuulka Scw usoo diray hadyadaha sanadkii uu rasuulku boqorada caalamka uu udiray. Waxaa ka mid ahaa hadyadaha Baqal iyo hablo iyo Alaaabbo badan wuxuu yiri "Anigu islaamimayo laakiin in aanan cadaawo kuu hayn ayaan kuu sheegayaa" markii masar lafurtay xiligii cumer binu khadaab hadaan ka Soo gudubno cumer binu khadaab waxaa khilaafada uga danbeeyay magaalada madiina caasimada muslimiinta u ahayd. Cusmaan binu cafaan RC wuxuu diray oo waqooyiga Africa oo maanta dhul dheer ah, oo ka bilaabmaya duleedka masar, libiyia, junuusiyia, marooko, ilaa laga gaarayo magaalooyinkaas oo ah dhul aad udheer, wuxuu diray sanadii 27aad ee hijrada rasuulka SCW wuxuu diray ninka saxaabiga ah ee ilaa jihaadkii iyo futuuxaadkii shaam ka Soo Qayb galay ee layiraahdo Abdullahi binu sacad binu abii sarax.
Ninkaas buu diray 27kii(H) ninkaas wuxuu Islaamka gaarsiiyay gobolo ka mid ah waqooyiga Africa bariga, galbeed ka masar iyo qaybo ka mid ah wadamada looyaqaan shimaalu Luuba oo ah koonfurta masar illaa bartamaha wadanka sudaan intaas buu Islaamka gaarsiiyay Abdulaahi binu sacad waaa nin saxaabiyaha waxaa ay dadka taariikhda faaleeyaa ay leeyihiin Abdullaahi binu sacad iyo cumer binu khadaab xaga nuujinta ayay walallo ka ahaayeen sidaas bayleeyihiin taariikhyahandu.

Qaybaha kalena la socod wanaagsan.
Part Three(3).

Wixii aan khalday naftayda iyo shaydaan bay ka ahaatay wixii aan saxayna xag rabi ayay ka ahaatay .
Wabilaahi towfiiq.

Dumarnimadu maahan soojiidashada indhaha ragga, laakiin waa xishoodka.
14/03/2022

Dumarnimadu maahan soojiidashada indhaha ragga, laakiin waa xishoodka.

When you fail you learn from the mistakes you made and it motivates you to work even harder.
14/03/2022

When you fail you learn from the mistakes you made and it motivates you to work even harder.

TAARIIKHDA AL-ANDALUS. QAYBTII:2AAD.Magaalooyinka caanka ahaa xiligaas waxaa kamid ahaa  Al-qurduba oo ah magaalooyinka ...
12/03/2022

TAARIIKHDA AL-ANDALUS.
QAYBTII:2AAD.

Magaalooyinka caanka ahaa xiligaas waxaa kamid ahaa Al-qurduba oo ah magaalooyinka taariikhda islamka aad ugalay waa koonfurta, waxaa kale oo ka mid ah ishbiiliya, Al-farqaad dhinaca dhexe waxaa ka xiligi jiray caasumada oo DUWAYDILAH la yiraahdo, hoostana farqaada iyo sarakosa iyo magaalooyin caynkaas ah, waa magaalooyinkii waagaas jiray, runtii maanta Isbayn marka Laga hadlaayo min xaysul masaaxa isbayn oo kaliya marka Aan maanta inta buurtaqiiska raacda ay ka go"do waxaa layiraahdaa waa dhulka sadexaad ee masaaxada dhulka ugu wayn qaarada yurub marka Laga tago Ruushaka iyo faransiiska xataa jarmalka ayadaa ka dhul wayn, dhulkaas aan sawirka guud aan ka bixinay wuxuu dhinaca waqooyiga ka soo kulaalayaa المغرب العربي dallka maanta looyaqaan Marooko intaas markaan kasoo gudubno waxaan ka soo hadlidoonaa الضريق الي المغرب Maqrib sidii loogaaray xiligii xulafada gaar ahaa Cumer binu khadaab waa aynaga taariikhda ku hayna in muslimiintu ay furteen Shaam oo maanta dalalka suuriya iyo lubnaan iyo falastiin intaas oo isku jira dalkaas shaam baa la oran jiray, waaa tii uu Cumer binu khadaab ka Qayb galay xafladii talawareejinta talada qudus, intaa ka dib ninka layiraahdo Camar binu caas oo ahaa hogaankii sare ee jihaadka Islaamka iyo curashooyinkiba wuxuu ka codsaday cumer binu khadaab in uu ugudbo masar oo uu furto masarna waa dal facwayn taariikhda Islaamkana taariikh facwayn ku leh weeyaan.

Qaybaha kalena la socod wanaagsan.
Part Two.

Wixii aan khalday Naftayda iyo shaydaan bay ka ahaatay wixii aan saxayna xag rabi bay ka ahaatay.

12/03/2022

Taariikhda Bilaal Ibnu Rabaax

Shaqsiyadda Bilaal..?

Wuxuu ahaa Bilaal ibnu Ar Rabbaax- Abii Cabdillaahi Al Xabashi, waxaa la sheegaa inuu ku dhashay magaallada Dimashiq, sidoo kale waxaa la yiraahdaa mayee wuxuu ku dhashay Makka Al Mukarramah saddex sano ama ku dhaw kadib dhacdadii loo yaqiinnay Caamul Fiil.

Bilaal wuxuu addoon adeega u ahaa mid kamid ah sanaaddiidii iyo ugaasyadii Qureesheed, kaasoo la oran jirey Umayah bin Khalaf, oo ka dhashay reerka la yiraahda banii Jumux, kuwaasoo Qureeshta dhanka faalka iyo qurbaanta sanamyada u qaabilsanaa. Wuxuu Bilaal ahaa addoon Xabashi ah, oo madow, kana soo jeeday qaaradda Abasiiniya, isaga iyo hooyadiisba waxay ahaayeen addoomo.

Wuxuu raaci jirey ariga abbaankiisa, oo uu mayracin jirey duleedka iyo buuraha Makkah, galabtiina soo carraabin jirey. Shaqooyin adag oo adeeg iyo dhib kujirta ayuu la deris ahaa intuu addoonka ahaa. Waxayse xaaladdii isbaddashay markii la soo saaray Muxammad ibnu Cabdillaahi (NNKH) nebi ahaan iyo rasuul, markaasoo Bilaal uu kamid noqday caaraddii kowaad ee ugu horreysay ee Muslimta.

Bilaal wuxuu ahaa shaqsi uu Ilaahay u doortay inuu kamid noqdo kooxdii ama qeybtii yareed ee farakutiriska ahayd ee rummeysay nebigeenna Suubban (NNKH) horraantii dacwada Islaamka, wuxuusa ahaa nin qarsan jirey Islaamkiisa, jeer maalintii dambe uu ogaaday sayidkiisa Umayah bin Khalaf Al Jumuxi.

Halkaas ayay ka billawdeen maalmihii madoobaa ee Bilaal lagu caddibayay jeer uu ku dhawaaday geeri iyo inuu ciqaabtaasi la dhinto. Haddiina raxmadda Eebbe aanay jiri lahayn, wuxuu Bilaal noqon lahaa mid la dawaqa xanuunkii ciqaabta ee soo gaadhay, dabeetana sababta inuu ka noqdo wixii laga reebayay oo ahaa Islaamka, taasoo ciqaabta lamarsiiyey marka loo eego ay adagtahay inalagu sii adkeysto.

Wuxuuse Bilaal ahaa nin sugnaan iyo sabir badan, oo adkeysigiisii qiimaha badnaa uu ka ilmeysiin lahaa buuraha waaweyn, baduhuna ay la hirtuuri lahaayeen.

Ku sabraha xaqa, adkeystaha sugnaanta badan, Abuu Cabdillaahi Al Xabashi waa shaqsiga uu magaciisa camiray dunida Islaamka, waana ninka uu Ilaahay ku suntay maanta inuu dhammaan umadda Islaamka u noqdo sayid la weyneeyo oo qiimo iyo qadarin aad uweyn ku leh qof kastoo Muslim ah agtiisa.

Waa sidaase Alle kor ahaaye baanan dayicin ajarkiisii, oo ka yeelay mid markii la xusaaba la yiraahda Sayidkeenna Bilaal Ilaahay haka raalli noqdo.

Inkastoo ay dacwadu cusbayd, Bilaalna uu ahaa nin maqlo hadalka abbaankiisa, oo adeeca, markii lagu yiri ka noqo rumeynta Muxammad (NNKH) iyo diinta uu la yimid, wuxuu lasoo baxay dabeecad aanu abbaankiisu h**ey ugu aqoon, taasoo ahayd inuu dafiro, oo uu iska diido amarkaas, wuxuuna yiri:

”Marna dhici mahayso inaan ka noqdo diintan uu layimid Muxammad (NNKH).”

Hanuunka Alle kasokoow Bilaal wuxuu nin aqoon u lahaa nebi Muxammad (NNKH) oo arki jirey, yaqiinay runtiisa, iyo inuu ahaa nin akhlaaqdiisu ay Makka oo dhami ka sheekeysneed. Sidaas darteed buu durbaba bilaabay inuu u iisho dhanka xaqa oo uu ku mintida ilaa uu ku geeriyooda, asagoo taas yaqiin aad uweyn yaqiinsan inuu Alle ugu dhawaanaya.

Nebi Muxammad (NNKH), xilligaasi iyada ahi awood umuu lahayn inuu difaaco, balse wuxuu ahaa markuu soo maraba mid u dhimriya oo kheyr ugu duceeya.

Ciqaabtii Bilaal la marsiin jirey waxay ahayd mid aanan halnooc ahayd, balse kala duwanayd, waxaase ugu xanuun badnayd, midda intii la kaxeeyo markasta oo ay cadceedda Makka soo kululaataba oo la geeyo barxadda iyo bacaadka luleelka badan, baa asagoo xabad qaawan la seexin jirey carradaasi dusheeda, dabeetana dhagax weyn oo sallax ballaaran ah oo kulul loo saari jirey xabadka iyo caloosha.

Intaas loogama hari jirine waxaa loogu sii dari jirey xaaladda noocaas ah jeedal iyo in lala dhaca xarig aad u adag oo xanuun badan.

Sugnaantii iyo sabirkii Bilaal waxay sababtay inaanu wax kale afkiisa kasoo bixin markastoo lagu yiraahdo ka laabo diintan ama ciqaabta loo siyaadiyaba, mooyaane inuu yiraahda:

{Axadun Axad} ”Alle waa keli, Alle waa keli”.

Oraahdaas oo uu ku celcelin jiray mar walba intuu xaaladdaasi ku jirey.

Ciqaabta kale ee ugu darneed oo la marsiin jirey waxaa kamid ahayd, in qoorta loo suro xarig oo lagu adkeeyo ayaa lagu wareejin jirey magaallada, oo carruurta iyo haweenka ayay dhagaxyeyn jireen, saa asagoo dhiigga ka hooraya oo dhimasho ku dhaw la xarayn jirey, maalinta dambena ciqaabta sidaas loogu wadi jirey.

Markaas buu Nebigu (NNKH) aad ula murogooday, oo ka uu ka xumaaday ciqaabta joogtada ahi ee lagu hayo Bilaal oo aanan awoodi karin wax kale iyo xeelad uu isaga fakiya makastaasi nolasha ku ciqaabayso.

Markaasuu u tegey Abuu Bakar oo ahaa nin maalqabeen ahaa, oo xorreyn jirey addoomada, markaasuu ka codsaday inuu xorreeyo Bilaal, dabeetana Abuu Bakar baa soo maray halkii uu Umayah ku ciqaabayay Bilaal, markaasuu ku yiri:

”War ma iga iibsatid addoonkaan”?

Markaasuu Umayah arrintaasi ku farxay, waayo wuxuu u arkayay nin madax adag oo haddana aanan dhimanayn, ciqaabtiisana uu ku daallay, markaasuu qiimo culus sheegtay, saa Abuu Bakar baa ka iibiyey oo qiimihii siiyey, dabeetana Bilaal xorreeyey.

Markaas buu Nebiguna (NNKH) aad ugu farxay una duceeyay Abuu Bakar.

Waxaa kaloo la sheegaa in Abuu Bakar uu ku baddashay addoon kale oo gaal ahaa, oo u joogay, Allaah baase naga og. Xilligaasi isaga ahi kadib Bilaal wuxuu kamid noqday saxaabadii waaweyneed ee ka ag dhawayd nebiga (NNKH), wuxuuna noqday nin xor ah, kadib ciqaab iyo xanuunno badan oo uu soo maray. Wax badan k**a soo wareegin jeer ay buuxsantay bicathadii nebiga 13 sano, markaasoo saxaabadii ay u soo qaxeen magaallada Yathrib.

Bilaal wuxuu kamid ahaa caaraddii dhexe ee hijradaasi isagoo u jaray masaafo 500 km ah ama ka badan si uu u raadsado meel uu Rabbigiisa si xor ah ugu caabudo.

Caa’isha (RACh) waxay tiri:

”Markii Rasuulka (NNKH) uu Madiinah yimid baa Abuu Bakar iyo Bilaal ay xanuunsadeen, saa waan usoo galay oo aan ku dhahay ”Aabbo sideed tahay? Bilaaloow!! adiguna sideed tahay”? Waxay tiri ”Abuu Bakar markay qandho qabato wuxuu oranayay”:- ”Qofkastaa reerkiisuu ku waabariistaa, mowdkuna uga dhaw kabihiisa suunkooda”.

Bilaalna wuxuu lahaa ”Alla maan habeen baryo tog ay hareerihiisa ku yaallaan geedka Idda-kharka buurta Jaliil, oo maan maalin u arooro biyihii Majinnah, oo may ii muuqdaan labadii buurood Shaama iyo Dhufayl”.

Tani waxay muujineysaa hillowgii uu u qaaday Bilaal magaaladii uu kusoo barbaaray ee Makkah, laakiin markii ay Caa’isha uga warrantay qisadaasi Rasuulka (NNKH) buu u duceeyay magaallada Madiinah oo uu yiri:

”Allahayoow!! na jecleysii magaallada Madiinah, sidii aad noo jecleysiisay Makkah, ama si kasii daran, oo barakee darkeeda iyo koombadeeda, oo xumaddeedana naga dulqaad oo u rar Juxfa”.

Ducadaasi qiimaha badan Ilaahay waa aqbalay, saxaabadiina waxay noqdeen kuwo jeclaada magaalladii Madiinah in ka badan jacaylkii ay u qabeen Makkah, waxayna noqotay mid uu sabab u ahaa saxaabigan Jaliilka ahi ee Bilaal bin Rawaax.

Ku nagaashihii Bilaal ee horraantii hijriyada wax badan k**a soo wareegin jeer, uu Rasuulka Alle (NNKH) billaabay inuu lasoo baxa xikmaddiisii iyo xeeshiisii gunta dheereed, ee uu ku dhisay dowladda ugu horreysay ee Islaamka.

Wuxuu bilaabay tallaabadii kowaad oo ahayd walaaleyntii Muhaajiriin iyo Ansaar, markaasoo Bilaal uu nasiib u yeeshey in lala walaaleeyo saxaabi fadli badnaa oo Muhaajiriinta kamid ahaa.

Bilaal nasiib umaanu yeelan in lala walaaleeyo Ansaarta, waxaana lala walaaleeyay Abuu Cubaydah Caamir bin Cabdillaahi Al Jarraaxi, oo kamid ahaa saxaabadii ugu fadliga badnayd asxaabta, misna kamidka ahaa tobankii Jannada loogu bishaareeyey, ee haddana ugu horreeyey ee qaata dacwada diinta Islaamka.

Ninkan Bilaal lala walaaleeyay waa amiinkii umadda Nebi Muxammad (NNKH), waana ninka uu Cumar xaggiisa ka yiri markuu geeriyoonayay:

”Haddii uu noolaan lahaa Abuu Cubaydah, waxaan uga tegi lahaa khilaafada (masuuliyadda umadda), waayo waxaan maqlay rasuulka Alle (NNKH) oo oranaya: Abuu Cubaydah bin Al Jarraax, waa amiinka umaddan”.

Ninkaas qiimaha badan ayaa Bilaal uu Rasuulka Alle (NNKH) u doortay inuu la walaaleeyo. Tallaabadii labaad ee Rasuulka (NNKH) uu sameeyay markuu yimid Yathrib (Madiinah) waxay ahayd dhisiddii masjidka, oo ahaa xaruntii umadda laga hagayay, salaadahana lagu gudanayay.

Xilligaasi waxaa laga dooday sidii loogu yeeri lahaa dadka xilliga saladda. Qaar kamid ahayd asxaabtii nebiga (NNKH), waxay soo jeediyeen fikrad ah in la garaaco bir, sida nasaarada oo kale, qaarna in buun la yeeriya sida Yahuudda oo kale, laakiin labada talo ee ficilladaasu Rasuulku (NNKH) ma cajabinin.

Waxbadan k**a soo wareegin jeer Cabdillaahi bin Zayd bin Rabbih oo kamid ahaa asxaabtii reer Madiinah uu ku riyooday aadaanka, markaasuu ibnu Zayd u tegey Rasuulka (NNKH), oo uu uga warramay wixii uu ku riyooday, markaasuu nebigu (NNKH), amray inuu Bilaal baro aadaanka, suu baray, oo nebiguna (NNKH), u doortay muddankiisii kowaad.

Bilaal wuxuu ahaa nin aad u cod dheer, una cod macaan, sidaas ayuu nebigu (NNKH) ugu doortay inuu noqdo muddankiisii kowaad, tiiyoo meesha aanay ka marnayn fadligii iyo darajadii uu heerkaasi ku gaaray. Wuxuu noqday muddankii kowaad ee Islaamka, ee umadda salaadda ugu yeeri jirey, sidoo kalena toosin jirey nebiga (NNKH) xilliga salaadda.

Waxaa sugnaatay in nebigu (NNKH) uu mar ku yiri:

”Bilaaloow!! inoogu raaxeey salaadda”.

Fadaa’ishiisana waxaa kamid ah in mar nebigu (NNKH) uu yiri:

”Waxaan galay Jannada, saa waxaan maqlay sanqadha kabahaaga Bilaaloow!!, ee bal inoo sheeg waxa aad samayso”

Markaasuu yiri ”Wallaahi camal qaas ah ma sameeyo, aanan ka ahayn, in markastoo aan weyseysto aan tukado labo rakaco oo aanan farad ahayn”. Waxaa kaloo sugnaatay in uu Cumar markuu arka Bilaal uu oran jirey ”Bilaal waa sayidkeennii uu xoreeyay sayidkeennii (Abuu Bakar).”

Darajada Ilaahay cidduu siiyo uunbaa heshee, Bilaal oo ahaa addoon la yasa, oo lagu shaqeysta, Islaamku wuxuu gaarsiiyey martabad cajiib ah, oo aad u qiima badan. Wuxuu noqday haddii uu gabadh doono inaan loo diidin.

Waxaa waayadii dambe dhici jirtay, haddii nin kamid ah Muslimiinta ama saxaabada nebiga (NNKH) uu damco inuu reer gabadh ka doonto, inuu u tegi jirey marka h**e Bilaal, oo uu ka codsan jirey inuu la doono gabadhaas, waayo waxaa caan ahayd oraah ay Muslimiinta dhexdooda is oran jireen ”Bilaal gabadhuu doono lama diido”.

Reerka gabadha laga doonaya badanaa haddii aanu ragga gabadha doonay uu lasoconin Bilaal ma aanay bixin jirin gabadhooda. Qolo gabadh dooneysa oo uu Bilaal la socdana maloo diidi jirin, mana dhicin in marna loo diido.

Bilaal ibnu Rabaax, saxaabigan Jaliilka ahi, wuxuu guursaday gabadh aad u qiima badan, oo ka dhalatay reerka abtiyaasha u ahaa nebigeenna (NNKH).

Reer banii Zuhra oo kamid ahaa reerka ugu qiimaha iyo sharafta badnaa Qureeshta marka laga yimaado reer Haashim ayay ka dhalatay xaaskii Bilaal, waxaana la oran jirey Haalah bint Cowf, taasoo la dhalatay saxaabiga Jaliilka ahaa ee Cabdiraxmaan bin Cowf oo kamid ahaa tobankii Jannada loogu bishaareeyey.

Bilaal wuxuu nasiib u yeeshay inuu ka qeyb qaato dhammaan dhaqdhaqaaqyadii uu hoggaaminayay nebigeenna suubban (NNKH), oo idil, wuxuuna xaadiray duullaankii weynaa ee Bader isagoo wacdara muujiyey.

Wuxuu kamid ahaa raggii kufaarta sanaaddiiddii Qureesheed madaxa ka jaray maalintaasi.

Cabdiraxmaan bin Cowf oo ahaa mid kamid ahaa saxaabadii ugu fadliga badneyd asxaabta nebiga (NNKH), kana midka ahaa lixdii ugu horreysay ee ku Islaamta dacwada diinta Islaamka, ayaa kamid ahaa dadkii dagaalkan Bader xaadirey.

Ibnu Cowf waxay magaallada Makkah markii la joogay ay saaxiibbo ahaayeen ninkii addoonsan jirey Bilaal oo la oran jirey Umayyah bin Khalaf Al Jumaxi. Markiina uu Islaamay Cabdiraxmaan wuxuu ka tegey saaxiibtinnimadiisii oo ka doortay Allaah iyo rasuulkiisa.

Maalintii Bader, markii ay jabeen kufaartii Qureesheed oo in badan oo kamid ah la qabqabtay, ayaa Umayyah wuxuu kamid ahaa raggii xeeladda ay ku baxsadaan waayay, markaasuu arkay Cabdiraxmaan bin Cowf oo uu ugu yeerey magacii jaahiliyada uu u yaqaannay (Cabdi Camaroow!!).

”Waar makuu sugnaatay inaad aniga iyo wiilkeygaba na qafaalato oo aad hadhow qaadato madax furasho wixii aad doonto ah”?

Markaasuu Cabdiraxmaan qafaashay asaga iyo wiilkiisiiba oo xarig ku giijistay.

Saxaabada dhexdooda waxay ahayd caado inaanay isu daba marin qafaalkooda, oo qof ninka uu soo qafaasho waa lagu ixtiraami jirey.

Bilaal oo isqaadqaad iyo laynta cadawga kasoo faaruqay ayaa indhaha qac kusiiyey Umayyah ibnu Khalaf iyo wiilkiisii oo isla xiran, oo Cabdiraxmaan uu wato. Markaasuu Bilaal af muggii dhawaaqay asagoo oranaya ”Waa Umayyah,

Cadawgii Ilaah, Ilaahay ima badbaadiya haddii aan badbaadiya”. Dabeetana wuxuu u yeertay Ansaartii Madiinah, asagoo oranaya Ansaareey!! waa kan cadawgii Ilaahay ee Umayyah, Alloow!! aanan badbaadin haddii uu badbaado”.

Cabdiraxmaan bin Cowf ayaa qayliyey oo yiri:

”Bilaaloow!! ninku waa qafaalkeyga”.

Markaasuu Bilaalna yiri ”Alloow!! aanan badbaadin haddii uu badbaado”.

Dabeetana seefihii ayaa lagu billaabay.

Wuxuu yiri Cabdiraxmaan ”Markii aan arkay waxa dhacay ayaan ku dhahay Umayyah, waa adiga iyo naftaada”.

Raggii goobtaasi dhawaqa Bilaal ku yimid ma ahayn oo keliya Ansaarta, balse codka Bilaal inay ajiibaan waxaa u nuglaa saxaabada oo dhan, kuwooda Muhaajiriinta iyo kuwooda Ansaarta ahba. Waxaa kamid ahaa raggii goobtaasi yimid Cammaar bin Yaasir Al Canasi oo kamid ahaa asxaabtii fadliga badneyd ee nebigeenna (NNKH), kana mid ahaa raggii usoo dhibtooday diintan.

Cammaar wuxuu diley wiilkii Umayyah, Bilaalna wuxuu diley Umayyah, oo ay la dileen asxaabtiisii.

Asxaabtii oo idil ayagoo maqlaya hadalka Cabdiraxmaan bin Cowf ee ah ”War waa qafaalkeyga”, ayaanay ajiibin, oo ay yeeleen hadalkii Bilaal, taasoo ku tusineysa sha’nigii iyo weynidii uu Bilaal ku lahaa saxaabada agtooda.

Dhacdadaasi halkaasi ka dhacaysa, waxaa ku dhaawacmay Cabdiraxmaan bin Cowf, oo seefihii Muslimiinta ay lugta ka dhaawaceen, wuxuuna oranayay Cabdiraxmaan markaasi asagoo dhutinaya ”Ilaahay ha u naxariista Bilaal’ee wuxuu imootiyay qafaalkeygii, lugteydiina wuu dhaawacay”.

Dagaalkii Uxud wuxuu kamid ahaa raggii ugu horreeyey ee soo laabtay kadib markii ay jabeen asxaabtii nebiga (NNKH). Markii la furtay magaallada Makkah, sanadkii 8aad ee hijiriga, wuxuu Rasuulka (NNKH) la galay gudaha kacbada Bilaal bin Rabaax iyo Usaamah bin Zayd oo uu aad u jeclaa.

Wuxuu mar kale Bilaal nasiib u yeeshey isagoo ahaa mu’adankii kowaad ee Islaamka, inuu mar kale noqdo mu’adankii kowaad ee xaramka Makkah. Intuu nebigu (NNKH) kusugnaa magaallada Makkah oo dhan asaga ayaa u addimayay salaadaha, markiina uu nebigu (NNKH), kasoo tegayay magaallada ayuu mu’adan uga dhigey Abuu Maxduur Samurrah bin Mixjan Ath-Thaqafi oo wiil dhalin yaro ahaa.

Bilaal wuxuu ku baaqi noqday magaalladii nebiga (NNKH) oo uu mu’adan ka ahaa intuu nebiga (NNKH) noolaa oo dhan, markiina uu nebigu (NNKH), geeriyooday waxaa Bilaal ka xoog badisay murugadii uu u murugooday xabiibkeenna suubban (NNKH), wuxuuna go’aansaday inuu isaga tego aadaanka kana mid noqday Musalliintii saxaabada.

Horraantii khilaafadii Abuu Bakar inkastoo ay murugo badan dabooshay haddana wuxuu Bilaal la shaqeynayay khaliifadii Rasuulka Alle ee Abuu Bakar Siddiiq. Maalin maalmaha kamid ah mar muddo laga soo wareegay geeridii nebiga (NNKH), ayaa maalin Jumca ah uu Abuu Bakar ka codsaday Bilaal inuu maanta addimo salaadda.

Markiina uu Bilaal aadaankii Bilaabay ayaa Madiina cirif iyo dacal laga wada ooyay oo la soo wada xasuustay nolashii nebigeenna (NNKH), asxaabtii oo idilna ay ilmadu hibisiqleeyeen, oo ay aad u ooyeen. Aadaankii markuu dhammeeyey ayuu Abuu Bakar Siddiiq ka codsaday Bilaal inuu mu’addannimada kusoo noqdo oo Masjidka nebiga (NNKH), uu ka addimo, balse Bilaal arrintaasi wuu ka cududaartay.

Khilaafadii Cumar bin Al Khaddaab, wuxuu Bilaal ahaa masuulkii u xilsaarnaa wafdinta goballada oo isku xiri jirey magaallooyinka goballada iyo Madiinah, saldhigiisuna wuxuu ahaa magaallada Madiinah oo uu kula shaqeyn jirey amiirkii Mu’miniinta.

Maalintii laga casilayay qaa’idkii weynaa ee Khaalid bin Waliid imaaraddii Qinnasriin, wuxuu ahaa Bilaal ninkii uu Cumar u direy, saa Bilaalna mimbarkii Ximsa inta korey Khaalidna uu hoos taagnaa iyo Abuu Cubaydah, oo uu ku dul aqriyey warqaddii Cumar.

Bilaal ma gaarin khilaafadii saddexaad ee Islaamka (Cuthmaan bin Cafaan), wuxuuna geeriyooday intuu noolaa Cumar bin Khaddaab. Sanadkii 20-aad ee hijiriga ayuu ku geeriyooday magaallada Dimashiq, oo la sheego markii h**e inuu ku dhashay.

Bilaal wuxuu ahaa saxaabi Jaliil ah oo kamid ahaa asxaabtii fadliga badneyd, ee nebigu (NNKH), uu aadka u jeclaa. Ilaahay haka jaasiya wanaaggii uu u soo qabtay Islaamka, hana u nuuriyo qabrigiisa. Sayidkeenna Bilaal, Rabbigeenna ha ina siiyo sabarkiisii iyo sugnaantiisii oo kale.

Salaamun Calayk yaa sayyidii Bilaal Raddiyallaahu canka,
watardii Canhu inshallaah.
Wa Billaahi Tawfiiq

Waxaa Qoray:
Mohammed Tahir Abdi

Fadlan Page-ka Like Saar, si aad uga bogato qaybaha Xiga...

Admin- Abdulkadir Saxane

Address

Madiina
Mogadishu
2520

Telephone

+601161764684

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Waxkabaro posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share