GODLE Community

GODLE Community comunity activist

Waxaan Maanta si Rasmi ah loo magacaabay  shaqaalaha cusub Ee Loo qaatay Xafiiska  African Union Magaalada Cairo Ee Dalk...
30/04/2024

Waxaan Maanta si Rasmi ah loo magacaabay shaqaalaha cusub Ee Loo qaatay Xafiiska African Union Magaalada Cairo Ee Dalka masar kaas oo si gaar ah uga shaqayn doona Dib u dhiska iyo Hormarinta wadamada ka soo kabanayo colaadaha oo ay Soomali ka mid tahay!!!
Ali Sai'd Ali Sheikh
Congratulations

31/03/2024
Sawirrro :-    & Wadareed.Wuxuu ahaa Afur-wadareed kulmiyey qaar kamid ah Waalidiinta iyo dhalinyarada   ee gobolka Bana...
31/03/2024

Sawirrro :- & Wadareed.
Wuxuu ahaa Afur-wadareed kulmiyey qaar kamid ah Waalidiinta iyo dhalinyarada ee gobolka Banaadir,

MUSHARAX XILi BAANGOLE- DEEGAAN EE DEGMAGAROOWE MARWOFAADUMO  Malaag YUUSUF ALI shekhFarxad weeyn Ayeey noo tahay iney n...
02/05/2023

MUSHARAX XILi BAAN
GOLE- DEEGAAN EE DEGMA
GAROOWE MARWO
FAADUMO Malaag YUUSUF ALI shekh
Farxad weeyn Ayeey noo tahay iney noqoto musharax Golle Deegaan gabar kasoo jeeda Koonfur Galbeed waxane urajeeyneynaa guul insha AllahπŸ‘

23/01/2023
Waxaan maanta kormeer ku tagey Waziirki H**e Maaliyada Dowlda Soomali Ahnah Musharax Madax weeyne Dowlda Koon fur Galbee...
23/01/2023

Waxaan maanta kormeer ku tagey Waziirki H**e Maaliyada Dowlda Soomali Ahnah Musharax Madax weeyne Dowlda Koon fur Galbeet Ayaa Maanta hoygeygiisa weerarka lagu qaadey 23dii Diseembar Asagoo u kuur galey bururka gaarey guriga iyo xaafadaha shacabka ee ku hareereysan.

Waan ka xunahy wixi dhacay guud ahaan, waxaana rajeynaya in aysan mar kale so noqonin dhibaatooyinkaas oo kale, sidoo kale waxan dadka ku booriyey in la ilaaliyo nabadda lagana fogaado wax kasta oo abuuri kara xasilooni daro.

17/01/2023

"Magaaladii ugu horreysey Gobolladan Ee Aan tago waxay ahayd Tiyeeglow Waxaana dega Dad la yiraahdo ((Godle )) iyo Gaalmidowle."

HE. Hassan Sh. Mohamud.
Somalia heshiis ah dunidana heshiis iyo .Koonfur Galeet Heshiis ah

30/06/2022

Waziirkii h**e ee maaliyadda DFS,
Mohammed Aden Farkeeti.

Nuqul kamid ah kalmaddiisii xalay ee soo dhaweyntii Raysal wasaare Xamse Cabdi Barre.

Runtii sharaf weyn ayay ii tahay caawa inaan kasoo qeybgalo kulankaan sida quruxda badan loo soo abaabulay oo ujeedkiisuna yahay inaan kusoo dhaweyno, ku marxabbeyno, kuna taageerno Raysal wasaaraheenna.
Mudane Raysal wasaare waxaan ku leenahay Hambalyo, xilka culus ee laguugu aaminay illaahey hakula garabgalo, annagane garabkaaga ayaan taagannahay.

Waxaan rabaa labo qodob keliya inaan dul istaago, Malaysiya aniga shaqsi ahaan waxaan tagey June-1990, waxaan kamid ahaa afartii arday ugu horreysey oo jaamacad malaysiya ah ka qalanjebisa sannadkii 1994, runtii waqtigaasi soomaali badan wadanka majoogin.

Runtii Malaysiya qeyb weyn ayay ka qaadatay in Soomaaliya xal loo helo, ciidamo ayay u dirtay laba jeer, dad ayaa kaga dhintay, runtii Investment badan ayay wadanka diyaar ula ahaayeen laakiin nasiib darro, waqtigaasi waxay aheyd waqti colaadeed, waxbadanna lagama faa'ideysanin.

Mudane Raysal wasaare, waxaan rabaa in Jabterka Malaysiya dib loo furo sababtoo ah, waa waddan Muslim ah, waddan aan aad ugu najaxnay, runtii natiijadeedana adaa noo ah caawa tusaale.

Malaysiya waa wadan aad iyo aad u dadaalay, Xaddiga faqiirtinimada (Poverty rate) aad ayuu udhimay waqti gaaban, dowladaasina waxaa laga baran karaa Dowlad wanaagga iyo Efficiency governance waxa la yiraahdo.

Mahadsanidiin.

HAMBALYO 1DA LUULYO 2022Munaasabadda Sannad Guurada 62aad ee Ka Soo Wareegatay Maalintii Xoriyadda Gobollada Koonfureed ...
30/06/2022

HAMBALYO 1DA LUULYO 2022

Munaasabadda Sannad Guurada 62aad ee Ka Soo Wareegatay Maalintii Xoriyadda Gobollada Koonfureed iyo Midowgii Gobollada Woqooyi iyo Koonfur oo ay ka dhalatay Jamhuuriyadda Soomaaliya awgeed, waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa shacabka Soomaaliyeed ee ku kala nool dalka gudihiisa iyo dibeddiisa.

Taariikhda halgankii Soomaaliyeed ee gobanimo doonka iyo la dagaallankii gumeystayaashii reer Yurub waa mid ku qoran quluubta ummaddeenna; waa dhaxal uu jiilba jiilka ka dambeeya u gudbinayo.

Soomaaliyeey, dowladnimo waa sharaf, waa haybad, waa sarreyn sharci, waa aqoon iyo caafimaad, waa awood iyo kala dambayn, waa caddaalad iyo sinnaan, waa nolol iyo horumar; waxaana CADAW IYO CUDUR ku ah qabyaalad, musuqmaasuq, caddaalad darro, xagjirnimo, eex iyo haybsooc.

Sidaas darteed, waxaan kula dardaarmayaa waxgaradka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhallinyarada maanta iyo jiilalka soo koraya (gabdhaha iyo wiilasha) inay ka digtoonaadaan sifooyinka kor ku xusan oo ah cadawga iyo cudurka halista ku ah qaranimadeenna; una istaagaan ilaalinta iyo difaaca dadka, dalka iyo diinta.

Waxaan rajeynayaa in ummadda Soomaaliyeed ay sannadkaan kiisa kale ku gaarto nabad, barwaaqo iyo bashbash.

HAMBALYO - HAMBALYO - HAMBALYO
1DA LUULYOO LABA MIDOWDAY

06/06/2022

🌼 Hambalyo midka salaada subax xiligeeda ilaaliyay kaasoo aanan u kicin School, Jaamacad, shaqo iyo howl aduun oo dhan balse jaceylka uu Alle u qabo ku qasbay inuu kaco oo xubnihiisu u dhaqaajiyo

🌼 Bishaareyso waayo waxaad kamid tahay dadka yar ee Alle doortay misana waafajiyay kheyrka salaada subax

πŸ‚ πŸ’™

Hambalyo Prof Hussein Sheikh Mohamud.Mweyne Xassan Sheikh wuu asiibay. Senator Hussein waa qof karti, aqoon, waayo-aragn...
23/05/2022

Hambalyo Prof Hussein Sheikh Mohamud.

Mweyne Xassan Sheikh wuu asiibay. Senator Hussein waa qof karti, aqoon, waayo-aragnimo iyo dhaqan suuban leh. Waxaan aaminsanahay in si hufan u kala maarayn doono shaqada culus ee madaxtooyada.

Sxb Allaha ha kula garab galo masuuliyada culus ee laguu dhiibay.

Waziir Mohammed Aden Farketi.

Address

Mogadishu

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when GODLE Community posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to GODLE Community:

Share