Development Organization for Somali Youth DOSYO

Development Organization for Somali Youth DOSYO Ururka DOSYO wa urur dhalinyaro oo kashaqeya Arimaha Samafalka, Waxbarashada, Cafimadka, Wacyigelinta

Hoggaanka Ururka DOSYO wuxuu u hambalyeynayaa dhammaan xubnaha cusub ee kusoo baxay qaab-dhismeedka waaxyaha Wasaaradda ...
16/06/2025

Hoggaanka Ururka DOSYO wuxuu u hambalyeynayaa dhammaan xubnaha cusub ee kusoo baxay qaab-dhismeedka waaxyaha Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga JFS.

Waxaan Alle uga baryeyna in mas’uuliyadda loo igmaday ay ugu shaqeeyaan niyad wanaag, karti, daacadnimo, iyo adeeg dhab ah oo lagu horumarinayo dhallinyarada iyo isboortiga dalka.

Waa fursad muhiim ah oo lagu dhisi karo kalsoonida dhallinyarada Soomaaliyeed, laguna abuuri karo hoggaan cusub oo iftiin u horseeda mustaqbalka dalka.

Guul baan idiin rajeynaynaa dhammaantiin.

Mudane Xuseen Maxamed Ibraahim oo Loo Magacaabay Madaxa Samafalka ee Ururka DOSYOSi loo xoojiyo dadaallada samafalka iyo...
07/03/2025

Mudane Xuseen Maxamed Ibraahim oo Loo Magacaabay Madaxa Samafalka ee Ururka DOSYO

Si loo xoojiyo dadaallada samafalka iyo daryeelka bulshada, Guddoomiyaha Guud ee Ururka DOSYO, Mudane Cali Dayfullaah, ayaa si rasmi ah ugu magacaabay Mudane Xuseen Maxamed Ibraahim inuu noqdo Madaxa Samafalka ee ururka.

Guddoomiyaha ayaa xusay in Mudane Xuseen uu yahay shaqsi leh karti, hufnaan, iyo aragti dheer, isla markaana uu door muhiim ah ka qaadan doono horumarinta, xoojinta, iyo fulinta howlaha samafalka ee ururka. Magacaabistan ayaa ku soo beegmaysa xilli Ururka DOSYO uu dadaal ugu jiro ballaarinta howlaha gargaarka iyo kaalmooyinka uu bulshada u fidiyo.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha ayaa u rajeeyay Mudane Hussein in Eebe u fududeeyo waajibaadka culus ee xilkan, una horseedo guul iyo horumar.

DHAMMAAD

————————
Mr. Hussein Mahamed Ibrahim Appointed as Head of Charity at DOSYO

To strengthen humanitarian efforts and community welfare initiatives, the General Chairman of DOSYO, Mr. Cali Deyfallah, has officially appointed Mr. Hussein Mahamed Ibrahim as the organization’s Head of Charity.

The Chairman highlighted that Mr. Hussein is a person of competence, integrity, and vision, and that he will play a key role in enhancing, strengthening, and implementing the organization’s charitable activities. This appointment comes at a time when DOSYO is actively working to expand its humanitarian and relief efforts for the community.

Finally, the Chairman wished Mr. Hussein success in fulfilling the challenging responsibilities of this role and prayed for his achievements and positive impact.

END

𝗞𝘂 𝗦𝗼𝗼 𝗕𝗶𝗶𝗿 𝗨𝗿𝘂𝗿𝗸𝗮 𝗛𝗼𝗿𝘂𝗺𝗮𝗿𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗗𝗵𝗮𝗹𝗹𝗶𝗻𝘆𝗮𝗿𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗦𝗼𝗼𝗺𝗮𝗮𝗹𝗶𝘆𝗲𝗲𝗱 𝗲𝗲 (𝗗𝗢𝗦𝗬𝗢) Ururuka Horumarinta Dhallinyaradda Soomaaliyeed ee...
05/03/2025

𝗞𝘂 𝗦𝗼𝗼 𝗕𝗶𝗶𝗿 𝗨𝗿𝘂𝗿𝗸𝗮 𝗛𝗼𝗿𝘂𝗺𝗮𝗿𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗗𝗵𝗮𝗹𝗹𝗶𝗻𝘆𝗮𝗿𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗦𝗼𝗼𝗺𝗮𝗮𝗹𝗶𝘆𝗲𝗲𝗱 𝗲𝗲 (𝗗𝗢𝗦𝗬𝗢)

Ururuka Horumarinta Dhallinyaradda Soomaaliyeed ee (DOSYO) waa urur u taagan horumarinta dhallinyarada iyo bulshada Soomaaliyeed. Waxa aan ka shaqeeynaaa horumarinta dhallinyaradda, kobcinta xirfadaha, abuuridda fursado shaqo, iyo taageerida qoysaska dan yarta. Ujeeddadeennu waa in aan abuurno jiil wacyi leh, karti badan, oo kaalin mug leh ka qaata horumarka dalka.

𝗙𝘂𝗿𝘀𝗮𝗱𝗱𝗮𝗵𝗮 𝗔𝗮𝗱 𝗛𝗲𝗹𝗮𝘆𝘀𝗼

Ku biirista DOSYO waxay kuu furi doontaa albaabyo badan oo horumar ah, oo ay ka mid yihiin:
• Ka qeybqaadashada barnaamijyo kor u qaadaya aqoontaada iyo xirfaddaada.
• Fursado aad ku horumarin karto xirfadaha hoggaaminta iyo maamulka bulshada.
• La shaqeynta koox dadaal ugu jirta horumarinta iyo u adeegidda bulshada.
• Kaalin muuqata oo aad ku yeelan karto isbeddelka bulshada Soomaaliyeed.

𝗬𝗮𝗮 𝗞𝘂𝘀𝗼𝗼 𝗕𝗶𝗶𝗿𝗶 𝗞𝗮𝗿𝗮?

Haddii aad tahay qof leh aragti, hami sare, iyo karti aad bulshada wax ugu qabato, DOSYO waa meesha kugu habboon. Waxaan raadineynaa xubno firfircoon oo diyaar u ah inay ka qeyb qaataan dadaallada lagu horumarinayo dhallinyarada iyo bulshada Soomaaliyeed.

𝗦𝗶𝗱𝗮 𝗔𝗮𝗱 𝗨𝗴𝘂 𝗕𝗶𝗶𝗿𝗶 𝗞𝗮𝗿𝘁𝗼

Haddii aad xiisaynayso inaad qayb ka noqoto ururkeenna, fadlan kaso codso foomka hoose: https://forms.gle/BWmhPPC8YBm7PVBAA

Kulankii Koobaad ee Golaha Fulinta Ururka DOSYO Waxaa si rasmi ah u qabsoomay kulankii ugu horreeyay ee golaha fulinta U...
04/02/2025

Kulankii Koobaad ee Golaha Fulinta Ururka DOSYO

Waxaa si rasmi ah u qabsoomay kulankii ugu horreeyay ee golaha fulinta Ururka Horumarinta Dhalinyarada Soomaaliyeed ee DOSYO, kulankaas oo lagu lafaguray dib-u-dhiska ururka, xoojinta qorsheyaasha horumarineed, iyo doorka uu ururka DOSYO ka qaadan karo taageerada dhallinyarada iyo bulshada.

Kulankan oo ay ka soo qeybgaleen hoggaanka cusub iyo xubnaha golaha fulinta ee ururka, wuxuu gogol xaar u yahay dadaallo lagu hirgelinayo horumarinta dhallinyarada, kor u qaadida wacyiga bulshada, u abuurida fursado ay ku gaari karaan horumar waara.

Magacaabis Madaxa Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta ee Ururka DOSYOGuddoomiyaha Guud ee Ururka DOSYO, Mudane Cali Deyfu...
15/01/2025

Magacaabis Madaxa Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta ee Ururka DOSYO

Guddoomiyaha Guud ee Ururka DOSYO, Mudane Cali Deyfullah, ayaa xilka Madaxa Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta ee Ururka u magacaabay Mudane Maxamed Cabdirahmaan Cabdulqaadir.

Guddoomiyaha ayaa ku amaanay Maxamed Cabdirahmaan Cabdulqaadir kartidiisa iyo waayo-aragnimadiisa ku saabsan horumarinta arrimaha bulshada iyo wacyigelinta. Wuxuu sheegay in Maxamed uu kaalin muhiim ah ka qaadan doono abuurista barnaamijyo iyo ololayaal wacyigelin ah oo lagu horumarinayo bulshada gaar ahaan dhalinyada iyo ka qaybqaadashada dhallinyarada arimaha bulshda.

Guddoomiyaha ayaa u rajeeyay in Eebe u fududeeyo shaqada adag ee
mas'uuliyadeedda uu qaaday Mudane
Maxamed Cabdiraxmaan, kuna dhiirrigeliyay inuu si daacadnimo leh uga shaqeeyo hirgelinta himilooyinka ururka.

DHAMMAAD

——————

Appointment of DOSYO’s Head of Social Affairs and Awareness

The Chairman of the DOSYO Organization, Mr. Ali Deyfullah, has appointed Mr. Mohamed Abdirahman Abdulkadir as the Head of Social Affairs and Awareness.

The Chairman commended Mohamed Abdirahman Abdulkadir for his skills and experience in advancing social issues and raising awareness. He expressed confidence that Mohamed will play a significant role in developing programs and campaigns to improve society and engage youth in meaningful activities.

The Chairman offered his prayers for Mohamed’s success in his new role and encouraged him to work with dedication in achieving the organization’s objectives.

END

Magacaabis Madaxa Xiriirada ee Ururka DOSYOGuddoomiyaha Guud ee Ururka DOSYO, Mudane Cali Deyfullah, ayaa xilka Madaxa X...
14/01/2025

Magacaabis Madaxa Xiriirada ee Ururka DOSYO

Guddoomiyaha Guud ee Ururka DOSYO, Mudane Cali Deyfullah, ayaa xilka Madaxa Xiriirada ee Ururka u magacaabay Mudane Cabdiweli Cumar Maxamed.

Guddoomiyaha ayaa ku amaanay Cabdiweli Cumar Maxamed inuu leeyahay xirfado iyo waayo-aragnimo sare oo ku saabsan dhismaha xiriirka xooggan iyo kobcinta iskaashiga caalamiga ah. Wuxuu rajeynayaa in Cabdiweli uu door muhiim ah ka qaato kor u qaadista sumcadda ururka iyo xoojinta xiriirada gudaha iyo kuwa caalamiga ah.

Guddoomiyaha ayaa ugu duceeyay Cabdiweli in Eebe u fududeeyo mas’uuliyadda cusub, kuna dhiirrigeliyay inuu si firfircoon ugu shaqeeyo hirgelinta himilooyinka ururka.

DHAMMAAD

——————

Appointment of DOSYO’s Head of Relations

The Chairman of the DOSYO Organization, Mr. Ali Deyfullah, has appointed Mr. Abdiweli Omar Mohamed as the Head of Relations.

The Chairman commended Abdiweli Omar Mohamed for his expertise and extensive experience in building strong relationships and fostering international partnerships. He expressed confidence that Abdiweli will play a vital role in enhancing the organization’s reputation and strengthening both domestic and international collaborations.

The Chairman offered his prayers for Abdiweli’s success in this new role and encouraged him to actively contribute to achieving the organization’s objectives.

END

Magacaabis Madaxa Waxbarashada iyo Tababarka ee Ururka DOSYOGuddoomiyaha Guud ee Ururka DOSYO, Mudane Cali Deyfullah, ay...
14/01/2025

Magacaabis Madaxa Waxbarashada iyo Tababarka ee Ururka DOSYO

Guddoomiyaha Guud ee Ururka DOSYO, Mudane Cali Deyfullah, ayaa xilka Madaxa Waxbarashada iyo Tababarka ee Ururka u magacaabay Marwo Fartuun Salaad Cabdiraxmaan.

Guddoomiyaha ayaa ku amaanay Fartuun Salaad kartida ay u leedahay arrimaha waxbarashada iyo horumarinta xirfadaha. Waxa uuna xusay in Fartuun ay door muhiim ah ka qaadan doonto dejinta barnaamijyo waxbarasho wax badan ku biirin doona waciyiga iyo aqoonta dhalinyarada iyo tababarro lagu taageerayo kor u qaadista xirfadaha dhallinyarada.

Guddoomiyaha ayaa u rajeeyay in Eebe u fududeeyo mas’uuliyadda culus ay qaaday, kuna dhiirrigeliyay in ay si daacadnimo leh uga shaqeyso horumarinta aqoonta iyo xirfadaha bulshada, gaar ahaan dhallinyarada.

DHAMMAAD

——————

Appointment of DOSYO’s Head of Education and Training

The Chairman of the DOSYO Organization, Mr. Ali Deyfullah, has appointed Ms. Fartun Salad Abdirahman as the Head of Education and Training.

The Chairman praised Fartun Salad Abdirahman for her skills and dedication to education and skill development. He emphasized that Fartun will play a vital role in creating quality educational programs and training initiatives to support the enhancement of youth skills.

The Chairman offered his prayers for Fartun’s success in her new responsibilities and encouraged her to work diligently toward advancing knowledge and skills within the community, especially among the youth.

END

Magacaabis Madaxa Arrimaha Dhallinyarada ee Ururka DOSYOGuddoomiyaha Guud ee Ururka DOSYO, Mudane Cali Deyfullah, ayaa x...
14/01/2025

Magacaabis Madaxa Arrimaha Dhallinyarada ee Ururka DOSYO

Guddoomiyaha Guud ee Ururka DOSYO, Mudane Cali Deyfullah, ayaa xilka Madaxa Arrimaha Dhallinyarada ee Ururka u magacaabay Mudane Cabdikariim Cabdullaahi Cusmaan.

Guddoomiyaha ayaa ku tilmaamay Cabdikariim inuu yahay shaqsi firfircoon lehna xirfado iyo aragti fog oo ku aaddan horumarinta dhallinyarada. Wuxuu rajo weyn ka muujiyay in Cabdikariim uu kaalin muuqata ka qaadan doono dhiirrigelinta dhallinyarada si ay ugu qeyb uga noqdaan barnaamijyadda ururka, horumarinta xirfadahooda, iyo kor u qaadista qaadista doorkooda hoggaamineed.

Guddoomiyaha ayaa ugu duceeyay in Eebe u fududeeyo mas’uuliyadda culus ee uu qaaday, kuna dhiirrigeliyay inuu si hufan ugu shaqeeyo u adeegidda dhallinyarada iyo gaarista himilooyinka ururka.

DHAMMAAD

——————

Appointment of DOSYO’s Head of Youth Affairs

The Chairman of the DOSYO Organization, Mr. Ali Deyfullah, has appointed Mr. Abdikarim Abdullahi Osman as the Head of Youth Affairs.

The Chairman described Abdikarim as an active and visionary individual with strong skills and a passion for youth development. He expressed confidence that Abdikarim will play a key role in promoting youth engagement, enhancing their skills, and empowering them to take on greater roles in society.

The Chairman offered prayers for Abdikarim’s success in this important role and encouraged him to work diligently toward serving the youth and achieving the organization’s goals.

END

Magacaabis Madaxa Cilmi-baarista iyo Horumarinta ee Ururka DOSYOGuddoomiyaha Guud ee Ururka DOSYO, Mudane Cali Deyfullah...
13/01/2025

Magacaabis Madaxa Cilmi-baarista iyo Horumarinta ee Ururka DOSYO

Guddoomiyaha Guud ee Ururka DOSYO, Mudane Cali Deyfullah, ayaa xilka Madaxa Cilmi-baarista iyo Horumarinta ee Ururka u magacaabay Mudane Cabdisalaan Xuseen Maxamuud.

Guddoomiyaha ayaa rajo weyn ka muujiyay in Cabdisalaan uu kaalin muuqata ka qaadan doono diyaarinta daraasado waxtar leh iyo mashaariic cusub oo lagu gaarayo himilooyinka ururka.

Guddoomiyaha ayaa ugu duceeyay in Eebe u fududeeyo mas’uuliyadda culus ee uu qaaday, kuna dhiirrigeliyay inuu dadaal weyn ku bixiyo horumarinta iyo guulaha ururka.

DHAMMAAD

——————

Appointment of DOSYO’s Head of Research and Development

The Chairman of the DOSYO Organization, Mr. Ali Deyfallah, has appointed Mr. Abdisalam Hussein Mohamoud as the Head of Research and Development.

The Chairman expressed strong confidence that Abdisalam will contribute significantly by preparing impactful studies and launching new initiatives to achieve the organization’s objectives.

The Chairman extended his prayers for success in this important role, encouraging him to dedicate great efforts toward the progress and achievements of the organization.

END

Magacaabis Madaxa Isgaarsiinta ee Ururka DOSYOGuddoomiyaha Guud ee Ururka DOSYO, Mudane Cali Deyfullah, ayaa xilka Madax...
12/01/2025

Magacaabis Madaxa Isgaarsiinta ee Ururka DOSYO

Guddoomiyaha Guud ee Ururka DOSYO, Mudane Cali Deyfullah, ayaa xilka Madaxa Isgaarsiinta ee Ururka u magacaabay Mudane Shuceyb Cali Cabdi Nuur.

Guddoomiyaha ayaa ku tilmaamay Shuceyb Cali inuu yahay shaqsi xirfad leh oo awood u leh inuu si hufan u hogaamiyo qeybta isgaarsiinta ee ururka. Wuxuu u rajeeyay inuu kaalin weyn ka qaato xiriirka ururka iyo bulshada.

DHAMMAAD

—————

Appointment of DOSYO’s Head of Communications

The Chairman of the DOSYO Organization, Mr. Ali Deyfullah, has appointed Mr. Shuceyb Ali Abdinor as the Head of Communications.

The Chairman described Shuceyb Ali Abdinor as a skilled individual with the ability to effectively lead the organization’s communications department.

END

Magacaabis Madaxa Maaliyadda ee Ururka DOSYOGuddoomiyaha Guud ee Ururka DOSYO, Mudane Cali Deyfullah, ayaa xilka Madaxa ...
12/01/2025

Magacaabis Madaxa Maaliyadda ee Ururka DOSYO

Guddoomiyaha Guud ee Ururka DOSYO, Mudane Cali Deyfullah, ayaa xilka Madaxa Maaliyadda ee Ururka u magacaabay Mudane Cabdifataax Mahad Nuur.

Guddoomiyaha ayaa u rajeeyay Mudane Cabdifataax inuu si wanaagsan u uga baxo mas’uuliyadda cusub ee uu qaaday, isla markaana kaalin muuqata ka qaato horumarinta iyo maamulidda dhaqaalaha ururka.

DHAMMAAD

——————

Appointment of DOSYO’s Head of Finance

The Chairman of the DOSYO Organization, Mr. Ali Deyfullah, has appointed Mr. Abdifatah Mahad Nor as the Head of Finance.

The Chairman wished Mr. Abdifatah to successfully fulfill the new responsibility he has taken on and to play a significant role in the development and management of the organization’s finances.

END

Magacaabis Madaxa Qorsheynta ee Ururka DOSYOGuddoomiyaha Guud ee Ururka DOSYO, Mudane Cali Deyfallah, ayaa xilka Madaxa ...
11/01/2025

Magacaabis Madaxa Qorsheynta ee Ururka DOSYO

Guddoomiyaha Guud ee Ururka DOSYO, Mudane Cali Deyfallah, ayaa xilka Madaxa Qorsheynta ee Ururka u magacaabay Mudane Maxamed Xasan Xaaji.

Guddoomiyaha ayaa ku tilmaamay Maxamed Xasan Xaaji inuu yahay shaqsi karti iyo aragti fog leh oo si gaar ah ugu howlan qorsheynta iyo hirgelinta himilooyinka ururka. Wuxuu sidoo kale rajeynayaa inuu door weyn ka qaadan doono dejinta istaraatiijiyadaha iyo qorshayaasha waxtarka leh ee lagu gaarsiinayo guulaha ururka.
Guddoomiyaha ayaa u rajeeyay in Eebe u fududeeyo shaqada adag ee mas'uuliyadeedda uu qaaday Mudane Maxamed Xasan.

DHAMMAAD

——————

Appointment of DOSYO’s Head of Planning

The Chairman of the DOSYO Organization, Mr. Ali Deyfullah, has appointed Mr. Mohamed Hassan Haji as the Head of Planning for the organization.

The Chairman described Mohamed Hassan Haji as a visionary and skilled individual committed to planning and implementing the organization’s aspirations. He expressed confidence that Mohamed will play a vital role in developing effective strategies and plans to achieve the organization’s goals.
The Chairman wished Mr. Mohamed Hassan ease and success in fulfilling the challenging responsibilities he has undertaken.

END

Address

Mogadisho

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Development Organization for Somali Youth DOSYO posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Development Organization for Somali Youth DOSYO:

Share