13/12/2024
Gorfaynta dhiganaha:"مصادر تارخ الصومال ومراجعه عرض ونقد"
Jimce, Deseember 13, 2024, Laascaanood, golaha akhriska ee OGAAL, waxa uu gorfeeyey dhiganaha:"مصادر تاريخ الصومال ومراجعه عرض ونقد" ee uu qoray ustaad: Maxamed Xuseen Macallin Cali.
Dhab ahaan, qoraagu mawduucii uu u qalin-qaatay si weyn ayuu uga soo dhalaalay. Waxa uu qoraagu u banbaxay in uu in keeno ilaha taariikhda Soomaalida laga heli karo iyo maraajicda loogu laaban karo sugnaanta taariikhda dalka iyo dadka Soomaaliyeed. Waxa uu sheegay marjac kasta iyo mawduuca uu diiradda saarayo ee loogu laaban karo, dhiganeyaasha maraajicda ah ee uu soo qaatayna waxa uu ku sameeyey isdultaag cuddoon oo akhristaha fahan hordhac ah oo muc leh ka siinaya sooyaalka loogu tegayo.
Hordhac guud oo cilmiga taariikda ah kadib, dhiganahu waxa uu ka koobanyahay: guudmarka afar cutub oo waaweyn iyo maraajicdooda kuwaas oo kala ah: sooyaalkii hore(qadiimka ah) ee Soomaalida, Soomaaliya iyo xilligii Islaamku soo gaadhay, taariikhda Soomaaliya ee waayaha casriga ah; xilligii gumaysiga illaa burburkii, iyo ugu danbayn, cutubka afraad, oo uu ku soo qaadanayo: aagag muhiim ah oo ay Soomaalidu qoraalkeeda ku abbaartay, kuwaas oo ay ugu waaweynyihiin qoraalka ay Soomaalidu ka samaysay:
b) taariikh-nololeedka qof leeyahay
t) taariikhda qabaai'lka Soomaaliyeed
j) warbaahinta iyo hawlaheeda
x) waayaha magaalooyinka Soomaaliyeed qaarkood
kh) tagtada culimada Suufiyada iyo cibaado-u-go'a(suhdiga).
Ugu danbayn, kitaabku waa mid ka mid ah dhiganeyaasha ugu mucda badan ee laga qoray sooyaalka Soomaalida, waxaana akhristuhu ka helayaa magacyada marjacyo tiro badan oo uu taariikhda Soomaalida ugu laaban karo.
Guud ahaanna, waa dhigane ka soo baxay ujeedadii loo qoray.
Q. Axmed Cabdi Faarax
Golaha akhriska OGAAL
Allaa mahad leh.