SRCS Lasanod Branch

Directions Website

SRCS Lasanod Branch The main activities of Las-Anod branch are health, tracing, dissemination, first aid, Disaster Management, Community Resilience, and health education.

17/09/2026
20/04/2026

Volunteers are the heartbeat of humanity.

Across 191 countries, 17 million Red Cross and Red Crescent volunteers respond to crises and drive local action with global impact.

2026 is , a year to celebrate them.

Xogta TababarkaInfection Prevention and Control (IPC)Ururka Bisha Cas ayaa qabanaya tababar dhammaystiran oo ku saabsan ...
20/04/2026

Xogta Tababarka
Infection Prevention and Control (IPC)

Ururka Bisha Cas ayaa qabanaya tababar dhammaystiran oo ku saabsan Ka Hortagga iyo Xakamaynta Caabuqyada (IPC). Barnaamijkan wuxuu door weyn ka qaadanayaa kor u qaadista tayada adeegyada caafimaadka iyo hubinta badbaadada shaqaalaha caafimaadka iyo bulshada guud ahaan.

Ujeeddooyinka Muhiimka ah ee Tababarka IPC

Tababarku wuxuu diiradda saarayaa in ka qaybgalayaasha lagu qalabeeyo xirfado muhiim ah oo looga hortago faafidda caabuqyada gudaha xarumaha caafimaadka iyo bulshada. Qodobada ugu muhiimsan waxaa ka mid ah:

* Ka Hortagga Heerka Aasaasiga ah (Standard Precautions):
Barashada nadaafadda gacmaha, isticmaalka saxda ah ee qalabka ilaalinta shaqsiga (PPE), iyo hababka duritaanka badbaadada leh.
* Nadiifinta iyo Jeermis-dilidda (Decontamination):
Hababka lagu nadiifiyo, lagu jeermis dilo, laguna nadiifiyo qalabka caafimaadka.
* Maareynta Qashinka (Waste Management):
Sida saxda ah ee loo maareeyo loona tuuro qashinka caafimaadka iyo kuwa caabuqa leh si looga hortago khataraha deegaanka.
* Ka Hortagga Ku Saleysan Faafidda (Transmission-Based Precautions):
Habraacyo gaar ah oo loogu talagalay cudurrada ku faafa hawada, dhibcaha (droplet), iyo taabashada (contact).

Sababta Ay Muhiim u Tahay

Tababarkan oo soconaya 4 maalmood, laguna qabanayo hoolka SRCS, wuxuu si toos ah u xoojinayaa nidaamka caafimaadka deegaanka. Ka qaybgalayaasha hela shahaado waxaa loo aqoonsan doonaa inay yihiin shaqaale si fiican u tababaran oo awood u leh ilaalinta heerar nadaafadeed oo sare—taas oo muhiim u ah dhimista caabuqyada ka dhasha xarumaha caafimaadka (HAIs).

Isdiiwaangelin

Isdiiwaangelintu way socotaa.
Booqo xafiiska Bisha Cas ee Laascaanood.

📞 Kala soo xiriir: 634988879 / 634269967

⚠️ Fadlan h**e isudiiwaangeli, maadaama tirada ka faa’iidaysanaysa ay xaddidan tahay.

🔊Ogaysiis Ogaysiis Ogaysiis.Waxaa la ogaysiinayaa dhamaan bulsho waynta ku dhaqan maagalada Las'anod iyo nawaaxigeeda in...
23/03/2026

🔊Ogaysiis Ogaysiis Ogaysiis.

Waxaa la ogaysiinayaa dhamaan bulsho waynta ku dhaqan maagalada Las'anod iyo nawaaxigeeda in xafiiska bishacas ee xarunta Las'anod uu bixinayo tababar socon doona muddo kooban kaas oo ah (First Aid Training). Tababar kan ayaa quseeya bad baadinta ama u gargaarida dadka dhiban ama dhaawacyadu soo gaadhaan (First Aid).

Kala xiriir. Numberadan. Hoos ku xusan
📞 0634988879

" Waad bad baadin kartaa naf ama gacan baad ka gaysankartaa si degdeg ah nabad gelyo leh oo bini aadantinimo ku jirto".

Bulshada reer Laascaanood iyo guud ahaan Waqooyi Bari waxaa mar kale la xusuusinayaa in hadii ay timaaddo xaalad degdeg ...
17/01/2026

Bulshada reer Laascaanood iyo guud ahaan Waqooyi Bari waxaa mar kale la xusuusinayaa in hadii ay timaaddo xaalad degdeg ah, ay si toos ah ula soo xiriiri karaan adeegga gargaarka degdegga ah ee Bisha Cas.

📞 Soo wac 936 si aad u hesho gargaar degdeg ah.

Qaybta Gargaarka Degdegga ah ee Ururka Bisha Cas Laantisa Lascaanood waxay diyaar u tahay u adeegidda bulshada xaaladaha...
13/01/2026

Qaybta Gargaarka Degdegga ah ee Ururka Bisha Cas Laantisa Lascaanood waxay diyaar u tahay u adeegidda bulshada xaaladaha degdegga ah.

📞 soo wac 936 si aad u hesho gargaar degdeg ah.

SRCS Lasanod Branch First Aid & Pre-Hospital Emergency Unit is ready to serve the community during emergencies.

📞 Call 936 for immediate first aid and emergency support.

Xafiiska Ururka Bisha Cas ee Laascaanood wuxuu maanta soo dhaweeyey booqashada Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka...
10/12/2025

Xafiiska Ururka Bisha Cas ee Laascaanood wuxuu maanta soo dhaweeyey booqashada Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka DG Waqooyi-Bari Soomaaliya, Drs. Niciimo Faarax Caydiid, oo kormeer shaqo ku timid xarunta gobolka Sool. Safarka Wasiir-ku-xigeenka ayaa qayb ka ahaa dadaallada lagu hubinayo tayada adeegyada caafimaad ee bulshada loo qabto.

Mas’uuliyiinta Bisha Cas ee gobolka Sool, oo uu hoggaaminayey Guddoomiyaha Axmed Aw-Maxamuud Warsame, ayaa wasiir-ku-xigeenka ku soo bandhigay warbixin ku saabsan shaqooyinka caafimaad ee ururku ka fuliyo gobolka, dadka uu caawiyo, iyo caqabadaha u baahan iskaashi dowladeed. Sidoo kale, Dr. Sharmaarke Cabdirashiid Maxamed, Madaxa Guud ee Caafimaadka ururka, ayaa sharaxaad ka bixiyey horumarada ku saabsan adeegyada caafimaad ee degdegga ah, daryeelka hooyada iyo dhallaanka, iyo barnaamijyada gurmadka bini’aadantinimo.

Bisha Cas ee Laascaanood waxay uga mahadcelinaysaa wasaaradda dadaalka ay ku bixisay kormeerka iyo dib-u-eegista sanadlaha ah ee xarumaha caafimaadka. Ururku wuxuu ballan qaaday inuu sii wadi doono bixinta adeegyo caafimaad oo hufan, isagoo la shaqeynaya wasaaradda iyo bah-wadaagta kale ee caafimaadka si loo kordhiyo adeegyada bulshada gobolka Sool.

Address

Bishacas Road
Laascaanood

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when SRCS Lasanod Branch posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share