02/06/2026
Maanta oo ay taariikhdu tahay 02 Juun 2026, Guddoomiyaha Golaha Dhalinta Ee Rays iyo xubno ka tirsan golaha ayaa booqasho shaqo ugu tagay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Hidaha & Tacliinta Sare ee Jubbaland, Mudane H.E Abdinasir Serar Mah.
Kulanka ayaa looga hadlay howlaha iyo himilooyinka Golaha Dhallinta Rays, sidii loo xoojin lahaa horumarinta dhallinyarada, hirgelinta ololeyaasha waxbarashada dadka waaweyn, iyo sare u qaadista aqoonta, akhriska iyo qoraalka bulshada.
Wasiirka ayaa si diirran u soo dhaweeyay wafdiga golaha, isaga oo bogaadiyay dadaallada ay dhallinyarada goluhu wadaan. Sidoo kale, goluhu waxa uu Wasaaradda ka helay aqoonsi rasmi ah, waxaana la isla qaatay in la yeesho wada-shaqayn joogto ah oo ku saabsan horumarinta aqoonta, akhris-qoraalka, iyo barnaamijyo kor loogu qaadayo doorka dhallinyarada ee bulshada.
Golaha Dhallinta Rays waxa uu uga mahadcelinayaa Wasiirka iyo Wasaaradda soo dhaweynta wanaagsan, taageerada iyo kalsoonida ay u muujiyeen howlaha iyo himilooyinka golaha.