Golaha Dhalinta Ee Rays

Directions

Golaha Dhalinta Ee Rays Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Golaha Dhalinta Ee Rays, Youth Organization, Kismayo.

From Skills to Self-Employment | Xirfad ilaa Isku-filnaanshoShalay, Golaha Dhallinta Rays ayaa soo agaasimay barnaamij a...
12/10/2026

From Skills to Self-Employment | Xirfad ilaa Isku-filnaansho

Shalay, Golaha Dhallinta Rays ayaa soo agaasimay barnaamij aqooneed cinwaankiisu ahaa โ€œFrom Skills to Self-Employmentโ€, kaas oo diiradda lagu saaray sidii xirfadaha loogu beddeli lahaa fursado shaqo iyo isku-filnaansho.

Barnaamijka waxaa soo jeediyay Anas Abdiwahab Adan (Anaskey), oo ah khabiir ku takhasusay Multimedia.

Waxaan u mahadcelinaynaa soo-jeediyaha, dhammaan ka soo qaybgalayaasha iyo Shabeel Advertising Agency, oo ahaa bahwadaaggeenna warbaahineed.

Golaha Dhallinta Rays wuxuu sii wadi doonaa abaabulka barnaamijyada kobcinaya aqoonta, xirfadaha iyo hal-abuurka dhallinyarada.

Golaha Dhalinta Ee Rays wuxuu idinku martiqaadayaa barnaamij muhiim ah oo ku saabsan sidii xirfadaha loogu beddeli lahaa...
11/10/2026

Golaha Dhalinta Ee Rays wuxuu idinku martiqaadayaa barnaamij muhiim ah oo ku saabsan sidii xirfadaha loogu beddeli lahaa fursado shaqo-abuur iyo isku-filnaansho dhaqaale.

Barnaamijkan waxaa soo jeedinaya Anas Abdiwahab Adan (Anaskey), oo ah khabiir ku takhasusay warbaahinta (Multimedia Specialist).

๐Ÿ“… Axad, 11-ka Oktoobar 2026
โฐ 3:30 galabnimo
๐Ÿ“ Xarunta K.T.I

Waa fursad qiimo leh oo dhallinyaradu ku baran karaan sida xirfadahooda ugu abuuri karaan shaqo iyo mustaqbal dhaqaale oo wanaagsan.

04/10/2026

Kulan looga hadlayay Afka Iyo dhaqanka soomaaliyeed.

# golaha rays

01/10/2026

Madal aqooneed lagu falanqeeyay Af-Soomaaliga iyo saamaynta afafka shisheeye.


Dood Furan: Afafka Shisheeye iyo Mustaqbalka Af-SoomaaligaXalay, Xarunta Rays waxaa inooga qabsoomay dood furan oo cinwa...
31/08/2026

Dood Furan: Afafka Shisheeye iyo Mustaqbalka Af-Soomaaliga

Xalay, Xarunta Rays waxaa inooga qabsoomay dood furan oo cinwaankeedu ahaa โ€œAfafka Shisheeye iyo Mustaqbalka Af-Soomaaligaโ€, taas oo uu soo agaasimay Golaha Dhallinta Rays.

Doodda waxaa lagu turxaan bixiyay xaaladda Af-Soomaaliga, saamaynta afafka shisheeye iyo caqabadaha iyo fursadaha ku xeeran mustaqbalka afkeenna.

Ka-qaybgalayaasha waxaa lagu jiheeyay afar qodob oo muhiim ah:

1. Af-Soomaaliga iyo Loollanka Afafka Caalamiga ah

2. Doorka Suugaanta ee Ilaalinta iyo Horumarinta Af-Soomaaliga

3. Isirka iyo Asalka Af-Soomaaliga

4. Doorka Manhajka Waxbarashada Soomaaliya ee Kobaca Af-Soomaaliga

Dooddu waxay ahayd madal aqooneed oo lagu kobcinayo fikirka, cilmi-baarista iyo doodda ku saabsan Af-Soomaaliga, iyadoo qodobadan loo aqoonsaday jihooyin mudan in si qoto dheer loo baadho loogana doodo.

Galabta, waxaa si wanaagsan u qabsoomay maalintii koowaad ee tababarka labada maalin soconaya ee uu soo qabanqaabiyey Go...
23/08/2026

Galabta, waxaa si wanaagsan u qabsoomay maalintii koowaad ee tababarka labada maalin soconaya ee uu soo qabanqaabiyey Golaha Dhalinta Ee Rays, kaas oo diiradda lagu saarayay kobcinta aqoonta iyo xirfadaha dhallinyarada.

โ€‹Tababarka galabta waxaa looga hadlay mowduuca โ€œ๐‡๐š๐ง๐ง๐š๐š๐ง๐ค๐š ๐–๐š๐ฑ๐›๐š๐ซ๐š๐ฌ๐ก๐จ ๐ž๐ž ๐–๐š๐ฑ-๐ค๐ฎ-๐จ๐จ๐ฅ๐ค๐š ๐š๐กโ€ (๐„๐Ÿ๐Ÿ๐ž๐œ๐ญ๐ข๐ฏ๐ž ๐‹๐ž๐š๐ซ๐ง๐ข๐ง๐  ๐“๐ž๐œ๐ก๐ง๐ข๐ช๐ฎ๐ž๐ฌ), waxaana ka qaybgalayaashu heleen aqoon iyo farsamooyin wax-ku-ool ah oo ka caawinaya inay si wanaagsan wax u bartaan, aqoontana uga faaโ€™iidaystaan nolol maalmeedkooda.

โ€‹Waxaan u mahadcelinaynaa ๐”๐ฌ๐ญ๐š๐š๐ ๐Œ๐จ๐ก๐š๐ฆ๐ž๐ ๐‡๐ฎ๐ฌ๐ฌ๐ข๐ง ๐€๐ก๐ฆ๐ž๐ oo si qiimo leh u soo bandhigay tababarka, iyo dhammaan dhallinyaradii ka soo qaybgalay.

โ€‹๐†๐จ๐ฅ๐š๐ก๐š ๐ƒ๐ก๐š๐ฅ๐ฅ๐ข๐ง๐ญ๐š ee ๐‘๐š๐ฒ๐ฌ wuxuu sii wadi doonaa dadaallada lagu kobcinayo aqoonta, xirfadaha iyo kartida dhallinyarada.

Golaha Dhalinta Ee Rays waxay soo qaban qaabiyeen tababarro soconaya 2 maalmood, kaas oo diiradda lagu saarayo:1. Farsam...
22/08/2026

Golaha Dhalinta Ee Rays waxay soo qaban qaabiyeen tababarro soconaya 2 maalmood, kaas oo diiradda lagu saarayo:
1. Farsamooyinka Waxbarasho ee Wax-ku-oolka ah 2. Hoggaaminta iyo Horumarinta Shakhsi.

Ka-qaybgalayaasha waxaa la siinayaa shahaado marka ay dhammeystaan tababarka.

Tirada ka-qaybgalayaashu waa kooban tahay. Fadlan buuxi foomkan hoose si aad booskaaga u xaqiijiso. Mahadsanid.

https://forms.gle/otHn1ojfgzU14ksh7

22/08/2026

Farriin ku socota gabadhaha raggoodu ay qayilaan.
Kulankii Abuukar Cawaale (Qaaddiid) iyo dhallinyarada reer Kismaayo.

Xalay oo ay taariikhdu ahayd ๐Ÿ๐ŸŽ-๐ค๐š ๐€๐ ๐จ๐จ๐ฌ๐ญ๐จ ๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ”, waxaa si heer sare ah u qabsoomay mowduucii โ€œ๐‰๐š๐ก๐š๐ฐ๐š๐ซ๐ž๐ž๐ซ ๐ข๐ฒ๐จ ๐‰๐ข๐ข๐ฅ ๐‹๐ฎ๐ฆ๐š๐ฒ๐š...
21/08/2026

Xalay oo ay taariikhdu ahayd ๐Ÿ๐ŸŽ-๐ค๐š ๐€๐ ๐จ๐จ๐ฌ๐ญ๐จ ๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ”, waxaa si heer sare ah u qabsoomay mowduucii โ€œ๐‰๐š๐ก๐š๐ฐ๐š๐ซ๐ž๐ž๐ซ ๐ข๐ฒ๐จ ๐‰๐ข๐ข๐ฅ ๐‹๐ฎ๐ฆ๐š๐ฒ๐šโ€, oo ay si wadajir ah u soo qabanqaabiyeen Golaha Dhalinta Ee Rays iyo ๐Œ๐ข๐๐จ๐ฐ๐ ๐š ๐๐š๐š๐๐ข๐ฒ๐š๐๐š ๐€๐ค๐ก๐ซ๐ข๐ฌ-๐ช๐จ๐ซ๐š๐š๐ฅ๐ค๐š ๐Š๐ข๐ฌ๐ฆ๐š๐š๐ฒ๐จ.

โ€‹Kulanku wuxuu ahaa fursad muhiim ah oo lagu falanqeeyey caqabadaha maanta haysta dhallinyarada, jahawareerka ku xeeran jiilka cusub iyo saameynta uu ku yeelan karo mustaqbalkooda. Waxaa si qoto dheer loo lafaguray arrimo muhiim ah, iyadoo la is-weydaarsaday aragtiyo, talooyin iyo xalal wax-ku-ool ah.

โ€‹Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinaynaa ๐€๐›๐ฎ๐ฎ๐ค๐š๐ซ ๐‚๐š๐ฐ๐š๐š๐ฅ๐ž (๐๐š๐š๐๐๐ข๐ข๐) oo si qiimo leh u soo bandhigay mawduuca, iyo dhammaan dhallinyaradii, aqoonyahannadii iyo martidii sharafta lahayd ee ka soo qaybgalay kulanka.

โ€‹๐†๐จ๐ฅ๐š๐ก๐š ๐ƒ๐ก๐š๐ฅ๐ฅ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐ž๐ž ๐‘๐š๐ฒ๐ฌ wuxuu sii wadi doonaa abuurista madallo ay dhallinyaradu ku wadaagaan fikrado iyo aqoon, ku kobciyaan garaadkooda, kuna yeeshaan door muuqda oo wax-ku-ool ah oo ku aaddan dhismaha bulsho horumarsan.

Golaha Dhalinta Ee Rays iyo Midowga Naadiyada Akhris-qoraalka Kismaayo waxay bulshada iyo dhallinyarada ku casuumayaan M...
20/08/2026

Golaha Dhalinta Ee Rays iyo Midowga Naadiyada Akhris-qoraalka Kismaayo waxay bulshada iyo dhallinyarada ku casuumayaan Mawduuca: โ€œJahawareer iyo Jiil Lumayaโ€, oo uu soo jeedin doono Abuukar Cawaale (Qaaddiid).

๐Ÿ“… 20-ka August 2026
โฐ 7:00 PM
๐Ÿ“ Hotel Rotana, Kismaayo

Waa fursad muhiim ah oo lagu falanqeynayo caqabadaha horyaalla jiilka maanta, laguna wadaagi doono aragtiyo iyo talooyin wax-ku-ool ah.

Ka soo qaybgalkaagu waa inoo muhiim.

Golaha Dhallinta Rays

Address

Kismayo

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Golaha Dhalinta Ee Rays posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share