04/06/2026
𝐁𝐚𝐚𝐪 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐞𝐞𝐝!
YECO Somalia iyo dhamaan saaxiibadeeda waxay si weyn uga walaacsan yihiin iska hor imaadyadda ka socdo magaaladda Muqdisho, kuwaas oo sababey khasaaro naf iyo maalba leh, isla markaana saameyn ku yeeshay nolosha shacabka rayidka ah.
Waxaan ugu baaqeynaa dhamaan dhinacyadda ku lugta leh iska hor imaadyadda iney joojiyaan dhamaan falalka horseedi kara hurinta xiisadda. Waxaan ku adkeyneynaa in nabadd iyo xasilloonida lagu gaari karo oo keliya wada hadal, is faham iyo xalal siyaasadeed oo loo dhan yahay.
Waxaan ugu baaqeynaa dhinacyada isku haya khilaafka iney dib ugu laabtaan miiska wada hadalka, kana shaqeeyaan sidii loo heli lahaa xal waara oo dan u ah shacabka Soomaaliyeed iyo mustaqbalka dalka.
Sidoo kale, waxaan xasuusineynaa dhamaan dhinacyada waajibaadkooda ku aadan ixtiraamka shuruucda iyo xeerarka caalamiga ah, gaar ahaan ilaalinta shacabka iyo kaabeyaasha muhiimka ah ee bulshadda. Waxaa lagama maarmaan ah in la dhowro xaquuqda aadanaha, iyo mabaadi’da bani’aadannimada inta ay jiraan xaaladdaha colaadeed iyo kadibba.
Ugu dambeyn, waxaan madaxda, odayaasha dhaqanka, bulshadda rayidka, culimada iyo dhamaan daneeyayaasha ugu baaqeynaa inay door muuqda ka qaataan dadaallada nabadeynta, dib u heshiisiinta iyo ilaalinta midnimada iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed.
Nabaddaa naas la nuugo leh.