Damal Relief Organization

Call Directions Contact the organization

Damal Relief Organization Empowering vulnerable communities through education, humanitarian assistance, volunteerism and sustainable development.
(1)

๐‡๐€๐Œ๐๐€๐‹๐˜๐Ž ๐€๐‘๐ƒ๐€๐˜๐†๐„๐„๐๐๐€!!!Ururka Damal Relief Organization wuxuu si weyn ugu hambalyeynayaa arday kamid ah ardayda uu ururk...
11/09/2026

๐‡๐€๐Œ๐๐€๐‹๐˜๐Ž ๐€๐‘๐ƒ๐€๐˜๐†๐„๐„๐๐๐€!!!

Ururka Damal Relief Organization wuxuu si weyn ugu hambalyeynayaa arday kamid ah ardayda uu ururku kafaalo-qaaday waxbarashadooda, kaas oo noqday ardayga ugu sarreeya dugsiga Aflah Primary & Intermediate School, isagoo ku guuleystay 94.8%.

Ardaygan oo hadda dhigta Fasalka 7aad, wuxuu muujiyey dadaal iyo karti waxbarasho oo mudan bogaadin iyo garab istaag dhab ah.

Ururku wuxuu ballan qaadayaa inuu sii wadi doono taageerada iyo garab istaagga isaga iyo carruurta kaleba ilaa ay ka xaqiijinayaan himiladooda mustaqbalka, waxaana u rajaynaynaa guul joogta ah.

Ururku wuxuu sannad kasta guddoonsiin doonaa abaalmarin dhiirrigelin ah saddexda arday ee ugu sarreeya ardayda uu kafaalo-qaaday waxbarashadooda, si loo xoojiyo looguna dhiirrigeliyo waxbarashada.

๐—™๐—ถ๐—ถ๐—ฟ๐—ผ ๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ ๐—ฎ๐—ต: Si loo ilaaliyo xuquuqda iyo asturnaanta ilmaha, magaca iyo sawirka dhabta ah lama shaacin. Sawirka la isticmaalay waa sawir macmal ah.

01/09/2026

๐ƒ๐€๐Œ๐€๐‹ ๐‘๐„๐‹๐ˆ๐„๐… ๐Ž๐‘๐†๐€๐๐ˆ๐™๐€๐“๐ˆ๐Ž๐
๐€๐๐๐”๐€๐‹ ๐†๐„๐๐„๐‘๐€๐‹ ๐Œ๐„๐„๐“๐ˆ๐๐† ๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ”

๐‘ฝ๐’Š๐’†๐’๐’๐’‚, ๐‘จ๐’–๐’”๐’•๐’“๐’Š๐’‚ | 27โ€“30 ๐‘จ๐’–๐’ˆ๐’–๐’”๐’• 2026

๐–๐€๐‘-๐Œ๐”๐‘๐“๐ˆ๐˜๐„๐„๐ƒ๐Š๐€ ๐Š๐”๐‹๐€๐๐Š๐€ ๐†๐”๐”๐ƒ ๐„๐„ ๐ƒ๐€๐Œ๐€๐‹ ๐‘๐„๐‹๐ˆ๐„๐… ๐Ž๐‘๐†๐€๐๐ˆ๐™๐€๐“๐ˆ๐Ž๐ (๐ƒ๐‘๐Ž)๐ƒ๐ข๐› ๐ฎ ๐ž๐ž๐ ๐ข๐ฌ๐ญ๐š ๐’๐š๐Ÿ๐š๐ซ๐ค๐š & ๐๐š๐š๐›๐š๐ฒ๐ง๐ญ๐š ๐Œ๐ฎ๐ฌ๐ญ๐š๐ช๐›๐š๐ฅ๐ค๐š.๐•๐ข๐ž๐ง๐ง๐š, ๐€๐ฎ๐ฌ...
31/08/2026

๐–๐€๐‘-๐Œ๐”๐‘๐“๐ˆ๐˜๐„๐„๐ƒ๐Š๐€ ๐Š๐”๐‹๐€๐๐Š๐€ ๐†๐”๐”๐ƒ ๐„๐„ ๐ƒ๐€๐Œ๐€๐‹ ๐‘๐„๐‹๐ˆ๐„๐… ๐Ž๐‘๐†๐€๐๐ˆ๐™๐€๐“๐ˆ๐Ž๐ (๐ƒ๐‘๐Ž)

๐ƒ๐ข๐› ๐ฎ ๐ž๐ž๐ ๐ข๐ฌ๐ญ๐š ๐’๐š๐Ÿ๐š๐ซ๐ค๐š & ๐๐š๐š๐›๐š๐ฒ๐ง๐ญ๐š ๐Œ๐ฎ๐ฌ๐ญ๐š๐ช๐›๐š๐ฅ๐ค๐š.

๐•๐ข๐ž๐ง๐ง๐š, ๐€๐ฎ๐ฌ๐ญ๐ซ๐ข๐š | ๐Ÿ๐Ÿ•โ€“๐Ÿ‘๐ŸŽ ๐€๐ ๐จ๐จ๐ฌ๐ญ๐จ ๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ”

๐ƒ๐š๐ฆ๐š๐ฅ ๐‘๐ž๐ฅ๐ข๐ž๐Ÿ ๐Ž๐ซ๐ ๐š๐ง๐ข๐ณ๐š๐ญ๐ข๐จ๐ง| Waxaa si guul leh u soo gabagaboobay kulankii golaha guud ee urur Damal kaas oo markii ugu horreysay si ka fool-ka-fool ah loogu qabtay dalka Austria, gaar ahaan caasimadda dalkaas ee Vienna, intii u dhexeysay ๐Ÿ๐Ÿ•โ€“๐Ÿ‘๐ŸŽ ๐€๐ ๐จ๐จ๐ฌ๐ญ๐จ ๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ”.

Kulanku wuxuu ahaa fursad muhiim ah oo xubnaha golaha guud ay ku mideeyeen aragtiyahooda, ku qiimeeyeen safarkii iyo waxqabadkii ururka, kuna dejisteen jihada iyo mudnaanta marxaladda cusub.

Intii uu kulanku socday, Golaha Guud wuxuu si qoto dheer uga wada hadlay waxqabadkii iyo horumarkii Damal, guulihii la gaadhay, saamayntii ka dhalatay hawlaha, caqabadihii la soo maray iyo casharradii laga bartay. Waxaa sidoo kale xoogga la saaray xoojinta maamulka, isla xisaabtanka, wada shaqaynta iyo lahaanshaha wadajirka ah ee ururka.

Goluhu wuxuu ka wada tashaday jihada cusub ee Damal iyo mudnaanta istaraatiijiyadeed ee 2026โ€“2030, iyadoo la isla eegay xoojinta barnaamijyada waxbarashada, gargaarka baniโ€™aadannimo, horumarinta bulshada, adeegyada bulshada, iskaashiga iyo dhismaha awoodda hayโ€™adeed ee ururka.

Waxaa la isla qaatay in marxaladda cusub lagu saleeyo nidaam shaqo oo qorshaysan, masuuliyad cad, wada-shaqayn wax ku ool ah, isla xisaabtan iyo saamayn la cabbiri karo, iyadoo mudnaanta la siinayo baahiyaha bulshada iyo carruurta nugul.

Kulanku wuxuu sidoo kale ahaa fursad qiimo leh oo lagu xoojiyey isbarashada, isku-xidhnaanta iyo walaaltinimada xubnaha, gaar ahaan xubno muddo ku dhow saddex sano wada shaqaynayey oo qaar ka mid ahi aanay horey si ka fool-ka-fool ah isu arag waligood.

๐†๐Žโ€™๐€๐€๐๐๐€๐ƒ๐€ ๐ˆ๐˜๐Ž ๐‰๐ˆ๐‡๐€๐ƒ๐€ ๐Œ๐€๐‘๐—๐€๐‹๐€๐ƒ๐ƒ๐€ ๐‚๐”๐’๐”๐.

Golaha Guud wuxuu muujiyey sida ay uga goโ€™an tahay:

In la xoojiyo midnimada, wada-shaqaynta iyo lahaanshaha wadajirka ah.

In la joogteeyo kulamada ka fool ka foolka ah ee golaha guud, si ay u noqdaan madal joogto ah oo lagu xoojiyo isbarashada, isku-xidhnaanta, wada-shaqaynta iyo wada-tashiga xubnaha.

In la horumariyo nidaamka maamulka, maaliyadda iyo isla-xisaabtanka.

In la sii xoojiyo lana ballaariyo barnaamijyada mudnaanta leh.

In la dhiso iskaashi iyo bahwadaag istaraatiiji ah.

In la kordhiyo ka qaybgalka iyo masuuliyadda xubnaha.

In qorshayaasha la dejiyo loo beddelo tallaabooyin cad, masuuliyado qeexan iyo natiijooyin la cabbiri karo.

In la diyaariyo lana hirgeliyo jihada istaraatiijiyadeed ee 2026โ€“2030

๐†๐”๐๐€๐€๐๐€๐ƒ.

Kulanka golaha guud wuxuu noqday tallaabo muhiim ah oo cusub oo ku aaddan dhismaha iyo horumarinta Damal Relief Organization. Wuxuu xoojiyey midnimada xubnaha, cusboonaysiiyey himilada wadajirka ah, wuxuuna abuuray aragti cad oo ku wajahan marxaladda soo socota.

๐ƒ๐š๐ฆ๐š๐ฅ ๐‘๐ž๐ฅ๐ข๐ž๐Ÿ ๐Ž๐ซ๐ ๐š๐ง๐ข๐ณ๐š๐ญ๐ข๐จ๐ง. ๐‘Š๐‘Ž๐‘ฅ๐‘๐‘Ž๐‘Ÿ๐‘Ž๐‘ โ„Ž๐‘œ โ€ข ๐บ๐‘Ž๐‘Ÿ๐‘”๐‘Ž๐‘Ž๐‘Ÿ๐‘˜๐‘Ž ๐‘๐‘Ž๐‘›๐‘–โ€™๐‘Ž๐‘Ž๐‘‘๐‘Ž๐‘›๐‘›๐‘–๐‘š๐‘œ โ€ข ๐ป๐‘œ๐‘Ÿ๐‘ข๐‘š๐‘Ž๐‘Ÿ๐‘–๐‘›๐‘ก๐‘Ž ๐ต๐‘ข๐‘™๐‘ โ„Ž๐‘Ž๐‘‘๐‘Ž โ€ข ๐ผ๐‘ ๐‘˜๐‘Ž๐‘Ž ๐‘ค๐‘Ž๐‘ฅ ๐‘ข ๐‘ž๐‘Ž๐‘๐‘ ๐‘œ โ€ข ๐‘†๐‘Ž๐‘Ž๐‘š๐‘Ž๐‘ฆ๐‘› ๐‘Š๐‘Ž๐‘Ž๐‘Ÿ๐‘ก๐‘Ž.

๐‘‰๐‘–๐‘’๐‘›๐‘›๐‘Ž, ๐ด๐‘ข๐‘ ๐‘ก๐‘Ÿ๐‘–๐‘Ž | ๐ด๐‘”๐‘œ๐‘œ๐‘ ๐‘ก๐‘œ 2026

๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐’๐š๐ง๐ง๐š๐๐ฅ๐š๐ก๐š ๐š๐ก ๐ž๐ž Damal Relief Organizationโ€“ ๐•๐ข๐ž๐ง๐ง๐š, ๐€๐ฎ๐ฌ๐ญ๐ซ๐ข๐š.Markii ugu horreysay, ๐ƒ๐š๐ฆ๐š๐ฅ ๐‘๐ž๐ฅ๐ข๐ž๐Ÿ ๐Ž๐ซ๐ ๐š๐ง๐ข๐ณ๐š๐ญ๐ข๐จ๐ง ...
23/08/2026

๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐’๐š๐ง๐ง๐š๐๐ฅ๐š๐ก๐š ๐š๐ก ๐ž๐ž Damal Relief Organizationโ€“ ๐•๐ข๐ž๐ง๐ง๐š, ๐€๐ฎ๐ฌ๐ญ๐ซ๐ข๐š.

Markii ugu horreysay, ๐ƒ๐š๐ฆ๐š๐ฅ ๐‘๐ž๐ฅ๐ข๐ž๐Ÿ ๐Ž๐ซ๐ ๐š๐ง๐ข๐ณ๐š๐ญ๐ข๐จ๐ง waxay shirweynaheeda sannadlaha ah ku qabanayaan ๐•๐ข๐ž๐ง๐ง๐š, ๐€๐ฎ๐ฌ๐ญ๐ซ๐ข๐š, kaddib muddo ku dhow laba sano iyo bar oo ururku ku hawlanaa adeegga bulshada, gaar ahaan gurmadka waxbarashada carruurta agoonta.

Shirweynahan wuxuu noqonayaa fursad muhiim ah oo lagu qiimeeyo shaqadii iyo guulihii la gaaray, gaar ahaan gurmadka waxbarashada iyo taageerada carruurta agoonta, isla markaana lagu dejiyo qorshayaal cusub iyo waddooyin hor leh oo lagu sii xoojinayo hawlaha ururka.

DRO waxay shirkan ku eegi doonaan sida loo kordhin karo waxqabadka, loo ballaarin karo adeegyada, loona xoojin karo awoodda ururka, si uu mustaqbalka si ka wanaagsan ugu adeego bulshada, gaar ahaan carruurta iyo dadka u baahan garab iyo fursad.

๐Ÿ“ ๐•๐ข๐ž๐ง๐ง๐š, ๐€๐ฎ๐ฌ๐ญ๐ซ๐ข๐š
๐Ÿ“… ๐Ÿ๐Ÿ•โ€“๐Ÿ‘๐ŸŽ ๐€๐ ๐จ๐จ๐ฌ๐ญ๐จ ๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ”

๐‹๐€๐€๐’๐‚๐€๐€๐๐Ž๐Ž๐ƒ| Ururka Damal Relief Organization ayaa maanta magaalada Laascaanood kaga qayb galay kulan muhiim ah oo ay is...
16/08/2026

๐‹๐€๐€๐’๐‚๐€๐€๐๐Ž๐Ž๐ƒ| Ururka Damal Relief Organization ayaa maanta magaalada Laascaanood kaga qayb galay kulan muhiim ah oo ay isugu yimaadeen Qaramada Midoobay (UN), hayโ€™adaha baniโ€™aadantinimada, ururrada maxalliga ah iyo Dowladda Waqooyi Bari Soomaaliya.

Kulanka waxaa hoggaaminayay ๐Œ๐ซ. ๐†๐ž๐จ๐ซ๐ ๐ž ๐‚๐จ๐ง๐ฐ๐š๐ฒ, Kuxigeenka ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, ahna isku-duwaha arrimaha baniโ€™aadantinimada ee Qaramada Midoobay Soomaaliya.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga, isku-dubbaridka hawlaha baniโ€™aadantinimo iyo dardargelinta adeegyada bulshada, si gargaarka iyo mashaariicda horumarineed loogu gaarsiiyo bulshada si hufan oo waafaqsan baahiyahooda dhabta ah.

๐ƒ๐š๐ฆ๐š๐ฅ ๐‘๐ž๐ฅ๐ข๐ž๐Ÿ ๐Ž๐ซ๐ ๐š๐ง๐ข๐ณ๐š๐ญ๐ข๐จ๐ง waxay ka qaybgalka kulankan u aragtaa fursad muhiim ah oo lagu xoojinayo wada-shaqaynta hayโ€™adaha caalamiga ah, dowladda iyo ururrada maxalliga ah, iyo in la kobciyo doorka bulshada rayidka ah ee adeegyada iyo horumarinta bulshada.

๐ท๐‘Ž๐‘š๐‘Ž๐‘™ ๐‘…๐‘’๐‘™๐‘–๐‘’๐‘“ ๐‘‚๐‘Ÿ๐‘”๐‘Ž๐‘›๐‘–๐‘ง๐‘Ž๐‘ก๐‘–๐‘œ๐‘› (๐ท๐‘…๐‘‚)
๐ธ๐‘š๐‘๐‘œ๐‘ค๐‘’๐‘Ÿ๐‘–๐‘›๐‘” ๐ถ๐‘œ๐‘š๐‘š๐‘ข๐‘›๐‘–๐‘ก๐‘–๐‘’๐‘  ๐‘‡โ„Ž๐‘Ÿ๐‘œ๐‘ข๐‘”โ„Ž ๐ถ๐‘œ๐‘š๐‘๐‘Ž๐‘ ๐‘ ๐‘–๐‘œ๐‘› ๐‘Ž๐‘›๐‘‘ ๐‘‰๐‘œ๐‘™๐‘ข๐‘›๐‘ก๐‘’๐‘’๐‘Ÿ๐‘–๐‘ ๐‘š.

๐‹๐€๐€๐’๐‚๐€๐€๐๐Ž๐Ž๐ƒ| ๐Š๐จ๐ซ๐ฆ๐ž๐ž๐ซ๐ค๐š ๐œ๐š๐ซ๐ซ๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ญ๐š ๐š๐ ๐จ๐จ๐ง๐ญ๐š & ๐ ๐š๐š๐๐ก๐ฌ๐ข๐ข๐ง๐ญ๐š ๐š๐ ๐š๐›๐ค๐š ๐ฐ๐š๐ฑ๐›๐š๐ซ๐š๐ฌ๐ก๐š๐๐š ๐ž๐ž ๐ฌ๐š๐ง๐ง๐š๐ ๐๐ฎ๐ ๐ฌ๐ข๐ฒ๐ž๐ž๐๐ค๐š ๐œ๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐›.Ururka Damal Reli...
15/08/2026

๐‹๐€๐€๐’๐‚๐€๐€๐๐Ž๐Ž๐ƒ| ๐Š๐จ๐ซ๐ฆ๐ž๐ž๐ซ๐ค๐š ๐œ๐š๐ซ๐ซ๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ญ๐š ๐š๐ ๐จ๐จ๐ง๐ญ๐š & ๐ ๐š๐š๐๐ก๐ฌ๐ข๐ข๐ง๐ญ๐š ๐š๐ ๐š๐›๐ค๐š ๐ฐ๐š๐ฑ๐›๐š๐ซ๐š๐ฌ๐ก๐š๐๐š ๐ž๐ž ๐ฌ๐š๐ง๐ง๐š๐ ๐๐ฎ๐ ๐ฌ๐ข๐ฒ๐ž๐ž๐๐ค๐š ๐œ๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐›.

Ururka Damal Relief Organization ayaa magaalada Laascaanood kusoo gabagabeeyey hawlgalkii kormeerka iyo gaadhsiinta agabka waxbarashada ee carruurta ku jira barnaamijka taageerada waxbarashada ee ururku kafaalo-qaaday.

Intii uu socday hawlgalkan, carruurta waxaa la gaadhsiiyey agabka waxbarashada ee lagama maarmaanka u ah sannad dugsiyeedka, oo ay kamid yihiin ๐›๐ฎ๐ฎ๐ ๐š๐š๐ , ๐ช๐š๐ฅ๐ข๐ฆ๐š๐š๐ง ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐ข๐ซ๐š๐ฒ๐ฌ๐ค๐š ๐ข๐ฌ๐ค๐ฎ๐ฎ๐ฅ๐ค๐š, si loo xoojiyo ka qaybgalka waxbarasho iyo in carruurtu helaan agabka ay u baahnaayeen bilowga sannad dugsiyeedka cusub.

Kormeerka Laascaanood wuxuu qayb ka yahay hawlgal ballaadhan oo ๐ƒ๐š๐ฆ๐š๐ฅ ๐‘๐ž๐ฅ๐ข๐ž๐Ÿ ๐Ž๐ซ๐ ๐š๐ง๐ข๐ณ๐š๐ญ๐ข๐จ๐ง ka waday magaalooyin kala duwan, kaas oo horey loogu soo maray 7 magaalo. Hawlgalkan waxaa si gaar ah diiradda loogu saaray qiimaynta xaaladda carruurta, la socodka waxbarashadooda, xaqiijinta baahiyahooda iyo xog ururin toos ah oo lagu ogaanayo duruufaha ay ku nool yihiin.

Ujeeddadu ma ahayn oo keliya in agab waxbarasho la gaadhsiiyo carruurta, balse sidoo kale waxay ahayd in ๐ƒ๐‘๐Ž ay si dhow u fahanto xaaladda carruurta, waxbarashadooda iyo caqabadaha saamayn kara horumarkooda waxbarasho. Laascaanood waa magaalada carruurta ugu badan ku nool yihiin.

Intii uu socday kormeerka, waxaa sidoo kale kulan iyo xog-wadaag lala yeeshay hooyooyinka iyo qoysaska carruurta. Waalidiintu waxay ururka la wadaageen duruufo iyo baahiyo kala duwan oo qaarkood ka baxsan dhinaca waxbarashada, kuwaas oo si toos ah ama si dadban u saamayn kara nolosha iyo mustaqbalka carruurta.

Xogta iyo aragtida laga helay kulamadaas waxay ๐ƒ๐‘๐Ž u noqonayaan qayb muhiim ah oo ka mid ah qiimaynta joogtada ah ee xaaladda carruurta iyo qorshaynta taageerada mustaqbalka.

๐ƒ๐š๐ฆ๐š๐ฅ ๐‘๐ž๐ฅ๐ข๐ž๐Ÿ ๐Ž๐ซ๐ ๐š๐ง๐ข๐ณ๐š๐ญ๐ข๐จ๐ง waxay si buuxda u aqoonsan tahay in baahiyaha carruurtu ay ka baaxad weyn yihiin awoodda ururka oo keliya.

Taageerada waxbarashadu waa tallaabo muhiim ah, balse mustaqbalka carruurtu wuxuu u baahan yahay garab istaag ballaadhan oo joogto ah, gaar ahaan marka ay jiraan baahiyo la xiriira noloshooda, qoysaskooda iyo duruufaha kale ee saamayn kara waxbarashada iyo horumarkooda.

Sidaas darteed garab istaagga carruurtan waa masuuliyad wadajir ah. ๐ƒ๐‘๐Ž waxay ku boorrinaysaa bulshada, samafalayaasha, hayโ€™adaha, ganacsatada iyo cid kasta oo awood u leh inay gacan ka gaysato in carruurtan loo abuuro fursad mustaqbal oo wanaagsan.

๐ƒ๐‘๐Ž waxay sii wadi doonaan kormeerka, xog ururinta iyo la socodka joogtada ah ee carruurta ku jira barnaamijka taageerada waxbarashada.

๐Š๐€๐‹๐€๐๐€๐˜๐ƒ๐‡| Magaalada Kalabaydh oo kamid ah deegaannada uu ururku ka wado barnaamijka kafaala-qaadka waxbarashada carruur...
11/08/2026

๐Š๐€๐‹๐€๐๐€๐˜๐ƒ๐‡| Magaalada Kalabaydh oo kamid ah deegaannada uu ururku ka wado barnaamijka kafaala-qaadka waxbarashada carruurta agoonta ah, waxaa lagu sameeyey kormeer iyo qiimayn ku saabsan xaaladda waxbarasho iyo duruufaha carruurta uu ururku kafaalo qaaday waxbarashadooda.

Intii uu kormeerku socday, waxaa kulamo xog-ururin iyo is-xogwaraysi lala yeeshay waalidiinta carruurta iyo qaar kamid ah masuuliyiinta waxbarashada magaalada, si loo qiimeeyo horumarka iyo baahiyaha waxbarasho ee carruurta.

Sidoo kale, carruurta waxaa la gaadhsiiyey agabka waxbarashada ee sannad-dugsiyeedka cusub, si ay ugu diyaar-garoobaan.

Kormeerku wuxuu qayb ka yahay dadaallada ururka ee lagu xoojinayo taageerada waxbarashada iyo dabagalka joogtada ah ee carruurta ku jirta barnaamijka kafaala-qaadka.

๐€๐ฅ๐ฅ๐š๐š๐ก ๐š๐ฒ๐š๐š ๐ฆ๐š๐ก๐š๐ ๐ข๐ฌ๐ค๐š ๐ฅ๐ž๐ก.

๐Š๐€๐‹๐€๐๐€๐˜๐ƒ๐‡ & Damal Relief
10/08/2026

๐Š๐€๐‹๐€๐๐€๐˜๐ƒ๐‡ & Damal Relief

๐–๐ˆ๐ƒ๐‡๐–๐ˆ๐ƒ๐‡ | ๐Š๐จ๐ซ๐ฆ๐ž๐ž๐ซ๐ค๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐ญ๐š๐š๐ ๐ž๐ž๐ซ๐š๐๐š ๐ฐ๐š๐ฑ๐›๐š๐ซ๐š๐ฌ๐ก๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐ซ๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ญ๐š ๐š๐ ๐จ๐จ๐ง๐ญ๐š.Iyadoo la sii ambaqaadayo hawlihii kormeerka iyo taag...
10/08/2026

๐–๐ˆ๐ƒ๐‡๐–๐ˆ๐ƒ๐‡ | ๐Š๐จ๐ซ๐ฆ๐ž๐ž๐ซ๐ค๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐ญ๐š๐š๐ ๐ž๐ž๐ซ๐š๐๐š ๐ฐ๐š๐ฑ๐›๐š๐ซ๐š๐ฌ๐ก๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐ซ๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ญ๐š ๐š๐ ๐จ๐จ๐ง๐ญ๐š.

Iyadoo la sii ambaqaadayo hawlihii kormeerka iyo taageerada waxbarasho, Damal Relief Organization ayaa magaalada Widhwidh ka sameeyey kormeer iyo qiimayn lagu ogaanayo xaaladda waxbarasho ee carruurta agoonta ah ee ku jira barnaamijka kafaala-qaadka waxbarashada.

DRO waxay kulamo xog-ururin ah la yeelatay maamulka iyo macallimiinta dugsiga, waalidiinta iyo carruurta, iyadoo sidoo kale gaadhsiisay agab waxbarasho oo ay ka mid yihiin ๐๐ข๐ซ๐š๐ฒ๐ฌ, ๐›๐ฎ๐ฎ๐ ๐š๐š๐  ๐ข๐ฒ๐จ ๐ช๐š๐ฅ๐ข๐ฆ๐š๐š๐ง.

Widhwidh waxay noqotay magaalada lixaad ee hawshan kormeerka ah laga fuliyey, taas oo qayb ka ah dadaalka DRO ee joogtada ah ee lagu xoojinayo waxbarashada iyo la socodka carruurta ururku kafaalo qaaday waxbarashadooda.

Address

Laascaanood

Telephone

+436643447649

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Damal Relief Organization posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Damal Relief Organization:

Shortcuts

Share