Golaha Akhriska ee Ogaal

Golaha Akhriska ee Ogaal OGAAL, waa gole akhris oo ka jira magaalada Laascaanood ee caasimadda SSC-KHAATUMO.

Waxa uu ka shaqeeyaa horumarinta akhriska xubnihiisa iyo bulshada oo idil ba.

Gorfaynta dhiganaha:"مصادر تارخ الصومال ومراجعه عرض ونقد"Jimce, Deseember 13, 2024, Laascaanood,  golaha akhriska ee OGA...
13/12/2024

Gorfaynta dhiganaha:"مصادر تارخ الصومال ومراجعه عرض ونقد"

Jimce, Deseember 13, 2024, Laascaanood, golaha akhriska ee OGAAL, waxa uu gorfeeyey dhiganaha:"مصادر تاريخ الصومال ومراجعه عرض ونقد" ee uu qoray ustaad: Maxamed Xuseen Macallin Cali.

Dhab ahaan, qoraagu mawduucii uu u qalin-qaatay si weyn ayuu uga soo dhalaalay. Waxa uu qoraagu u banbaxay in uu in keeno ilaha taariikhda Soomaalida laga heli karo iyo maraajicda loogu laaban karo sugnaanta taariikhda dalka iyo dadka Soomaaliyeed. Waxa uu sheegay marjac kasta iyo mawduuca uu diiradda saarayo ee loogu laaban karo, dhiganeyaasha maraajicda ah ee uu soo qaatayna waxa uu ku sameeyey isdultaag cuddoon oo akhristaha fahan hordhac ah oo muc leh ka siinaya sooyaalka loogu tegayo.

Hordhac guud oo cilmiga taariikda ah kadib, dhiganahu waxa uu ka koobanyahay: guudmarka afar cutub oo waaweyn iyo maraajicdooda kuwaas oo kala ah: sooyaalkii hore(qadiimka ah) ee Soomaalida, Soomaaliya iyo xilligii Islaamku soo gaadhay, taariikhda Soomaaliya ee waayaha casriga ah; xilligii gumaysiga illaa burburkii, iyo ugu danbayn, cutubka afraad, oo uu ku soo qaadanayo: aagag muhiim ah oo ay Soomaalidu qoraalkeeda ku abbaartay, kuwaas oo ay ugu waaweynyihiin qoraalka ay Soomaalidu ka samaysay:

b) taariikh-nololeedka qof leeyahay
t) taariikhda qabaai'lka Soomaaliyeed
j) warbaahinta iyo hawlaheeda
x) waayaha magaalooyinka Soomaaliyeed qaarkood
kh) tagtada culimada Suufiyada iyo cibaado-u-go'a(suhdiga).

Ugu danbayn, kitaabku waa mid ka mid ah dhiganeyaasha ugu mucda badan ee laga qoray sooyaalka Soomaalida, waxaana akhristuhu ka helayaa magacyada marjacyo tiro badan oo uu taariikhda Soomaalida ugu laaban karo.
Guud ahaanna, waa dhigane ka soo baxay ujeedadii loo qoray.

Q. Axmed Cabdi Faarax

Golaha akhriska OGAAL

Allaa mahad leh.

21/02/2024

Qoristii far Soomaalida.

Waa sannadkii 1972-dii; waxaa soomaalida u dhashay waxay waayo sugayeen, waxay heleen tawanaanshihii ay tebayeen inay arkaan far Soomaalida oo qoran. Dadaallo badan oo loo sameeyey si keli ah iyo si wadar ahba waa lasoo arkay se guusha lama dhadhamin sannadkan ka hor midhuhuna uma bislaan siday xilligan yihiin waa 1972-dii e.

Xilliyo badan bay aqoonyahanno soomaali ahi isku dayeen inay qoraan farteenna marka laga soo bilaabo inta la ogyahay Cismaan Yuusuf Keenadiid oo 1920-kii qoray far Cusmaaniya la magac baxday. Inta u dhaxaysay 1950-1960 bay aad usoo ifbexeen qoraayo Soomaaliyeed oo arrintan ku dhiiranaya kuwaas oo keenay faro laatiin iyo Carabi kala ahaa.

1960-kii ayaa Madaxweyne Aadan-Cadde magacaabay guddi ka kooban sagaal xubnood kuwaas oo kasoo talinaya farta aynu qaadan doono; waxay ahaayeen gudidaasi.

1. Muuse Xaaji Ismaaciil Galaal, Guddoomiye
2. Yaasiin Cusmaan Yuusuf – xubin
3. Maxamuud Saalex (Ladane)- Xubin
4. Dr Ibraahim Xaashi Maxamuud – xubin
5. Khaliif Suudi- Xubin
6. Mustfa Sheekh Xasan- xubin
7. Shire Jaamac Axmed- Xubin
8. Xuseen Sheekh Axmed (Kaddare)- Xubin
9. Yuusuf Maygaag Samatar- Xoghayn

Aqoon baadhis iyo xog ururin ay sameeyeen kadib waxay gudidani soo jeediyeen in la qaato farta Shire Jaamac Axmed oo laatiin ahayd taas oo dadka qaar u arkayeen in Laatiin tahay Laadiin sidaas darteed aysan suubanayn in la qaato. Waxay kaalinta labaad soo geliyeen farta uu sameeyey Xuseen Sheekh Axmed Kaddare.

21 January 1971 Waxaa la dhisay guddiga AfSoomaaliga, gudigan waxaa dhisay golaha sare ee kacaanka si ay u sameeyaan xarfaha ugu haboon ee lagu qoraayo Soomaaliga.
Guddigan waxaa uu ka koobnaa 21 oo ah xeeldheerayaal Afafka ah iyo labo lataliye. 1972-dii bishii February 21-dii ayaa lagu dhawaaqay farta la isla qaatay kadibna waxaa lagu dhigay dugsiyadii. Intaas kadib waxaa la qaaday ololihii far barista reer miyiga oo ay samaynayeen dhallintii dugsiyada ku baratay.

Magacyada gudidii.
1. Sharif Salah Mohamed Ali, Gudoomiye
2. Yaasin Cismaan Keenadiid
3. Mustaf Sheekh Xasan
4. Axmed Cali Abokar
5. Yuusuf Xirsi Axmed
6. Msuse Xaaji Ismaaciil Galaal
7. Cabdidaahir Affey,
8. Aw Jaamac Cumar Ciise
9. Dahabo Faarax Xasan
10. Cabdulaahi Xaaji Abuubakar
11. Cabdullaahi Ardeeye
12. Xasan Sheekh Muumin
13. Maxamed Nuur Caalin
14. Maxamed Xasan Aaden (Gaheyr)
15. Xirsi Magan Ciise
16. Cumar Aw Nuux
17. Cabdullaahi Xaaji Maxamuud (Insaaniya)
18. Iikar Bannaa Xadaad
19. Aaqib Cabdullaahi
20. Xuseen Sheekh Axmed Kadare
21. Axmed Cartan Xaange
22. Maxamed Xaaji Xuseen Sheeko Xariir
23. Cabdiraxmaan Nuur Xirsi

~ Afhayeenka Golaha Akhriska ee Ogaal.

"Maadaama uu Jawaad Albaqdaadii hal xabbo ku dhuftay Wasfi At-tel balse waxaa la helay xabbad kale oo kaga dhacday garab...
10/02/2024

"Maadaama uu Jawaad Albaqdaadii hal xabbo ku dhuftay Wasfi At-tel balse waxaa la helay xabbad kale oo kaga dhacday garabka taas oo xeer-ilaalintii Maxkamaddu sheegtay in Wasfi u geeriyooday xabbadda garabka markaasna aan la hayn cidda ku dhufatay, Jawaad Albaqdaadina kiiskan lagu waayey maadaama xabbadiisu cududda kaga dhacday. Warbixinta maxkamadda waxay reer Urdun ugu yeedheen Masrixiyad."

Qoraalkan oo ah guudmarka iyo sookoobidda buugga Amiirka Cas ee uu qoray Kamaal Marjaan, isaga oo dhammaystiran kala deg oo ka akhriso ligaxan hoose. Waana qalinkii: Maansaawi Axmed Cali

Address

Laascaanood

Telephone

+252634958509

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Golaha Akhriska ee Ogaal posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share