10/12/2025
Xafiiska Ururka Bisha Cas ee Laascaanood wuxuu maanta soo dhaweeyey booqashada Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka DG Waqooyi-Bari Soomaaliya, Drs. Niciimo Faarax Caydiid, oo kormeer shaqo ku timid xarunta gobolka Sool. Safarka Wasiir-ku-xigeenka ayaa qayb ka ahaa dadaallada lagu hubinayo tayada adeegyada caafimaad ee bulshada loo qabto.
Mas’uuliyiinta Bisha Cas ee gobolka Sool, oo uu hoggaaminayey Guddoomiyaha Axmed Aw-Maxamuud Warsame, ayaa wasiir-ku-xigeenka ku soo bandhigay warbixin ku saabsan shaqooyinka caafimaad ee ururku ka fuliyo gobolka, dadka uu caawiyo, iyo caqabadaha u baahan iskaashi dowladeed. Sidoo kale, Dr. Sharmaarke Cabdirashiid Maxamed, Madaxa Guud ee Caafimaadka ururka, ayaa sharaxaad ka bixiyey horumarada ku saabsan adeegyada caafimaad ee degdegga ah, daryeelka hooyada iyo dhallaanka, iyo barnaamijyada gurmadka bini’aadantinimo.
Bisha Cas ee Laascaanood waxay uga mahadcelinaysaa wasaaradda dadaalka ay ku bixisay kormeerka iyo dib-u-eegista sanadlaha ah ee xarumaha caafimaadka. Ururku wuxuu ballan qaaday inuu sii wadi doono bixinta adeegyo caafimaad oo hufan, isagoo la shaqeynaya wasaaradda iyo bah-wadaagta kale ee caafimaadka si loo kordhiyo adeegyada bulshada gobolka Sool.