19/03/2026
URURKA DAMAL RELIEF ORGANIZATION OO CIIDSIIYEY 60 AGOON AH.
Ururka Damal Relief Organization ayaa sidii caadadiisa ahayd xilliyada munaasabadaha Ciidka ah ka qaybqaata farxadda agoonta ay gacanta ku hayaan;
Ururku isaga oo taa ka duulaya ayuu ciidsiiyey 60 carruur ah oo kala jooga magaalooyinka Awrboogays, Widhwidh, Boocame, Taleex, Kalabaydh iyo Yagoori, carruurtaas oo dhammaantood ah agoontii dagaallada ku agoomowdey, waxbarashadoodana uu ururku gacanta ku hayo.
Ururku waxa uu si weyn ugu mahadcelinayaa dhammaan xubnaha dhaqaale bixiyayaasha joogtada ah ee ururka oo iyagu ah tiirka koowaad ee uu ku tiirsan yahay dhaqaalaha ururku.
Ugu dambayn waxa uu ururku si mug iyo miisaan leh ugu mahadcelinayaa Shirkadda Kaamil General Trading oo ka qayb qaadatay ciidsiinta agoontaas, sidoo kalena noqotay shirkadihii codsiyada ururku u gudbiyey midda keliya ee ka soo jawaabtey.
Waxa aan sidoo kale u mahadcelinaynaa mudane Cabdiqani Aw-Daahir oo ka qaybqaatay farxadda ciidsiinta agoonta.
Inta ka qaybqaadatay dhammaantood Alle ha barakeeyo, wanaagna haka abaal mariyo, meesha ay ka bixiyeenna mid ka barako badan Rabbi ha ugu beddelo.
Mahadsanidiin.