Dervish Youth Representative Umbrella

Dervish Youth Representative Umbrella Dervish Youth representative umrbrella is revolution that struggles to achieve the disire of northeastern state of Somalia.

DERY UMBRELLA
WEBSITE: https://deyrumbrella.org
EMAIL: [email protected]
WhatsApp: +252639149393

Dallada Dhalinyarada DEYR ayaa gaadhsiisay 50 qoys deeq raashin ah,  qoysaska oo ka mid ah ku wa ay saameeyeen duruufaha...
09/03/2026

Dallada Dhalinyarada DEYR ayaa gaadhsiisay 50 qoys deeq raashin ah, qoysaska oo ka mid ah ku wa ay saameeyeen duruufaha nololeed ee adag ee ka dhashay xaaladda abaareed.

DEYR waxay xoojinaysaa muhiimadda isku tashiga bulshada, iyadoo aaminsan in xilliyada adag ay yihiin waqtiga ugu habboon ee bulshadu isu garab istaagto, isu hiiliso, isla markaana ay ka wada shaqayso yareynta dhibaatada.

DEYR waxay ku boorrinaysaa bulshada iyo ganacsatada inay ka qayb qaataan garab istaagga qoysaska nugul, si loo xoojiyo dhaqanka samafalka, wadajirka iyo isku tashiga bulshada.

‎Ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Waqooyi Bari Abdirashid Yusuf Jibriil ayaa xafiiskiisa ku q...
31/12/2025

‎Ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Waqooyi Bari Abdirashid Yusuf Jibriil ayaa xafiiskiisa ku qaabilay ergadii dhalinyarada ahaa ee matalayay ururrada iyo hoggaanka ka qayb-galay Shirweynaha 3AAd ee Dhalinyarada Waqooyi Bari.

‎Kulankan ayaa diiradda lagu saaray doorka istiraatiijiga ah ee horumarinta bulshada iyo kaalinta Dhalinyarada

‎Intii uu kulanku socday, Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa si qoto dheer warbixino uga dhagaysatay aragtiyaha, talooyinka, iyo hindiseyaasha ay dhalinyaradu soo bandhigeen

‎Ugu danbeyntii Ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Waqooyi Bari ayaa u hambalyeeyay dadaalka iyo juhdiga ay dhalinyaradu galisay qabsoomida shirweynihii 3AAD ,isaga oo adkeeyay in dowladda ay mudnaan gaar ah siinayso ka-qaybgalka dhalinyarada ee geeddi-socodka dowlad-dhiska iyo go’aan-qaadashada.

DAY 2 – Shirweynaha 3 AAD ee Dhalinyarada North EasternDoodaha Maalinta labaad ee Shirweynaha Dhalinyarada North Eastern...
28/12/2025

DAY 2 – Shirweynaha 3 AAD ee Dhalinyarada North Eastern

Doodaha Maalinta labaad ee Shirweynaha Dhalinyarada North Eastern ayaa si firfircoon u socota, iyadoo diiradda la saarayo nabad-dhisidda, horumarinta, iyo doorka dhalinyarada ee ficil-qaadashada. Dhalinyaradu waxay si qoto dheer uga doodayaan sida ay hormuud uga noqon lahaayeen isbeddelka, una diyaarin lahaayeen qorshe dhamaystiran oo sanadka 2026 ay dhalinyaradu si toos ah awooddooda ugu maalgeliyaan.

Doodaha iyo talooyinka ka soo baxaya maanta waxay xoojinayaan in dhalinyaradu yihiin laf-dhabarta bulshada deegaanka, nabadda, iyo dowlad-dhiska, isla markaana ay leeyihiin awood, karti, iyo masuuliyad ay mustaqbal mideysan oo waara ku dhisi karaan

Shirweynaha Dhalinyarada Waqooyi Bari, Sanad kii 3-aad, ayaa si rasmi ah uga furmay caasimadda Laascaanood. Shirka waxaa...
27/12/2025

Shirweynaha Dhalinyarada Waqooyi Bari, Sanad kii 3-aad, ayaa si rasmi ah uga furmay caasimadda Laascaanood. Shirka waxaa ka qayb galaya 27 urur dhalinyaro oo ka kala socda degmooyin kala duwan iyo 8 jaamacadood, kuwaas oo matalaya codka iyo himilada jiilka mustaqbalka. Shirku wuxuu si gaar ah diiradda u saarayaa xalinta caqabadaha hortaagan dhalinyarada, isaga oo lagu dejinayo qorshaha istiraatiijiga ah ee 2026 ee dhalinyaradu hiigsanayaan inay xaqiijiyaan. Sidoo kale, shirku wuxuu xambaarsan yahay ruuxda iyo dhaxalka Kacdoonka Buluugga ah, oo astaan u ah midnimo, wacyi, iyo doorka hoggaamineed ee dhalinyaradu ku leeyihiin dhismaha dowladnimo iyo horumar waara

𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐥𝐢𝐧𝐲𝐚𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐖𝐚𝐪𝐨𝐨𝐲𝐢 𝐁𝐚𝐫𝐢Shirka Dhalinyarada Waqooyi Bari ayaa qabsoomaya kal-kiisi 3aad oo dhiidh ah, waa madal ...
25/12/2025

𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐥𝐢𝐧𝐲𝐚𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐖𝐚𝐪𝐨𝐨𝐲𝐢 𝐁𝐚𝐫𝐢

Shirka Dhalinyarada Waqooyi Bari ayaa qabsoomaya kal-kiisi 3aad oo dhiidh ah, waa madal sanadle ah oo lagu mideeyo aragtida, codka, iyo doorka dhalinyarada ee mustaqbalka degaanka.

Shirka waxaa si gaar ah diiradda loogu saarayaa doorka dhalinyarada ee dowlad-dhiska, dorashooyinka iyo diyaarinta qorshaha dallada dhalinyarada DEYR sanadka 2026.

shirku wuxuu xambaarsan yahay xuska Maalinta seeska u ah dowladnimada Ee kacdoonkii buluugga ahaa 27 December, iyadoo dhalinyaradu ay cusboonaysiinayaan axdigii midnimada, adkaynta wada-jirka bulshada, ilaalinta mabaadi’da iyo garab-istaagga dowladnimada Waqooyi Bari.

Shirka Dhalinyarada Waqooyi Bari waa cod mideysan, aragti hoggaamineed, iyo mas’uuliyad saaran jiilka marba talada haya, kana tarjumaya in dhalinyaradu yihiin tiirka ugu muhiimsan ee dowladnimo iyo horumar waara.

Website: www.deyrumbrella.org
Email: [email protected]
Phone: +252 63 9149393

Dalladda Dhalinyarada DEYR iyo dhalinyaro qurbo-joog ah oo ka kala yimi dalal iyo magaalooyin kala duwan, kuwaas oo u jo...
24/12/2025

Dalladda Dhalinyarada DEYR iyo dhalinyaro qurbo-joog ah oo ka kala yimi dalal iyo magaalooyin kala duwan, kuwaas oo u jooga shaqooyin kala duwan, ayaa yeeshay kulan muhiim ah. Dhalinyarada dibadda ka timid ayaa la wadaagay DEYR aragtiyo, talooyin iyo waayo-aragnimo qiimo leh oo ay ka soo qaadeen dalalka ay ku nool yihiin, halka DEYR ay soo bandhigtay kaalinta dhalinyaradu ku leedahay dowlad-dhiska, horumarinta, shaqooyinka ay wadaan, baahida dhabta ah, fursadaha jira iyo jihada horumarineed ee dhalinyarada gudaha.

Kulanka ayaa noqday mid xoojiya rajo, is-faham iyo isku-xidh cusub oo u dhexeeya dhalinyarada gudaha iyo dibadda, iyadoo la isla garwaaqsaday muhiimadda ay leedahay in jiilku si mideysan isugu kaashado horumarinta bulshada iyo wax-tarka dowladnimada Waqooyi.

Website: www.deyrumbrella.org
Email: [email protected]
Phone: +252 63 9149393

23/12/2025

WAR-BIXIN KOOBAN: XAALADDA ABAARTA WAQOOYI BARI

Koox is-xilqaamayaal ah oo ka tirsan DEYR, qaybna ka ahayd qiimaynta dhabta ah ee abaarta ka jirta Waqooyi Bari, waxay soo aragtay xaalad aad u daran oo bani’aadannimo. Abaartu waxay saamayn toos ah ku yeelatay caafimaadka, nolosha, iyo badbaadada kumannaan qoys oo ku nool deegaanada abaartu ku dhufatay.

Xaaladda guud waxay muujinaysaa in qoysas badan aanay haysan biyo nadiif ah, ceelashii iyo baraagihii deegaanka badankoodna ay engegeen. Tani waxay ku kalliftay in dad badan ay isticmaalaan biyo aan nadiif ahayn, taas oo keentay shuban daran, fuuqbax, xumad iyo infekshanno caafimaad oo halis ah. Waxaa sidoo kale la soo tabiyay dhimashooyin lala xiriiriyay biyo la’aanta iyo cabitaanka biyo aan ammaan ahayn.

Qoysas badan waxay ku jiraan xaalad nololeed iyo caafimaad oo aad u liidata. Adeegyada caafimaadku badankood ma yaalliin degaannadaas, kuwii jirayna waxay la tacaalayaan xaalado ka sarreeya awooddooda. Nafaqo darro iyo cunto yari ayaa si aad ah u saamaysay carruurta, haweenka iyo dadka danyarta ah, taas oo sii kordhisay nuglaanshahooda.

Deegaannada abaartu saamaysay waxay u baahan yihiin gurmad degdeg ah oo ay ka mid yihiin biyo nadiif ah, gargaar caafimaad oo lagu yareeyo cudurrada ka dhasha biyo wasakhaysan, raashin iyo nafaqo loogu talagalay qoysaska nugul, iyo taageero joogto ah oo lagu badbaadinayo nolosha carruurta iyo waayeelka.

DEYR waxay ugu baaqaysaa guud ahaan bulshada Waqooyi Bari, hay’adaha samafalka, deeq-bixiyeyaasha, iyo dhammaan bah-wadaagta in ay si degdeg ah uga jawaabaan xaaladdan sii xumaanaysa. Qoysas badan waxay u baahan yihiin biyo, caafimaad iyo raashin degdeg ah.

Abaartu waxay gaadhay heer keeni kara khasaare naf iyo caafimaad oo ballaaran, sidaas darteed waa lagama maarmaan in gurmadka la dardargeliyo si loo badbaadiyo dadka ugu nugul

📞 +252 639 149 393
[email protected]
www.deyrumbrella.org

Dervish Youth Representative Umbrella (DEYR) successfully convened a coordination meeting at its office, bringing togeth...
20/12/2025

Dervish Youth Representative Umbrella (DEYR) successfully convened a coordination meeting at its office, bringing together umbrella leadership and member youth organizations to discuss priority youth and community issues in Northeastern Somalia.

Key discussions focused on youth-led drought response, final preparations for the Annual Youth Conference, and the commemoration of Youth Day, with a shared commitment to strengthening coordination and promoting meaningful youth participation.

[email protected]
www.deyrumbrella.org
+252 639149393

DEYR Umbrella is a member of the Somalia Coalition on Youth, Peace and Security (YPS) and will participate in a high-lev...
15/12/2025

DEYR Umbrella is a member of the Somalia Coalition on Youth, Peace and Security (YPS) and will participate in a high-level dialogue focused on strengthening Somali youth participation, advancing the Youth, Peace and Security agenda, and supporting the localization of the National Action Plan (NAP).

The dialogue will take place on Thursday, 18 December, reinforcing DEYR’s leadership role in inclusive, evidence-based engagement and locally led peacebuilding efforts in Somalia

Xaalada abaarta ee Waqooyi-Bari waa mid weyn oo u baahan wax kaqabasho degdeg ah. Koox ka kooban hay’ado kala duwan ayaa...
30/11/2025

Xaalada abaarta ee Waqooyi-Bari waa mid weyn oo u baahan wax kaqabasho degdeg ah.

Koox ka kooban hay’ado kala duwan ayaa 29 November booqday Caroolay, Dhubuq-Dhubuq, Qowlo iyo degaamada ku xeeran, iyagoo u kuur gelaya, ururinaya xogta iyo baaxadda abaarta.

Deegaannadan waxaa saameeyay roob la’aan 3 sano jirsatay, taasoo keentay biyo-yari, cunno yaraansho, iyo baadka xoolaha oo yaraaday, halka biyihii gabaabsi yihiin, qiimaha foostada biyaha uu gaaray 8–10 Dollar.

Waxaa jira baahi weyn oo biyo, raashin, iyo gurmad caafimaad loo qabo, iyadoo saamaynta abaartu ka wayn tahay inta muuqata.

Mas’uuliyiin ka socda Moifar - Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u heshiisiinta Soomaaliya ayaa kulan muhiim ...
20/11/2025

Mas’uuliyiin ka socda Moifar - Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u heshiisiinta Soomaaliya ayaa kulan muhiim ah kula yeeshay Xafiiska Dalladda Dhalinyarada Dervish Youth Representative Umbrella (DEYR), xilli ay howlo shaqo rasmi ah ku joogeen Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari ee Soomaaliya.

Mas’uuliyiinta wasaaradda ayaa si diiran loogu soo dhoweeyay xafiiska DEYR, halkaas oo lagu soo bandhigay warbixin kooban oo ku saabsan guulihii iyo shaqadii DEYR muddadii ay jirtay, gaar ahaan dhinacyada wacyigelinta dhalinyarada, nabadeynta, iyo horumarinta bulshada.

Xubnaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa ku boorriyay DEYR in ay sii waddo dadaallada ay ugu jirto horumarinta dhalinyarada, iyagoo adkeeyey muhiimada ay leedahay kor u qaadida doorka dhalinyarada ee dhismaha nabada iyo horumarinta bulshada.

Xafiiska Guud: Laascaanood, Waqooyi Bari Soomaaliya
Tel: +252 63 914 9393
WhatsApp: +252 63 914 9393
[email protected]
http://deyrumbrella.org

United Nations Transitional Assistance Mission in Somalia Shaqodoon Organization NRC - Norwegian Refugee Council Embassy of Switzerland in NairobiUNICEF Somalia IOM - UN Migration UNDP in Somalia UN Geneva Waqooyi Bari State House

Dalladda Dhalinyarada Dervish Youth Representative (DEYR) ayaa kulan muhiim ah kula yeeshay xarunta Wasaaradda Arrimaha ...
05/11/2025

Dalladda Dhalinyarada Dervish Youth Representative (DEYR) ayaa kulan muhiim ah kula yeeshay xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib-U-Heshiisiinta Waqooyi Bari masuuliyiin ka socday Moifar - Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u heshiisiinta, Sidoo kale waxaa kulanka qayb wayn ka ahaa oo martigeliyay Khadar Mahamed Hassan Agaasimaha maamulka iyo maaliyada Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Waqooyi-Bari

Kulanka ayaa lagu lafa-guray doorka dhalinyaradu ku leeyihiin nabadeynta, dib-u-heshiisiinta iyo horumarinta bulshada, iyadoo la isla gartay in kor loo qaado ka-qaybgalka dhalinyarada ee dhismaha nabadda iyo horumarka Dalka.

Masuuliyiinta Wasaaraddu waxay ku bogaadiyeen DEYR dadaalka iyo doorka firfircoon ee ay ka qaataan ilaalinta nabadda iyo isu-duubnida bulshada, halka dalladdu ay muujisay diyaar garow buuxa oo ay ku sii wadi doonto hawlaha bulshada iyo wada-shaqaynta laamaha dowladda ee heer dowlada goboleed iyo heer qaran.

Address

Lasanod
Laascaanood

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dervish Youth Representative Umbrella posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Dervish Youth Representative Umbrella:

Share